Friday, January 25, 2008

Ma Somaliland Dadkeeda Ayaa SNM ah Mise waa dad iskugu yimid Dan

waxaan inaan xogaa u Caqli Celiyo Rabaa Dadkan SNM baa Taariikhdeeda La Masaxayaa leh.

Marka Hore In la Is Wadyiiyo Ma Somaliland Dadkeeda Ayaa SNM ah Mise waa dad iskugu yimid Dan Guud? haday Jawaabtu Haa Tahay Adeer SNM wax La yiraah Ma jirto Dadku Ku dhaqan Somaliland Waa Dad kala Gadisa Maaha Dad Qudha Waaa Samaroon, Isaaq, Harti Cid waliba Waxay Leedahay Mujaahid Ay ku Faanto Maanta Qoomiyadda Samaroon xadarad ayey fiiriyeen waa Ilaaween Mujaahidiintii SDA Ee Uu Hogaaminayey Mujaahid Xanshare Alaha Naxariistee oo Mudnayd Bulshada UU ka Soo Jeedo Iney Bartaan Ama USP oo uu Hogaamineyey Sheekh Muuse Godaad Alaha Naxariistoo Jano ha Siiyee.

Markaa Kala Saara Danta Iyo Qadiyadda Somaliland Ha Noqonin Markasta Aan wax kala Garaneyn Somaliland Waa Bulsho Kala Gadisan Siday U diideen Beelaha Samaroon Gaar Ahaan Beesha Habar Cafaan In Caruurtooda soo Kacaysa La baro wax aan La garaneyn Cida uu La shahiidey in caruurtooda lagu baro iskooladda markuu sanadku ahaaa 1996 ayana ka hirgashay magaalooyinka Borama, Saylac, Lughaya, Gabiley, Wajaale, Maanta Hadii laga Joojiyey Goboladda Intiisa Kale Waa Aqoon U soo Hoyatey Bulashada Kala Gadisan Ee ku dhaqan Somaliland.

Markaa Waxaan Odhan Lahaa Dadka Tiradda Yar ee aaminsan In SNM iney Wax Xoreysa Adeer Taasi Niyadda ka Saara OO Raaca Ilbaxnimada Beelaha Kale Ee ku Nool Somaliland. La Jaan qaada umadda oo Cadiifada Joojiya hana ilaawina reer walba oo somaliland ku nool inuu ku faano mujaahid u halgamey ha ahaadaan beelaha harti oo ku faana SDF ha ahaato Beelaha Samaroon oo Ku faana SDA & USP Hana Ilaawina Iney Cid Walba Mujaahid Leedahay Laakiin Ilbaxnimada Aduunku Ay Is badashay lana jaad aduunka aqoon Yaridu ma Wanaagsana - ineyna Ini Reebin Waa Iga Dar daaran

Samatar Hamse
samatar52@hotmail.com

No comments: