Sunday, September 30, 2007

Kulankii hoori iyo C/raxman aw Cali - "in maxamed case maanta kursiga lee yahay"

Khaatumada Ilaahay Khayr Ha kuugu Khatimo.
Boorama-(Lug)-Kulan balaadhan oo ay yeesheen 4maalmood ka hor Wasiirkii hore ee Wasaarada XanaanadaXoolaha Aadan Jaamac Hoori oo iscasilaadiisii ka dibKu biiray Xisbiga Kulmiye isaga iyo Beeshiisuba iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa Madaxwayne kuxigeenadii soo maray Xukuumada Somaliland islamarkaana ka mid ahaa Madaxdii xisbiga Kulmiye horena ugu guul daraystay Musharaxnimadii Madaxwayne kuxigeenka inuu ku soo baxo Doorashadii Hore ee Madaxwaynaha;

ayaa shirkoodaasi waxay ku falanqaynayeenqaabkii doorashooyinka ay ugu diyaargaroobi lahaayeenxisbiga Kulmiye , reer Awdalna doorashooyinka Soosocda cidii madaxwayne ku xigeen noqon lahayd Awdalahaan. Kulankaasi oo qaatay mudo dheer waxaa laga wada hadlayin C/raxmaan mudo dheer looga tanaasulay gurigaMadaxwayne ku xigeenka balse aanu wax guul ah kakeenin taasina maanta doonayaan maanta in reer Awdalcid kale oo magac iyo maamuus u keenta Xisbiga Kulmiyeloo magacaabo booskaasi .

Mr.Hoori oo arintaasi ka hadlayay ayaa C/raxmaan usheegay in maanta ay diyaar u yihiin Beelaha Maxamed Case ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye in Kursigaasi loo daayo;
taasi oo runtu tahay inay magac iyo doorashada guul ka keenaan ay dhici doonto.

Mr.Hoori waxuu balan qaaday inay iyaguna intiikaraankooda ah Xisbiga Kulmiye sare u soo qaadidoonaan waxuuna C/raxmaan kula taliyay inuu maantaarintasi dib uga joogsado.

Wararkale oo aanu ka helnay Ilo Xog-Ogaalka ah oo uudhow dhow xisbigaasi Kulmiye iyo arimihiisa ayaaCadeeyey in C/raxmaan Aw Cali balan qaaday inuuarintaasi u daayay Beelaha Maxamed Case islamarkaasina uu dib uga joogsaday inuu isagu isku soosharaxo kursigaasi uun ku taageeri doono cid walba oo laga sharaxo Beelaha Maxamed Case,

waxuuna farta kufiiqay in cidkasta oo reer Awdal ah oo doonayso inaykursigaasi u hanqal taagto aan maanta diyaar loo ahayn, balse kulankaasi lagu xaqiijiyay in doorashooyinkansoo socda Musharaxnimada Madaxwayne ku xigeenka laisku raacay in Beelahaasi Maxamed Case loo daayo. Waxaana baryahanba socday kulamo balaadhan oo ayyeelanayeen Masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga

Kulmiye sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeenqabsashada shirwaynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu cadayndoono cidii loo sharaxayo Madaxwayne iyo Madaxwayne kuxigeenka taasi oo baryahanba ay wadeen MasuuliyiintaHeer degmo,

Gobolkai iyo Qaran dalka Somalilandinkasta oo mudo badan shirwaynaha Kulmiye uu qabsoomiwaayay daruufo badan awgeed kuwaasi oo loo tiriyo inla isku diidanaa diyaarinta Ergooyinki ka qayb galilahaa oo ka imanaya degmooyinka gobolada dalka,laakiinse waxaa lagu rajo waynyahay in sida ugudhaqsaha badan shirwaynahaasi loo qaban doonowararkaasina waxaanu ka helnay dad xog-ogaal u ahXisbiga kulmiye oo ku dhex jira .

Source: Lughaya News On-Line

No comments: