Saturday, October 06, 2007

Madaxweyne ku Xigeenka Maxamed case ayaa Iska Leh - Nazra Djama

Madaxwayne kuxigeenka Maxamed Case ayaa leh - Makaahiil waa laga daalay waxa aan hadalka' taagnayn in qoomiyada ugu da'da wayn umada afka Soomaliga ku hadasha oo dhan; ee uguna ilbaxsan; Gobolka Awdalna ugu badani in sida "Snuma-da" ay ugu guulaysanayaan doorashada madaxwayne ku xigeenka ee ay ka hadhay in ka yar 190 maalmood.

Hadaba Soomaaliyi waxay hore u tidhi "Nimaan talin jirin haddii uu taliyo nimaan tegi lahayn ayaa taga" xisbiga Kulmiye sida uu kor iyo hoosba u cadeeyey guushu waxay dul taala nin" Isaaqa bari ah iyo nin samaronka wadnaha gobolka awdal buuxiyey u dhashay oo ah Maxamed Case;Hadii aan waxoogaa ka yara taabto degaanka gobolka Awdal iyo Waqooyi Galbeed iyo Djibouti oo ay Qoomiya Maxamed Casuhu Degto;

waxa lama huraan ah inaan la moogaan sida siyaasadaha caalimiga ahi dhigayaan in dadka aad ka dhiganayso inay shacab keenaan aad si qotodheer uga fiirsato.

Wadanka Maraykanka haddii aan Tusaale ahaan usoo qaadano weligeed ma aysan dhicin in si dhib yar loo dhaafo madaxwayne ama madaxwayne ku xigeen aan ka iman gobolada koonfurta. sidaasi darteed nimaan maxamed case ahayn oo maanta kulmiye guul u keenayaa ma jiro.taasina waxa ka marag kacaysa sida Rayaale Awdal looga nacay;

haddii uu Makaahiil awood ku leeyahay Awdal Rayaale ayey booska ku celin lahaayeen markaa in Prof. Aare iyo Abdirahman Aw Cali probogaando loo faafiyo waa nafla'caarinimada Udub iyo xeeladii Rayaale oo uu rabo in uu dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland ka dhigo Boqortooyo.

Hadaba labada nin ee diyaarka ah ee xaalada wadanka iyo siyaasada gobolka Awdal gacanta ku hayaa waa Aadan Jamac Hoori (Wasiir ku xigeenkii is casilay) iyo Eng. Abdirahman yusuf Wadaad (Saylici) oo labaduba qaydhiinka ku raamsanaya cidii carsho carshayn ka wada dalka Somaliland.

War la'aani ayey dad badan hodin ayaanse runta la'iska indho tirin; Gobolka Awdal ma'aha Borama oo kaliya; borame cid kaliyii ma degto waana caasimada baayacmushtarka ee gobolka Awdal; Habar-cafaan iyo Maxamed case cid kaga badani ma jirto Borame lafteeda. Baki waa caasimada gobolka Awdal, Lughaya, iyo Saylac iyo baadiyaha Bulaxar, Caada, ilaa Gabiley beeralayda iyo Xoolo dhaqatadii waa diyaar markan.doorashadii baarlamanka wixii ka dhacay waan ogayn in tuulo kasta maxamed case kasoo baaxay? where were Rayale? markii sida daadka loo jiidhay?

"where were Rayale iyo jufadiisu?" markii Maxamed Case iyo Habar cafaan ay isku raaceen in ay muwaadiniin yihiin dalka Somaliland degan; labada jufo ee jibril yonis iyo reer nuur na boqolkiiba sideetan ay reer Ethiopia yihiin; immika way dhamaatay probogaandadii; waa xaqiiqadii waxa socdaa; Rayaale iyo jufadiisu waa "History" shicibka haku biiraan.

"I am neither optimistic nor pessimistic, but i am realistic" (public domain).

Rayaale masoo noqonayo; Rayaale adeerkiina ma dooranayno. Dalku gurmad ayuu u baahan yahay.

Rayaale shirqoolada uu dhigay waxa ka mid ahaa inuu diiday in degaan lagu kala baxo; oo wuxuu aansixiyey in ninkastaa uu iska soo sharaxo degaan uusan shaqo ku lahayn;

weliba inta ka hadhay doorasha waa in qoomiyadaha gurmadka Somaliland u ihi ay Baarlamanka ka ansixiyaan in degaan lagu kala baxo.

Hadal iyo dhamaan - nin tuug ah ayaa wuxuu u yimid nin tukaan haysta markaasuu ku yidhi kaalay oo arag bishii way bilatee;

ninkii Tukaanka haystay wuxuu ugu jawaabay: "Bishuba hortayda ayey iman"
ee aniga ii waydaaran maysid tukaanka "adeere" ee iska sii tawakal.

Siyaasada Prof. Aar iyo Aw cali daba socdaan waa xaajo aanay waxba ka soconaynin ee ha'ina wareerinina; idunkuna umada reer soomaliland dhinac kasoo raaca.

Maalka dadwaynaha ee Rayaale ku "fund" garanynaayo loolanka siyaada kulmiye; Udub wax ha'kaga keeno. talo waxa iga ah: maxaa keenay in ay maanta Makaahiil noqdaan kulmiye? haddii ay tiro iyo tayo ay hayaan Rayaale booska haku celiyaan. Ninkaa dayixiisu dhacay.

Kur waayeel waa wado indho; nin daad qaaday xunbo cuskay ayey arintu ka noqon jufooyinka deganaashaha degaalkii 1977 dalka yimid ee siyaasad nadiif ah oo hufan aan iskula nimaadno. waa inoo goobta doorashooyinka;

ninkii magaciisa oo sadexan la garto ee xoolihiisu ceelasha ka cabayeen ayuunbaa iska soo sharaxi gobolka Awdal.

Wa bilaahi tawfiiq;

Nazra Djama
nasriin24@yahoo.com
nasriin24@yahoo.com

No comments: