Wednesday, November 28, 2007

gabolada ladoorani mid gargooray weeyaan sog soglayna waad garan_warbixin(maanso) - Abdifatah Cige

galad eebe weeyaan hada garasha nootimid laga kacay ganoodkii lahaleelay guushii gobolana kubiireen gayigeena maantoo lago,aanshay taladii la isla garanayna hadalkii laxamdulilaaah markastaba ilaahay ayaan mahada ucelinaynaa umadwaliba aayaheega inay kataliso iyadaa leh waxaana muhiima amaaba waajiba daryeelka dhulkooga hooyo iyo kashaqaynta mustaqbalkiisa dhaw iyo kadheerba aaan udhaafa dulucdee waxaan maanta faan rayn rayn iyo niyadsamiba noo ah labada gobol ee kusoo biiraya gobolka awdal horaanta sanadka soosocda 2008 goboladaas oo lamataanoobi doona gobolka awdal waxaana ammaan gaara leh gudida kasoo shaqaysay fikirkaas gaar ahaan ragii sida joogtada ah uga qayb galayay shirkii kadhacay magaalada attowa ee dalka canada iayagoo waliba afarta kufiiqay inay ahayd arin miiska dulyaalay mudaba oo ubaahnaa uun kalatuurid iyo amba qaadid waxaana xusid mudan inaa labadaas gobol ee kusoo biiraya gobolka awdal magacdooda loobaandhigay dadka reer awdal meelkasta oo ay joogaanba si uu qofwalba argtida ugaarka ah uga dhiibto runtii anuu waxaan kamidka ahaa dadkii sida aadka ah iskugu hawlay inay keenan magacdaa hadana odhanmaayo nasiibdaro nasiib wanaag waxaa iiga horeeyay magacdii walaaalkay caateeyeh oo kumagacdheer hiildan joiogana dalkan ingiriiska runtiina waaaan kutaageerayaa walaalkay ra,yigaas wanaagsan labada gobol ee uu kadhwaaajiyay magacdooduna waalaba gobol oo uqalma inay qaataan magacdaas sida ay ukala qaadanayaana maansadayda ayaan waxkaga sheegi doonaa waxaanan leehay waaar reer awdalooow waaabaa baryaaa bal toosa isgarabqabsada oo xaqiina xishood iyo cabsi midna ha uga joogina ficil iyo dareen yeesha sidaa aad maantaba ugarateen inuu gobolkiina uqalmo 3 gobol ugarta wixii kasta ee aad xaq uleedihiin bal hadana kusoo dhawaadaqadarkana yar ee maansadaa

daayinbaa awood loo
dunidani abuurteeee
waxa daabad joogtana
isagay udiranyiin
dan ayuu kaleeyahay

kuma dayn sidaasiye
ninba daan ayuu dhigay
waxa lagu ducaystaaa
deeq lagu tilmaamaa
barya lagu dakeeyaaa
waa dalkaaga hooyoo
loodiido foolxumo
laga daaho baylihid
ladaboolo baahida
lamideeyo danahanoo
laga duulo meel qudha
isku digasho laga tago
qabiilkaa dadkala dila
dawadiisaa loohelo
dawlad waa makaahiil
laga daayo hadalkiyo
dulmi bay sameeyaaan
waxka daran ayaa jira
hakudaalin gacaliye
doorbida walaalnimo
daba socod warmaahee
daba furid inaga reeb
soodabaala xaajada
aan kudiiirsanee wada

inkastuu dareen yimid
doorta gobol laleeyahay
waa dahab warkaasiye
damaashaad haloo rido
dabin qool halaga jiro

digtooonoow nin diidoow
darmadaa inatay gu,in
naga durugtu ay dhicin
dagaal ficiltan uu uu dhicin
inta diga gub uu iman
laba dawladoodoo
isku dirira daash qudha
kadilaacin meel qudha

aan udhaafa dulucdeee
sidaan doonay waxa yidhi
waxa doortay magacdiii
degta saartay guushiii
ninka doodayaa jirin
dadoow hiildan weeyee
damacyuu iniga galin

bal udhaga dalooloo
deg deg magacu uma bixin
duntu way isku xidhantahay
darajee garrgooorray
degma saylac maahine
ogow maanta dabadeed
waa gobol dargaara leh
dhaqaalaha dalkiisana
udiyaara qaybtiis

dacalkeeda boorama
sogsoglayna darajee
dalan dool mawado hadal
daljiraan u,ahay doob
iskuduub intaasina
ogow maanta dabadeed
waaa gobol dar gaara leh
dhaqaalaha dalkiisana
udiyaara qaybtii

gobolkaan dabuubtiyo
dood ay kataagnayn
bakki baa udallaayada
awdal weeyi daaantaas
ogow maanta dabadeed
waa gobol dargaara leh
dhaqaalaha dalkiisana
udiyaara qaybtiiis

Cabdifatax Dahir Cige
mudane_22@hotmail.com

No comments: