Wednesday, November 14, 2007

Mudane Guddoomiye, Birtii Ma La Gartay Wali?...Hiildan

Waxan u dan leehay guddoomiyaha gobolka Awdal (under the Microscope !), mudane Maxamuud Sh C/Laahi Cige. Salaan Awdalaysan ka sokowna, waxan weydiin lahaa guddoomiyaha, bal hadda inuun haddii wax uun uu nooga ifin karo haybta birtii la yidhi waxay ahayd gantaal habow ah ee hadana ku soo hambadhuudhsatay degaanka Sh Awaare ee degmada Gargoorray?. Dhammaan reerihii halkaa iyo Gargoorray ilaa iyo is daba taxnaa xaggaa iyo Quljeed, oo an wareystayna, waxay igu yidhaahdeen, “dee birta ma waxa ku qornayd ABCD (Axamad; B/celi, Cusmaan; Dudub) sideen ku garanaa qoladeeda”?!!! Markaa, mudane guddoomiye, adigu birtaasi masoo aragtay oo ma noo sheegi kartaa cidday ahayd iyo wixii ku qornaa?!!

Kaliya waxa ii hadhanaa inaan halkaa iyo Dila u sii duulo, oo an waraysto saaxiibkay Suleyman Cabdi Dugsiiye oo an idhaahdo, "Dugsiiyoow birta ma ‘N’ baa ku qornayd oo birtu ma birtii Xaajigay ahayd?” Hase yeeshee markii Guddoomiyuhu hadlay ayaan is idhi isaguu war ugu dhawyahaye bal hadda duqa aad u warayso, inta aanad cid kale ku danbaabin.

Guddoomiyuhu wuxu dhawaan si cadho leh ugu jawaabaybaa la yidhi Wargeyska Haatuf oo yidhibaa la yidhi, dhul Awdal ka mid ah ayay diyaarado maraykan leeyahay garaaceen. Hadaba cadhada lala beegsanyo wargeys yar oo waraaqihiisa sayaxa lagaga fadhiisto ama in muhiimad la siiyo, waxa igala qurux badnaan lahayd in diirada la saaro halka lanaga soo shiishay, iyo waxa ula muuqan kara ummadda reer Awdal argagaxsio iyo cabsi, oo si xilkasnimo leh looga wada xaajoodo. Sidoo kale Dadka reer Awdal inta lagu mashquulinayo dagaalka laascaanoodna waxa ka qurux badnaan lahayd in lagu mashquuliyo, itaal meel uu dhigaba ilaalada gobolkooda.

Hadaladii guddoomiyaha laga soo xigtay (Harowo.com), waxa ka mid ahaa: “Waa wax dhici kara in waxyaalo an la garanaynin iskasoo dhacaan, balse maaha in wax aanay ahayn lagu sheego”.

Hadaba Mudane guddoomiye, haddii ad qiratay inay iska jiraan waxyaabo yar oo iska soo dhacdhacaayi. Su aashu waxay tahay, waxan ba'as ee yaryar ee iska soo dhacdhacayi ma cirkay kasoo dhacaan?, ma dhulkay kasoo boodeen?, ma badday kasoo butaaceen?. Halkee la inaga soo qooraansiyay ayaad filaysaa mudane guddoomiye.?. Waan kugu raacsanahay oo Ummaddu uma baahna in la bajiyo oo waliba been lagu bajiyo. Hadana sidaas iyo si le’eg waxa la yidhi Sakaaro xaar muuqan doona ayay aasaastaaye, war jiraba cakaare. Balse hadal iyo dhammaan; mudane Guddoomiye, birtaasi wali ma la gartay?. Mise waligaaba maba ad gaadhin GarGoorray, oo dhulkaasi gaadiidba ma gaadhi karo?

Nabad iyo Caano


Abdiqani Ateyeh

hiildan@yahoo.com

No comments: