Thursday, September 20, 2007

Dugsi Waxbarasho Sare Ah Oo Laga Furay Magaalada Boorama

Abokor Hassan afi20 Sept. 2007

“Af Soomaaliga Bara Ardayda ugu Horayn”
Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Awdal

“Xaasidnimoda Soomaalida waxa ugu Wacan Jahliga”
Maamulaha Qaryatul-Iimaan

(Saylicipress) Maalintii shalay ayaa waxa magaalada Boorama laga furay dugsi waxbarasho sare ah oo loogu magic daray Al-Nuur kaasi ku soo biiray bahda warbarashada ee gobolka Awdal, munaasabadii xadhiga lagaga jaray dugsigan ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda waxbarashada ee gobolka, masuuliyiin , waalidiin iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madaxa xerada Agoomaha ee Qaryatul-Iman ee magaalada Boorama Cabdiqaadir Maxamed Axmad oo iyadu gacanta ku haysay dhismihii dugsigan ayaa ka waramay ahmiyada ay aqoonu u leedahay bulshada waxana uu carabaabay in bulshada Soomaalidu ay tahay mid ay ku badan tahay xaasidnimadu sababtuna ay tahay ayuu yidhi jahliga oo bulshada indho la’aan ku riday. Waxa kale oo Cabdiqaadir ka waramay xaalada dugsigan waxana uu yidhi “dugsigu waxa uu ka kooban yahay siddeed fasal balse ma qalabaysna waxan aan ka suhgayna in ay wasaaradu arintan gacan naga siiso Maamulaha dugsiga Hoose Dhexe ee Alnuur Cabdiraxmaan Muuse Ibraahim ayaa isna ka waramay in ay dugsigan dhigtaan arday gaadhaysa 1100 arday isla markaana la furay sanadii 1999-kii, waxa kale oo maamuluhu tilmaamay in ay dugsiga wax ka dhigtaan macalimiin ay aqoontoodu gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed taasi oo soo jiidatay ayuu yidhi arday faro badan in ay isu soo badalaan waxana uu carabaabay in ay sanadihiii u dambeeyay dugsiga u soo badasheen arday gaadhaysa 200 oo arday.

Dadkii ka soo qayb galay munaasabadan ayaa wax ka mid ahaa Dr. Siciid Axmad Walhad waxana uu doctor-ku ku dardaaray in aad loo hagaajiyo akhlaaqada ardayda taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mida dhalin karta in la helo arday waxbarashadoodu sarayso una gargaara dalkooda iyo diintoodaba.Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xadi ayaa isna tilamaamay in uu ku faraxsan yahay dugsigan horta leh ee soo biiray waxana uu u mahad naqay maamulka Qaryatul Iiman oo uu sheegay in ay dadaal ku bixiyeen dhismaha dugsigan waxana uu yidhi “ waxa aan anana balanqaadaynaa in aan ka caawino dugsigan Al-Nur helida agabkii waxbarasho oo dhamaystiran.

Waxa uu gudoomiyuhu kula dardaaray macalimiinta dugsiga in ay ubadka baraan afkooda hooyo ee Soomaaliga taasi oo uu sheegay in ay tahay waxbarasho aasaasi ah oo loo baahan yahay. Gudoomiyuhu waxa kale oo uu carabaabay in ilaa hada ay xidhiidh fiican leeyihiin dugsiga Al-Nur iyo maamulka Qaryatul-Iiman waxana uu sheegay in ilaa hada ay ka taageereen tababro ay wasaaradu siiso macalimiinta qaar iyo xarunta quudinta caruurta ee dugsigaas.Dugsigan Al-Nur ayaa waxa maal galisay dawlada Kuwait waxana uu dhismihiisu socday mudo lix bilood ah waxana ku baxday lacag dhan 60 kun oo Doolar. Dugsigan ayaa waxa lagu bilaabay arday si toos ah wax uga soo baratay isla dugsiga dhexe ee Al-Nur oo ay tiradoodu dhantahay 95 arday kana kooban 35wiil iyo 60 wiil. Dugigan Al-Nur ayaa waxa lagu dhigi doonaa culuun heer saraysa oo waafaqsan manhajka waxbarasho ee dalka.
Abokor Xassan Caafi
Saylicipress-Borama

No comments: