Monday, December 10, 2007

Ciiddayda iyo Calankayga (2)

Wali waxaynu ku guda jirnaa Albumkii an ugu magac daray Ciiddayda iyo Calankayga. Qaybtii hore waxan idiinku soo gudbiyay heestii koowaad (1) , “Ciiddayda Hooyiyo, Calankayga Buluugoow”.

Haatana waxa idinku soo maqan heesta labaad (2) ee isla Albumkasi oo ah:

BALADKAYGA HOOYOOW; BAXSANOOW DALKAYGOOW.

Baydka Koowaad:

Baladkayga hooyoow
Baxsanoow dalkaygoow
Ilaahbaan baryayaa
Inuu ku badbaadshee

Buul nabadi taalloo
Bulshadiisaa deeqoo
Idayl lagu badhaadho
Hakaa yeelo Boqorkay

Baydka Labaad

Baladkayga hooyoow
Baxsanoow dalkaygoow
Ilwaadaadii bilicsanayd
Indhahaa u basaasaye

Bogsan maayo ruuxii
Beryo kaa maqnaadiyoo
Intii kaa boqooshay
Badi way ku tabayaane

Baydka Saddexaad

Baladkayga hooyoow
Baxsanoow dalkaygoow
Inaad baylah iyo
Baydad ahaato maanta

Beerlaawe naxaniyo
Arxan laawaa ku badaye
Ha boholyoobin waligaa
Birmad Allaa kuu imane


Dhamaam heesaha Albumkan ku jiraayi waxa leeyihiin laxan aad iyo aad u macaan. Hadday iga fursan waydana waxan ku talo jiraa inaan idiin soo diraba iyagoo duuban, balse bilaa musig ah ..Insha Alah. Si fanaaniinta heesti, halkaas uga sii amba qaadaan oo iyagu musig ula raacaan iyo codkooda macaan.

LIIBAANA


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: