Tuesday, November 13, 2007

Reer Awdal Way ka Baxeen Somaliland - Ciye Ahmed - London

Maska waxa awoodiisa loosheegaa marka uusii dhimanayo; Awooda aan maanta gacanta ku haysanaa inama soo marayso mar kale. talo waa mar aad garanwaydo iyo mar aad gaadhi waydo.

Cuqaasheena, waxgaradkeena, aqoon yahankeena, dhalinyarteena, haweenkeena, culomaa'udiinkeena, yar iyo wayn inta aan isku nimaadno aan hal kalmad ku dhawaaqno bisha kowaad kowdeeda ee sanadka cusub 2008;

kalmadaasi waxay tahay - maamulka parliament-ka Somaliland waa in aan helnaa hadii aan reer sheekh Samaron nahay boqolkiiba 51 (51 %) ama waan ka baxaynaa Somaliland oo gooni ayaan isku taagaynaa inta ay Hargeysa toobad keenayso ama inta koonfurtu heshiinayso.waxaanahay gobol isku filan bad baan leenahay, aqoon yahay baan leenahay, iyo geesiyaal u diyaar ah dalkooda.Nabada Somaliland taala waa nabad reer Awdal keeneen. 100 (boqolkii) oday ee burco inta ay tageen heshiisiiyey habar yonis iyo habar jeclo weli way nool yihiin. nabadii ay keeneen waataa lagu caano maalayo.

Xukuumada Gobolka ka jirtaa inta ay ku shaqaynayso xaq daro in la'ictiraafaa inta cirkaas ayey u jirtaa waayo anagu 100% ma difaacayno maanta nin raba inuu kugu awr kacsado mana dhacayso inta uu xusulkaygu xabaal ka sareeyo.

Taariikh waa isla naqaanaa wixii dhacay waan ognahay; Soomaaliyi waxba ma kala qaado oo xamar baa wax kala qaadi lahayd. nabadu waa qaali xaqayaga si deg deg ah ayaan ugu baahanahay oo an baryo lahayn.hal mid ayaan faraya tolkay Reer Sh. Samaron: midnimo waa danteena waa in aan israacnaa oo aan dabadhilif inagu isku noqon.

waa in aan hal cadow yeelanaa caruurteena danbe maanta ayaan u hiilinaynaama waxaad rabtaan Africa oo aan xuquuqi jirin inay ku daalaan wax aan dani ugu jirin?maya weeyi jawaabtu!

Somaliland waxa ku nool yibir, tumaal, madhibaan, ciise, ogaden, dhulbahante, wersangali, ajuuraan, fiqishini, geri, madigaan, oromo, Gadabursi (oo ugu badan) iyo Isaaq (oo ugu badan).haddii inta kale la'isku daro Isaaq waa Minority!!

sideebaad xaq ugu yeelatay in aad qaadato 80% xukuumada jirta oo aad ku rabtaa in dawlad la'ictirafaa ka dhalato Somaliland?

Go'aankaygu wuu cad yahay hadal badana uma baahni waxaan kusoo gunaanaday; anigoo ku hadlaya magaca qoomiyada Gadabursi ee shanta Somaliya degta:Hawiye oo xamar is raacayxabishiyi miyey joogi lahayd? maya weeyi jawaabtuwaar inta an is eegayno hal arin ayaa inoo muhiim ah mar labaad aan ku celiyo iyo saddexba: waa in parliament - ka Somaliland aan ku yeelanaa boqolkiiba 51 ama in ka badan (51 %).

isku duubni waa sidan:
ninkii dhuuman ogaa
dhabarkiisu ma muuqdo
haddii aad dhugan waydo
iidoor inuu ku dhaliilo
dharaartay ka cadahay
dhirbaaxadayda u fiirso
waatii dhalandhoolka
Caada dhaaf iska daaye
is dhiib ay ku sigteen
Nuurkaa maanta is dhawri
geesiyaa ka dhintay
Qaasinkii dhaadan ogaa (AUN)
Reer maxamed buu u dhashoo
janaduu dhex fadhiistay

Xeeb jire wuu u dhanaa
Musefiin ma dhinayn
inay dhulka hooyo
dhamaantood u dhintaan

waarhoy!!! nabadaa aad dadku dhaaftay
nimankii dhaliyee
kula dhawri hadeerto
dhafoorkay taabanayaan
dhab u fiirso warkayga
dharaarta yoomal qiyaame
nin cadaalad ku dhaartay

naarta looma dhaweeyo
dhisideeda xukuumad
dhexda waa in la'inoogu dhuftaa (fifty fifty ama anagaa badsan)
kursi ima dhaafsan kartaan
hadii aad dhalanteed
hadalkayga ku dhaafi
dhaar waxaan ku maraaba
dhabadii aan isla gaadhnay
dhagax baan dhigayaa!!!

Ciye Ahmed - London, UK
ciyeahmed@gmail.com

No comments: