Tuesday, November 27, 2007

Kummannaan iyo Kummannaan, Kulli Wada Muslim Ah (2)...Hiildan

Kummannaan iyo Kummannaan kulli wada muslim ah oo ka kala yimid koonka dunida ayaa mar saddexaad ku kulmay kadinka carwada weyn ee Excel (London), si ay uga qayb galaan Xafladda Koonka ee Nabada iyo Midnimada (The Global Peace and Unity Event).

Sannadkii hore (25- 26 Nov 06) ayay ahayd markii ugu horreysay ee an ka qayb galo xafladdan oo iyada laftarkeeda markii ugu horreysay la bilaabay sanadkaas an ka qayb galay sannadkii kasii horreeyay (2005). Isla sanadkaas iigu horreeyay ee an ka qayb galayna waxan idiin soo qoray maqaalkii xiisaha badnaa ee an ugu magac daray “Kummannaan iyo Kummanaan Kulli Wada Muslim Ah”. Wali maqaalkaas waxad ka heli doontiin Harowo.com iyo khadka: http://harowo.com/?s=kummannaan

Maqaalkan imikuna waa midkii labaad ee noociisa ah ee isla xafladaas ku saabsan. Doorkan sidii hore uguma jidbaysni, labo sobaboodba awgood, (1). Waa markii labaad ee an ka qayb-galo isla xafladan oo waxay iile eekaatay war la qabo xiiso ma leh. (2). Waxan soo arkay munaasabad taasi ka barako badan oo malaayiin iyo malaayiin wada muslim ah iskugu yimaadeen oo ah munaasabada adduunka ugu weyn ee Xajka. Taasi laftarkeeda oo an ka sameeyay maqaalkii Xaajiyaysnaa ee “Malaayiin iyo Malaayiin Wada Muslim” ah: (http://harowo.com/?s=malaayiin. Sidaa daraadeed waaban yar wahsaday doorkan iyo Excel.

Si kastaba ha ahaatee doorkan maanta ah iyo xafladan, oo sidii caadiga ahayd socotay labo cisho oo isku xiga (Sabti 24 Nov iyo Axad 25 Nov). Kaliya waxan fursad u helay inaan galabta oo Axad ah cagta soo galiyo, bal si an sawirka guud iyo jawiga wax uga soo ogaado. Waxanan idiin sheegayaa in, Soomaali u kala hadhin oo sidii sannadkii hore iyo si ka badanba isku soo daba aguugeen. Waxan aad iyo aad ugu riyaaqay inaan arko carruur soomaaliyeed oo bilicsan oo calankii Soomaaliyeed ee buluuga ahaa ku sawirtay wajigooda. Isla saacadaas anoo qiiraysan ayaan sii daayay heestan oo an ku qoray maskaxdayda imikana qalinka an la raacayo.

Ilaahii Adduunyadan
Udbayee taagayoow
Adigaa awood iyo
Arxan iyo Ixsaan leh
Ku barinaye Eeboow
Yaa Arsaaq na Ilaali
Ubaxaad na siisiyo
Alloow ubadka noo kori
Kuwo Edebsan ka yeeloo
Alloow Ubadka noo kori
Ideyl loo aayo ka yeeloo
Alloow Ubadka noo kori
Arligooda u gargaaroo
Alloow ubadka noo kori
Calankooda u adkeeyoo
Alloow Ubadka noo kori
Alloow Ubadka Alloow Ubadka
Alloow Ubadka Alloow Ubadka

Alloow Ubadka Noo kori…………………..AAMMIIN…………………….

[Heestaas wali way socotaa; laxan aad u macaana isla markiiba waan u saaray. Dib ayaanan iskugu soo habayn doonaa, oo xitaa haddaan rabo iyadoo duubanba waan idiin soo diri doonaa……Insha Allah].

Saacadihii danbe ee galabta ee xafladan an soo galay, ka sokow qiirada an ka qaaday qoommiyada soomaliyeed ee qalbiga fiican ee UK , gaar ahaan carruurta ma yeedhaanka ah. Waxa kale oo an nasiib u yeeshay inaan kusoo beegmo wakhti masraxa lagu soo dhaweeyay haweenay uu dhalay halyeey qiimo iyo qaaya badan ku leh taariikhda islaamka ee dalka Maraykanka, oo caalam weynaha Islaamkana aad looga ciseeyo. Waa haweeynayda magaceeda la yidhaahdo Malikah Shabazz, waxana dhalay MALCOLM X.(Allaha U Naxariisto). Malayko waxay ku nuux-nuuxsatay inuu aabaheed ahaa halyeey dhiiran, una dhintay magaca islaamka. Su’aalo dhawr ayaa la weydiiyay oo dhammaantood ku saabsanaa aabaheed Malcolm X. Si aad iyo aad u xamaasad iyo xiiso badana Marwadaas waa loogu sacab tumay, loona soo dhaweeyay. Aah, aar waxa gacanqaad baan is lahaa Marwo Malayko, waanse la gaadhi waayay gacanta, maacaleesh.!!.

Waxa kale oo nasiib an u yeeshay inaan isla wakhtigaas ku beegmo khudbadii Jermain Jackson. Jermain, khudbadiisa (oo u badnayd taariikh nololeedkiisa) wuxu kusoo daray inuu wadanada Islaamka ah qaar magacdooda sheego. Markii uu yidhi magaca SOOMAALIYA, waxad moodaysay sacabkii iyo qayladii dadka kasoo baxay inay meeshuba ahayd carwo soomaaliyeed. Taasi ayaa kuu cadayn karaysa, tirada dadka Soomaaliyeed ee xafladan kasoo qayb galay. Waxan rabay inaan Jermain ku idhaahdo: walaalkaa Mayklana (Micheal Jackson) kusoo dar Muslimka oo noo keen sannadka danbe, wuuse iga hor tagay, email baanse ugu sheegi doonaa.

Hadal iyo dhammaan: Haday xafladani iyada ahi (THE GLOBAL PEACE AND UNITY EVENT), sidaa ku sii socoto oo sanad walba la qabto. Waxan saadaalinayaa inay noqon doonto xaflad Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK , mar uun ka soo dhex bixi doonaan oo ka dhex muuqan doonaan. Waxa u dhiman inay maamulka iyo agaasinka xafladan dhex galaan oo qayb libaax ka qaataan, soona saaraan caruur soomaaliyeed oo ka qayb qaata nashiidooyinka, aqoonyahiin Soomaaliyeed oo caalamka Islaamka ah wax u sheega; maal qabeeno Soomaaliyeed oo qaadhaanka dhiiba; iwm…iwm. Waanay dhici kartaa, Waana la arki doonaa Insha Allah.

Nabad iyo Midnimo (Peace and Unity).


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

London UK

hiildan@yahoo.com

No comments: