Friday, February 08, 2008

Magaran meesha tolkay Maxad Case Noo Wado

Waxaan marka hore qormadan ku bilaabayaa salaan aan u dirayo dhamaan akhristayaasha sharafta leh meelkasta oo ay joogaanba iyo waliba saxaafada madaxa banaan ee inoo suurto galisay inaynu afkaarteena isweydaarsano. Waxa kale oo aan jecelahay inaan inyar ka idhaahdo inta aanan guda gelin ujeedada maqaalkayga, oo ah waajib inawada saaran, taasoo ah in aan ilaahay u barino, taakulo iyo wixii gargaar ahna gaadhsiino dadka walaalaheen ah ee ku dhibaataysan meelo kamida gobolka Awdal .

Hadaan is cadeeyo sidii caanaha geela waxaan ahay nin ka soo jeeda beelaha Maxad Case oo degan magaalada Djibouti. Waxaanan jeclastay inaan wax ka idhaahdo warar la isla dhexmarayay maalmahan dambe oo ah in Beesha Maxad Case ee degan USA soo gaadhsiisay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye qalab caafimaad iyo waliba dawooyin.

Arrintaasoo markaan sii daba galay la ii cadeeyay inay dhabtahay oo la gaadhsiiyay Siilaanyo. Run ahaantii ma xuma in deeq la gaadhsiiyo meel aan dawlad la ictiraafsanayni ka jirto ama dad baahani ay joogaan sida gobolada ay ka kooban tahay maamulka somaliland. Balse waxaan garan laayahay ama aan fahmi waayay sababta keentay in tuugtii SNM ugu waawaynayd wakhtigan gacanta loo geliyo qalabkaas iyo daawooyinkaasba. Iyadoo aynu ognahay baahida taala gobolka awdal. Waxa kale oo aan ilaa hada liqi laayahay ujeedada laga leeyahay in Siilaanyo lagu soo hagaajiyo iyada oo ay joogaan dadkii gobolka u soo dhintay markay noqoto xaga caafimaadka sida DR C/Rahman Jamac Hadi, DR Walhad iyo waliba DR Qaws oo og xogogaalna u ah baahida caafimaad ee gobolka taala inta ay leegtahay iyo siday degmooyinka gobolku u kala mudan yihiin, ileyn hawsha waa lakala leeyahaye. Mana aha inay mucaaridnimadu meelkasta gasho ee waxa qurux badan inay xad lahaato, waayo waxay abuuri kartaa iskhilaaf siyaasadeed oo ka dhex dhaca beesha dhexdeeda.

Waxa kale oo ay abuuri kartaa ama kugu soo jeesan kara dad badan oo siyaasad ahaan ku taageersanaa markii hore. Hadalka sii badin maayo ee waxaan ku soo gunaanadayaa in la isku duubnaado lana iska ilaaliyo wixii tafaraaruq keenaya .

Wabilaahi Towfiiq
Cabdi Jamac

Djibouti

1 comment:

Anonymous said...

Maad warka wada dhameystirtid ood magacawdid dadka USA jooga ee arrintan ku kacay. Waxan hubbaa haddii dadka lagacaha laga soo uririyey ay maqlaan arrintan iney talaabo ka qaadi doonaan