Thursday, July 26, 2007

URURKA WAFAA OO SOO GABAGABEEYEY AQOON KORODHSI AY U SAMEEYEEN ARDAYDA - Abokor Afi

waxaa maanta lagu qabtay masaajidka AlI-ibraahim ee magaalada Boorama xaflad lagu soo gabageeynayey aqoon iskorodhsi socday mudo bil ah kaas oo ay ka faaiidaysteen 1090 arday oo u badan ardayada iskuulada dhigata taasina ay uga faa'iidaysteen xiliga fasaxa ah waxaanay ardaydu mudadaas baranayeen cilmiga diinta Islaamka gaar ahaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ah, culuumta Xadiiska, Caqiidada iyo Naxwayaha luuqada carabiga.

waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Axmed Sheekh Jibriil oo ah gudoomiyaga ururka samafalka ee wafaa oo sheegay in aradayda ka faa'iidaysatay casharatan socday mudada bisha ah ay gaadhayaan 1090 araday hasa yeeshee ay dhamaysteen mudadii loogu talo galay 120 arday oo iyagu maalin kasta xaadir ku ahaa goobta wax barashada oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba, waxaanu ku booriyey in ay waqtiga iyo fustadaha soo maraya ay ka faa'idaystaan oo aanay dhayal kaga lumin, waxaa kale oo Axmed xusay in ay sii wadi doonaan hawlaha barida diinka Islaamak si ay ugu faa'iideeyeen dadkooda.

waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sh. Xasan Deheeye oo ah gudoomiyaha ururka Awdal Charity waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay da'yar sidaas ugu heelan oo rabta in ay bartaan diinta islaamku in ay yihiin wax Ilaahay lagu mahadiyo, waxaanu sheegay in aduunyada tartan lagu jiro kaasana lagu kala badin doono cida horaynaysaana ay tahay cida diinteeda iyo dhaqankeeda barata ee ku mitida, wax kasta oo ka hor yimaada islaamkuna isaga ayaa burburi doona ayuu yidhi, waxaana lagama maarmaan ah ayuu ku soo gabagabeyey in ay dadku ku tartamaan sidii ay raali aahaansha ilaahay ay ku gaadhi lahaayeen.waxaa kale oo halkaasi ka hadlay sheekh Cumar Aw Yuusuf iyo Sh. Mamxed Yuusuf Cabdi oo sheegay in ay ku dardaaryaan dhalinyardy in ay ka faa'iidaystaan waqtigooda oo aanay iska lumin fursadaha soo maraya, isal markaana ay xojiyaan barshada diinta Islaamka.

waxaa isgauna halkaasi ka hadlay Cabdulqaadir Aadan Nuur oo ah gudoomiyaha Telesom waxaanu amaanay sh. Xasan Deheeye oo uu ku sheegay in uu yahay culimadii ugu horaysay ee ku dadaashay in ay dadka diinta baraan, isalamrkaana aan ahaa ayuu yidhi dadkii wax ka baran jiray sheekh sanadihii sedeetameeyadii ee ay jirtay dawladii MSBarre oo aan la ogolayn in dad badani meel lagu kulmiyo laakiinse imika ay jirti fursad badan oo dad wax lagu bari karo ama lagu kulmin karo.

weriye Hassan Isse iyo Abokor Afi
Saylicipress.net
Borama, Awdal

No comments: