Thursday, March 13, 2008

Rice oo abaal marisay gabar Soomaaliyeed

Farxiyo Faarax Ibraahim, oo ah gabar Soomaaliyeed, ayaa toddobaadkan ka mid noqotay sideed dumar ah oo la guddoonsiiyey billada caalamiga ah ee dumarka lagu tilmaamo geesiyaasha.


Abaal marintaasi ayaa munaasabadaasi maalinta haweenka dunida waxaa bixiya Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareyakanka, Condoleezza Rice, oo siisa haween ay u garato ineey qeyb weyn ka qaateen sare u qaadidda tayada nolosha haweenka caalamka.
Gabadhan oo 25-jirka ah, ayaa billadan ku muteysatay olole ay kula dagaallameysay gudniinka fircooniga oo ay ka wadday xeryada qaxootiga ee Ifo ee ku taalla wgobolka Waqooyi Bari ee waddanka Kenya.

Saacado kaddib markii ay billada ka soo qaadatay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ayeey Farxiyo u warrantay wariyaha BBC ee Washington, C/raxman Caynte, oo ka waraystay sababta ay ku muteysatay billadan.

Farxiyo waxay dadaal dheer u gashay sare u qaadidda tacliinta gabdhaha. Waxay sheegtay in ololeheeda ay kala qeyb galeen qaybo badan oo kamid ah bulshada Soomaalida ee xeryaha qaxootiga.

Farxiyo Faarax ku rajo weyn tahay ineey dadaalkeeda u gudbiso qeybaha kale ee dalka Kenya.

BBC Somali

No comments: