Tuesday, July 31, 2007

Tababarkii Tayeynta macalimiinta ee ka socday jaamacada Camuud oo la soo gabagabeeyey - Abokor afi

Mudo laba bilood ah ayaa tababar tayeynta macalimiinta gobolada Awdal iyo Saaxil uga socday jaamacada Camuud, waxaana ujeedadu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Hoose/Dhexe ee tuulooyinka ku yaal labadaas gobol, waxaa kale oo qorshaha ku jira sidii macalimiinta aan ka aqoon sarayn heer dugsi sare ah in iyagana la gaadhsiiyo heer ay aradayda waxa ay barayaan noqdaan mid ka saraysa heerkii uu ahaa, waxaana iska kaashanaya arintaas tababarka tayeynta macalimiinta wasaarada waxbarashada iyo hay'ada SC Denmark, halka ay macalimiinta wax barayaana ay ka socdaan jaamacada Camuud, waxaa kale oo arintaas weheliya sidii macalimiinta heer Diploma loo gaadhsiin lahaa, waxna la baro xilyada ay iskuuladu fasaxa yihiin.

tarabarkan oo bilowday sanadkii hore waxaa imika waxbarshadu u soctay 200 oo macalin oo ka kala socday Saaxil iyo Awdal, halka macalimiinta Burco iyo Hargaysana ay wasaarada waxbarashada gacan ka siiyaan hay'adaha Care International iyo Save The Chidren UK, macalimiinta casharada bixinayaana ay ka socdaan jaamacada Hargaysa.gudoomiyaha waxbasharada G/Awdal Prof. Daahir Maxmuud Xadi oo ay weheliyaan gudoomiyaha waxbarashada ee G/Saaxil Max'ed Max'uud Cilmi iyo Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed ayaa maanta ka qayb galay munaasabdii lagu soo xidhayey tababarkii tayeynta aqoonta macalimiinta oo socday mudo laba bilood ah, laguna qabtay Hall-ka jaamacada Camuud waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal.

Prof. Xadi wuxuuna ka waramay in ujeedadu tahay in macalinka xag cilmi iyo xirfada gudbinta casharda loo siin lahaa waana arin ku qotonta siyaasda wasaarada waxbarashada waxaana la ogaaday mudadii koobnayd ee ay socdeen tababaradaasi ay macaliiintu ka heleen aqoon korodhsi aad u dheer.gudoomiyaha waxbarashada gobolka Saaxil oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in waqtiyadii tabaradaas ay qaadeen macalimintu laga dareemayo iskuuladii ay wax ka dhigayeen sida ay waxbarshadoodi isku badashay taasi oo laga arkayo fasladii ay wax ka dhigayeen.

gudoomiyaha jaamacada Camuud Prof Sulaymaan ayaa isna ka hadlay oo yidhi:shaqada macalinimadu waa mid aad y qiimo badan wuxuuna ku tilmaamay tukaan aan kacayn, isla markaasina macalinku wuxuu had iyo jeer helaa dad badan oo qiimaynaya oo tixgalin siinaya goor kasta, wuxuuna kula dardaarmay macalimiinta in aanay ka daalin waxbarshada isla markaana ay aqoontooda sii kordhiyaan si ay u noqdaan macalimiin waaya arag ah oo meel kasta wax ka heli kara.

Weriye Hassan Isse
Borama, Awdal

No comments: