Wednesday, August 01, 2007

Inta aanad horta...is hubso Siilaanyoy gudoomiyaha xisbiga kulmiye: Axmad Cabdilaahi Faqle

Taariikhdu cidna ma diido, cidna madulmido ee waxay daacad qortaa nin iyo waayihii, waxa ay qortaa wax walba, iyada oo ku caan baxday dhex dhexaadnimo iyo eexasho la’aan. waxana taasi ka marag ah in ay soomareen dunidan dad farabadan oo ay badhkood ka galeen baalasha dahabka ah ee mudnaanta isla markaana ay ka dhigtay kuwo ku abtirsada nabadoonnimo, hormar iyo isusoodhawayn ay mabaadidooda ku fulinayaan;

waxana kaaga filan oo qudha in aad dib u jaleecdo dadka noocan ah “Max’ed Siyaad Barre, Nelson Mandela-hii South Africa, iyo Mother Taresa-dii reer Indiya. Dhanka kale waxa jira shakhsiyaad badan oo iyaguna ay taariikhdu ka dhigtay kuwo lagu xasuusto hadimooyinkii iyo hagardaamooyinkii ay gaysteen waqtiyadii ay dunida joogeen kuwaas oo ay taariikhdu ka marakacayso dheef la’aantii ay ka tageen, waxana tusaale kaaga filan “Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay, Kaligii taliyihii Hitler, iyo hogaamiyayaashii SNM ee soomali halaaga u horseeday.

Dalkeena marka loo soo laabto ka soo bilow 1984kii oo ah horaantii waayihii ay masiibadu u baahnayd gargaarka waxa gacan qabtay oo horkacayay SNM, waxana marag madoon ah in ay tani dibindaabyo ku noqotay umada soomaaliyeed, ma ahayn intaas oo kaliya balse 26kii june ee sanadii 1960-kii la cararay calanka ee geeyay koonfur waxa ay ahaayeen in ku abtirsata SNM. Laba sano kabib 1962-kii hagardaamadii calan lacarakka oon bogsan umada, isla markaana aan la dhadhamin micnahii midaw intii afgambigii fashilmay isku dayday ee dalka la timid afkaaro qori caaradii xukun kula wareeg ah oo laga soo dheegtay Kuuba iyo Shuuuciyad waxa ay ahaayeen In ku abtirsata SNM.

Qoriga oo ah mid ku jira gacanta dawladana kuwii gobolada waqooyi la soogalay qori ay ugu adeegayeen danihii Mingisto iyo amxaarna waxa ay ahaayeen SNM.Intaas waxa ka sii daran dadka soomaaliyeed cadawgoogii soo jireenka ahaa ee ay diinta iyo dhulka isku hayeen oo xabashi ah cida dalka keentay Ilaa maantana daba dhilifka u ahi waa in ku abtitsata SNM.Maanta oo waayo badan laga soo gudbay dalkan Somaliland dhexdiisa kuwa kuraasta uwaashay ee dastuurkii ay umadu u codaysay u malaynaya kii SNM-na waa qaar SNM ah.Waxa kale oo layaab ah in ay soomaalidu caado u lahayd is gargaarka iyo dabka shidma bakhtiin ayna ergo ka ahaan jireen inta la jaarka ah.

SNM inta ku abtirsataayina ay tidhi car yaa kala badbaadin.Waase hubaal in SNM qabiil lagu aasaasay taasise wax ay ka dhigantahay inta ku abtirsata in aanay qabiil mooyee qaranimo aqoon. Maanta kuwa dalka jooga ee hanaanka dimuquraadiyada, geedi socodka furfurnaanshaha dalka iska indha tiraya ee aduunka riyada ka iibinayaa waa SNM. Dalkan Somaliland waxa wada daga lix qabiil oo waawayn iyo qabiilo kale oo laga tiro badanyahay, sidaas oo uu xaalyahay inta aaminsan anaga mooyee yaanay inkale ka manaafacaadsan khayraadka dalka waa SNM.

Arintuse waxa ay isugu soo ururaysaa in ay arinta qabqablaysaashani la mid tahay sheekadan soo socota “nin tuug ah ayaa waxa ay saaxiibo ahaayeen aadna isku yiqiineen nin kale oo bakhaarle ah, habeen ayaa ninkii tuuga ahaa u yihid saaxiibkii oo ka dalbay in uu la seexdo markaas ayuu ka ogolaaday, saqdii dhexe ayey ninkii tuuga ahaa kacay oo uu bilaabay in uu foosto shidaal ah oo bakhaarka taalay uu xado, bakhaarku waa xidhxidhnaa marka laga reebo daaqad sedex mitir dhererkeedu yahay oo furnayd waxaana uu go’aansaday in uu daaqadaas ka tuurto foostada. wuu soo riixay, kadib sawaxankii iyo shanqadhii foostada ayuu ku baraarugay ninkii bakhaarka lahaa, waxana uu ku dhaqaaqay cod dheer oo uu ku leeyahay waar waa kuma, ninkii tuuga ahaa oo aanay galin wax naxdin ah ayaa ugu jawaabay “saaxiib waa anigii oo waxaygii walaaqanaya ee iska seexo.”

Hadaba akhristoow hadalkani waxa loola jeedaa kuwa siyaasada guracan doonaya in ay dadka ku khiyaameeyaan islamarkaana burburinaya sharciga iyo nidaamkii dalka u yaalay waxaanan uga digaynaa taageerayaasha kuwaa aan soo sheegay oo doonaya inay dadka iyo dalka nabadu taalo u horseedaan in sida muqdisho loo kala yaacay ee colaada iyo isdilku yaalo ay ka dhigaan dadkeena qaranimada iyo dawladnimada haysana, waxaana garan shacabka cid kasta oo garaad leh ugu baaqayaa in kuwaasi doonaya in qalaase iyo rabshado ka dhacaan dalka laga foojignaado fidnada ay wadaan waxaanay la mid yihiin ninkaa damac xumadiisa is yidhi daaqad sedex mitir ah kala dhac foosto.

Axmad Cabdilaahi Faqle
Siyaasiga Qarniga

No comments: