Tuesday, March 11, 2008

jacayloow dhab iisheeg?

Jacaylkani dadkii dhibay
Dhalintii kutaagsaday
Dhakafaar wareer baday
Ayaa dhoogta nagu baray
Halka laga dhutinayiyo
Dhaliilaha ayaa baray
Dhrin dhirin ninkii wada
Dhabbaraad usahan taga
Muxuu dheel halaw baday


Anoo dhega adaygayn
Dhawr su,aalo iga maqal
Horta dhega maleedahay
Dhadhankaa siduu yahay
Madhafuuja adagoo
Dadka dhalan rogaa tahay
Dhaan dhaamiyaa tahay


Kolay kaama dheeriye
Midkuu dhaw ayaan ahay
Dhabarbaan wadaagnaa
Dherigaan kukulanaa
Dhoofka waan isku raacnaa
Ubaxaan isu dhiibnaa
Kolkol waan kudhawraa
Dhibta kaa ilaashaa
Dartaabaan udhididaaa
Dhimashada ilaawaaa
Kollay iima dhigantide
Dhagax uun bal igadaa


Horta dhaqan islaam iyo
Dhaar iyo is,aaminid
Wali dhiisha laga helo
Dhay ma igu siisaa
Misa waad dhaliishaa
Dhunkaal baad isiisaa
Toloow dhumuc maleedahay
Dhuuxana majabisaa
Dhanbaalada jacaylkana
Madhigtaa halkoodii
Dhaxantana mabi,isaa
Midab dhiin maleedahay
Dhabanada casaaniyo
Dherer muuq maleedahay


Dhayaha ku,eegtaaa
Dharxan tood maduushaa
Misa dhooba ciidliyo
Dhorfog baabad leedahay
Wali dheef ansheegiyo
Dhir aad beertay maan cunin
Goormaad dhib caysaa


Kuwa kuu dhareershee
Kuudhiiba taladana
Uma dhega nuglaatide
Dharbaaxaad kuqaada
dhayalbaad kudhaaftaaa
dhimashaad usababtaa


dhamac kulul miyaad tahay
dhisma adag miyaa tahay
caday dhilan miyaa tahay
dhool cadeeye maad tahay
dhaaya nuurshe maad tahay
dhudhun jabiye maad tahay
dhidib guri miyaa tahay
misa dhoqonjo qudhuniyo
dhuxul madaw sidaa tahay
misa dheemanbaa tahay
xariir iidhalaashiyo
dahab dhiibsan maa tahay


madharaar ayaad tahay
mise dharan sunaa tahay
horta dhaxal gal maad tahay
wax ladhawro maad tahay
ladhoodhoobo maad tahay
dhab loosheego maad tahay
mise dhicis ayaad tahay
dhala jabaysa baa tahay


dhaqaaqaa siduu yahay
dhugdhugtaan maqlaayee
wadnihii dhibaysana
ma,adaa dhabtii wada
masun dhuuban baatahay
misa midha dhawaadloo
dhereg keenabaa tahay
madhanaan qadhaadhoo
dheg dilaaciyaa tahay
misa dhay macaanoo
lagu dhaatabaa tahay


wacays dhaantadiisii iyo
dhawr kaloo shabaabiba
wali way dhibsanayaan
dhinaantani warkaagee
baldhabtiina noosheeg
runta maanta noo dhiib

c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com

No comments: