Wednesday, January 23, 2008

Taariikhdiisii Qorantay; Abwaankeennii Qummannaa.

Aabaha Fanka iyo sugaanta iyo aqoonta Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana ah, Abwaanka abwaanada soomaaliyeed, Xasan Sh Muumin (Raxmatullaah Calayhi). Taariikhdiisu horey ayay u qornayd, haatana ka dib geeridii naxdinta lahayd ee inaga qaaday, dib ayay u qorantay oo waa la wada qiray inuu ahaa “simply the best”.

Waanu ku faraxsannahay inaynu maqalnno in aaska Abwaan Xasan (AUN), uu ka dhici doonoo dhulkiisii Hooyo iyo hooygii uu ku soo barbaaray ee Boorama. Taasi waa sharaf iyo tix galin la siiyay rabitaanka marxuunka oo jeclaan lahaa inay xabaashiisu noqoto dhulka Hooyo. Iyo sidoo kale qaddarin la siiyay intii aadka u jeclayad oo sidaasi rabtay oo aynu dhammaanteenba ka mid nahay.

Maalinta la aasi doono Marxuuunka oo barrito ah (Arbaca), sida wararku sheegayaan (Harowo.com),waxa kale oo an jeclaan lahayn in Calanka Somaliland marka laga bilaabo isla maalintaas iyo labada cisho ee ku xigta (3 Cisho), isagana hoos loo dhigo, oo lagu sharfo marxuunka.

Waxaynu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa walaalaheen Ururka GURMAD, oo iyagu noqday kuwii ugu horreeyay ee tix galiyay codsigayagii ahaa in garoonka Boorama loogu magac darro magaca Abwaanka (Garoonka Xasan Sh Muumin: Hassan Sh Moumin Stadium).

Heesaha iyo gabayada iyo murtida lagu xusuusan karo Abwaan Xasan, way badanyihiin oo waa sida Badweyn ruuxba meel kaga jiro, culuuntiisuna waa maktabad (Library) an la wada madhin karin. Arrimaha ugu mucjisada badan ee Abwaan Xasan(AUN) lagu xusuusan karo waxay ahayd in hees kasta iyo riwaayad kasta oo uu sameeyo ay noqonayeen kuwa ugu sarreeya ee lagu xuso baalasha ugu horreeya ee fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Innagu waxaynu ku celcelinaynaa heestiisii lagu qoray Af-soomaaliga oo taariikhda baalka ugu sarreeya kaga jirta, qoraalka af-soomaaliga la'aantiisa waxba maynu qiri karneen, qiimaha abwaan leeyahay. Heestaasi ayaynu hal bog (page) oo ka mid ah, halkan ku soo qori doonnaa sidii ay ahayd. Kadibna isla halkaa bog ayaynu dheeganaynaa oo aynu ku dabaqaynaa taariikhda Abwaanka, kuna xusaynaa aaskiisa. Waana sidan:

Taariikhda qarada weyn
Afkeenii ka qatanaa
Qaayaha u leeyahay
Dunida ka qarsoonaa

Qorraxbaa u soo baxdoo
Mugdigii ku qoofalnaa
Daahii ka qaaddee

Qalinkaaga ii dhiib
Erayada an ku qoro
Qumaantina uga bogo

Afkii qalaad ha moodin
Carrabku qaldi maayee
Sidii caanaha u qudh-qudhiyaay.

By: Hassan Sh Moumin.
============================


Taariikhdiisii qoratanyoo
Abwaankeenii qummannaa
Qiimaha u leeyahay
Ummaddiisii qirataye

Hadday geeri qaadayna
Qofna illaawi maayoo
Qalbigayaguu ku noolyahee

Qabrigaaga Alloow
Kuu Qaqbooji Iilkoo
Qolkii Janno ku gee

Aqalo qurux lihiyo
Qaaliyadii Firdoowsaad
Ku Qudh-qudhi caanaha


By: Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

No comments: