Saturday, February 09, 2008

Mansadii Xamdi Jacayl - Abdifatah Dahir Cige

qofkii eebe doortee
uqalmaaya caashaqa
kama qado aduunyada
quudkiisa waligii
qalinqora lix xafareey
shan ayaad kuqoran tahay
inta qaadir uumiyo
qarnigaad usidataa

aan qodbeeya gabaygee
anoo tala kaqaayiba
qorshahaygu uuyahay
qaban qaaba hawleed
axadnimo qiyaastii
qaar walaala daacada
manu qaadin socodkii

saafi qoobka maan dhigin
qabqab hawl namay galin
gabaygii qur,aankiyo
qaar jacayla maan galin
habayntii laqaad qaad
anigoo qoslaayoo
qalbiguna farxaan yahay
qiimaynta sheekada
qayb aan kuleeyahay
xaajadu qasnaynoo
qudbi yahay isfahankuna
imahelin qabow,oo
wax iqaatay mooyee
qalbigii uraray meel

qayla musik baa furan
qoob ciyaarna lagu daray
kuqotomiyay aragii
guud ahaan qiyaastii
dadku wuu qurxoonaa
alla bixiya quruxdee
mid aan quudhin bay hayd
amaantana kaqaniyoo
xataa maanso looqoro
kaqabwayn runtiiyoo
kaxishooday qalinkii
loo qiray ayay hayd

qajilaad muquurmoo
qawlkiina dhigi waa
dabnuhuna isqaban waa
qalanjay runtii hayd
bal aan qiiree sheegee
qalanjadan midbay hayd
qaadirkeen dhammeeyoo
qumanaan udhalatoo
qiyaasteedu dhabi tahay
afku qalin madawyahay
dhexdu qabasha ay tahay
wajiguna qor qoran yahay
mid quruuraduu haa
sartu qaawanaynoo
qayba yari kamuuqdaan

qoor geed magooliyo
quruxdii suleekhana
mid isqari tidhay hayd
qosol dabac sanbay hayd
gabadh qaaliyay hayd
qurcud dama habeenkoo
laga quustay nuurkii
qamar soobaxay hayd

dhulkoo ciiri qarisoo
laqaboobay dhaxantii
qorax diirisay hayd
isma quudhu aadmigu
waa tala qadiimoo
ishaa la isku qaadaa

sadex qaaf bilaw yahay
qulacudu wa mide
kuwii qaasim looqoray
markay sixir uqariyeen
iyo gabi qur.aankaba
gidi qoorta kusudhay
nolol qaaya badan iyo
qoys kaagu khayr badan

ilqabawsi waad heli
qabri kuufudaydiyo
qiyaamaha najaaaxbaan
qayd kaaga dhigayaa
qaadirkuna hakula jiro

c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
Cairo, EGYPT

1 comment:

Achima Abelard said...

We would like to acknowledge the exceptional service that we received during the entire refinancing process. Mr Lee professionalism and knowledge of the loan company was impressive and truly appreciated. Mr Lee is a reliable loan officer.In the past, we have had experience with several others banks and have found the process frustrating and tedious. Mr Lee went above and beyond to ensure that all of our needs were met and that everything was handled thoroughly and efficiently. We have and will continue to recommend him in the future.”Mr Lee Contact Email /Whatsapp 247officedept@gmail.com    +1-989-394-3740