Monday, November 12, 2007

Dr Hadi Oo Kale, Lama Heli Karo...Hiildan

Waan ka xumahay inuu is Casilo isu duwihii wasaarada Caafimaadka Gobolka Awdal, mudane Dr C/Raxmaan Jaamac Hadi. Haddii an talo ka dhiiban karo is casilaadan degdeg ahna, waxan kula talin lahaa Mudane Dr Hadi inuu la noqdo is casilaadiisa. Isla markaana kuwa isaga is hortaagaya ee macashu barartay ee duuni raacyada ah ee dheefta uun raadsada, dhibta dadkana an la qaybsan dhammaantood casilo oo shaqada ka eryo (To get rid of them).

Dhammaan ummadda reer Awdal ee Ilaahay garansiiyay wanaagiisuna aanay ka aqabalin is Casilaadaasi. Isla mar ahaantaana qaban qaabiyaan bannaanbax ay ku taageerayaan Dr Hadi.

Waxanan sidaas u leehay sobabahan soo socda:

Dr Hadi waa muwaadin dhammaan ummadda reer Awdal ku tilmaameen inuu yahay qof ilaahay siiyay karaamo, karti iyo kalsooni badan, daacadnimo iyo hufnaana ku dabaqa kuna darsaday xirfadiisa shaqo. Waxay dadka qaar badani asteeyeeen inuu saasaan badan la wadaago Allaha u Naxariistee XASAN DIIRIYE, oo ahaa nin qaali ah oo Nurse iyo Pharmasisit labadaba ahaa, oo isla markaana ku darstay dad jacayl iyo daacadnimo. Xasan Diiriye wuxu ku caanbaxay inuu wakhtigaasi oo an la aqoon waxa la yidhaahdo ‘Outreach’ isagu ku dhaqmo, oo guryaha Boorama ku wareego dadka bukaanka ahna wareysto halkoodaasna ku daweeyo. Dr Haddi isna sidaas oo kale ayuu sameeyaa laguna ammaanaa, oo habeenka kasta wuxu booqdaa bukaanka jiifa guryahooda iyo kuwa ku jira cosbitaaladaba.

Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Awdal, waa wasaarada kaliya ee Gobolka dhan la ammaanay, dalkana ugu fiican ee si hufan oo hannaan leh u shaqaysa. Heerkaasna waxa gaadhsiiyay waa Dr Hadi iyo inta kale ee faro ku tiriska ah ee danta ummaddooda horeysiiya ee dantooda shaqsiyaad iska illaawa. Wasiir dhan ayaa qaadan waayay horumarka caafimaad ee gobolkan oo is casilay. Wasiirkaas oo ahaa C/Laahi Dirawal, hadaladii laga soo xigtay waxa ka mid ahaa “Dalku wuxu leeyahay labo Wasiir oo Caafimaad” , isagoo u dan leh Dr Hadi, isla markaana muujinaya in Wasaarada Caafimaadka Awdal tahay Wasaarad labaad oo iskeed u taagan una madax bannaan. Halkan waxa ka cad in Dr Hadi ahaa Wasiirka Caafimaadka ee gobolka Awdal. Walina xagayga wuu yahay oo waa wasiirka Caafimaadka Awdal.

Qaar ka mid ah Salaadiinta, cuqaasha, duqaytida iyo waxgaradka gobolka Awdal ayaa doortay Dr Hadi, oo gartay in Dakhtarkaasi yahay midka kaliya ee badbaadin kara baahida caafimaad ee gobolka. Iyagaana codsaday in isaga loo dhiibo shaqada ugu sarreysa ee Caafimadka gobolka. Ummadii sidaasi garatayna wali waa noolyihiin oo waa joogaan, lagamana dul tallaabsan karo. Qurba jooga Awdal iyaguna markii ay ogaadeen kartida iyo hufnaanta Dr Hadi waxay laban laabeen taageeradii ay u soo diri jireen cusbitaalada Boorama iyo Awdal. Waxyaabaha uu u taray gobolkana tayo iyo tiraba lama koobi karo.

Hadal iyo dhammaan; waxad moodaa in degmadan Awdal ku socoto dhalan geddis lagu dhaqayo dhallaan habaabis. Qofka ummadda si daacadnimo leh ugu dhiidhiyi kara ee laga waayo inuu dhacdhaca la quuto dhuuni raacyada is dhiibay ee dhiig uus toona an lahayn. Waxa lagu hayaa dhabar jabis iyo dhibaato an dhammaanin, ilaa iyo dhulka hoostiisa lagu hubsado. Nasiib wanaag dhalinyarada reer Awdal intooda badani waxay leeyihiin dhaayo iyo dhego, ay kaga dheregsaanyihiin xaqa iyo xaqiiqda. Odayo dhaqmeedadii wanaagsanaa iyo wax garadkii fiicnaana dalka wali kama dhammaan iyaguna, si kastaba hallayskugu dayo in la muquuniyee.

Sidaa daraadeed, Ummadda inta hagaagsan, hawlabaa u taalla, hawshaas u taalina waxay tahay; waa inay si wada jir ah oo ka baxsan reer Hebel iyo reer hebel ugu hiiliyaan dadka inta wali hanuunsan ee gobolkan ka saari karta hogan madoow ee loo qoday, ee lagu sii hogaaminayo. Waana inay ogaadaan in Dr Hadi oo kale Aan la Heli karin, loona baahanyahay in la hubiyo inuuna kuwa haabaanaada ah ee hunguriga weyn, uga cararin karin hawsha hor Ilaah iyo hanuunsani uu ku hayay mudada dheer.

LIIBAANA

Abdiqani AteyehLondon UK
hiildan@yahoo.com
ateye@gurmad.com

No comments: