Tuesday, July 31, 2007

Degaanka Degmada Saylac oo dhaqaaleheedu sare u kacay - Hassan Afi

Gudoomiyaha Goloha deegaanka Degmada Saylac Maxamed Cumar oo ka hadlayey dhinacyada dhaqaalaha nabadgaliyada iyo arimaha bulshada. Ayaa sheegay in labadii bilood ee u ugu danbaysay muuqaal ahaan laga dareemayo in dhaqaaleheedii sare u kacay taasoo uu sabab uga Gudoomiyuhu isgaadhsiinta telefoonada ee gaadhay degmadaasi.

wuxuuna intaasi sii raaciyey inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ganacsi iyadoo isla markaasina Huteelada dalxiiska ee Rays, Mansoor iyo shirkadaha xawaaladaha ay ka goysanayaan ama ay ka iibsanayaan jagooyin ayka samaystaan meherado kala duwan oo halkaasi u dagan Gudoomiyaha golaha degaanka ee degmada Saylac oo arimahaasi ka hadlayey wuxuu yidhi degmo ahaan waxaa nooga soo kordhay akhli farabadan oo xaga miisaaniyada wax ka taraya wuxuuna intaasi sii raaciyey inay wadaan dib u habayn ay ku samaynayaan goobihii taariikhiga ahaa ee Saylac sida gurigii martida ee degmada Saylac, loona yaqaano guriga fooqa ah ee (kooco) ee uu daganaan jiray gudoomiyihii degmada wakhtigii gumaysiga, wuxuuna intaasi sii raaciyey inay dib u hagaajin ku sameeyeen jasiirada Sacaadudiin oo uu ku tilmaamay inay noqoto meel dalxiis ahaan loo yimaado degmada.

Gudoomiyaha degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad oo ka hadlayey xaga nabad galiyada waxa uu sheegay inay tahay degmooyinka ugu xasilan uguna nabad galiyo badan gobolada dalka Somaliland.Gudoomiyaha degmada Saylac wuxuu ugu danbayntii ka hadlay shuban biyoodkii ka jiray degaanka Saylac dhimasho iyo in loo jiifsadaba keenay ayaa maanta waxa uu cadeeyey inuu ku sii hadhay tuulooyika Xariirad iyo Habaas lakiinse wuxuu carabka ku dhuftay in dadaal xoogle oo shuban biyoodkaasi lagu dabar goynayo ay wadaan caafimaadka gobolka Awdal maamulka degmada Saylac.

Weriye Hassan Isse
Borama, Awdal

No comments: