Tuesday, September 18, 2007

Badheedhaha Kulmiye: Dibu-Dhigasho Mooyee Wax Is Doorshey May Dhicin.

Maalmihii u dambeeyey waxaa saxaafada aan ku arkaayey baqasho iyo argagax badan oo ka muuqda dhamaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbul xaakimka UDUB, waxaan saxaafadda oo dhan ku arkayey been abuur buunbuunin iyo waswaas kii shaydaanka ah oo ay sameeya isleeyihiin, taageerayaasha iyo maamulka xisbiga aan iskukalsoonayn ee UDUB, CAJAA'IB!!!!!!;

Kadaroo dibidhal !!!!!

Taas waxaaba ka sii darnaa website hadda curdin ah oo aan wali la baran oo intii uu dalka iyo dadkaba isku soo dari lahaa baradhaafiyeyba daba-dhilifnimadii ay ku caanbaxday QARANNEWS,Waaba TUKE BAALCAD!!! -

waa shabakada harowo.com.

Waxaan u mahadnaqayaa qoraagii xirfadda badnaa ee analyse geexaayey lixda website ee gobolka Awdal leedahay ee uu qoray Dahir Askar - Saylicipress.net - ee lahaa:

"Harowo.com waxaad moodaa carwadii Rayaale uu kusoo bandhigay sawiradiisa sidii kacaankii Siyaad Bare uu tukaanlayda uu ugu khasbi jiray inay sawirka madaxwaynaha meel sare saartaan."

waxaanan leeyahay ma kitaabaad ka baadhay sida aad harowo u qeexday? waayo waxaad si fiican u cadaysay waxa ay u taagan tahay website-ka harowo.com.Markaan arimahaas hore intaas ku dhaafo, aan u daadago dulucda hadalkayga, oo ah inaan halkan ka cadeeyo beenta iyo warxumo tashiilka ay ku faafiyaan websiteyada taageerayaasha iyo masuuliyiinta UDUB iyagoo kusoo gabanaya beelnimo waa markii ay awoodi waayeen waxkale oo ay iskaga caabiyaan quwadda maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa ee xisbiga awoodda badan ee KULMIYE;waxaan idin leeyahay marnaba ha ku seexanina in xisbiga Kulmiye aad awoodiisa wiiqdaan, sikasta oo aad u adeegsataan dabadhilifyada daciifka ah ee sidii shaydaanku asxaabta(RC) ugu dhex dhuuman jiray markay dagaalka ku jiraan isleh xisbiga daacadda iyo dimuqraadiga ah ee KULMIYE ku dhex dhuunta, aan idiin bayaamiyo raga markii shaydaanka la naaray ay cadaatay inay xisbiga tashuush iyo dhagadhagayn UDUB ah ay ahaayeen

waxaa ka mid ah nin maalin dhawayd media ha iyo maqaaxida UDUB ee guriga shaqaalaha ka dhex qaylinayey intuu soo kaxaystay rakaabkiisii, nina rakaabkiisa ma waayo…!!!,waa tashuushkii xisbiga ku dhexjiray ee noocminal shaydaan dheh……shuushow bax...!!!!!!!!!!, waxaanan leeyahay ninkaas adeerow adiga iyo awlaada baarkaagu midna waxba yeelikari maayaan KULMIYE, adiguna waxaan dhib iyo dhilifnimo ahayn lamaad dhex joogin xisbiga, waayo ma tihid nin talo qaata, markasta oo doorashaa dhacaysa aad maqashana adigaa farta ugu hortaaga mediahana ka yidhaa

"waaaaaaaaan sharaxanahayeeeeeeeeeeeeeey"

adigoon la tashan xisbiga, sidaas darteed hagardaamo ayaad xisbiga ku ahayd ee allaa naga kaa furdaamiyey, kuwa aad u tagtana waxba tarimaysid, waxmatare dheh!.Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa inay websiteyada aan korkusoo xusay ka waantoobaan masayrka sidii dumarka ay uga masayrayaan xisbiga badka soo dhigay in muwaadin kasta oo xisbiga ka mid ah wax dooran karo lana dooran karo, waayo wali waxaa laga la’yahay ina Rayaale iyo ragga xuurtada ku haysta xisbiga goblamay ee UDUB in ay yidhaahdaan ama qoondeeyaan shirwaynihii ururkooda, ayaandarro UDUB ma u dambaysay dheh…!!!, halka gudoomiye md. Ahmed Siilaanyo u badheedhay inuu xisbiga uu gudoomiyaha u yahay u horseeday sinaan iyo in lala tartami karo, bal xusuuso sidii uu ina Rayaale sameeyey sanadkii uu md. Dr. Cabdi Aw Daahir yidhi waxaan u taaganahay musharaxa madaxweynaha in uu aad uga xanaaqay in cidi isla soo sharaxdo dabadeed digtoorkii gabigiisaba laga saaray xisbiga calashaan cid awood u leh inay iska soo sharaxdo ma jirto xisbiga Udub oo aan aniga ahayn(fikradii ina Rayaale dheh).Isku soo wada duuboo Rayaale iyo rakaab xumadiisa waynu u wada joognaa hadii ilaahay idmo, bal sida ay wax u maareeyaan, waxaan qabaa anigu inay kasoo dhagawayntahay tii ina cali waraabe oo kale, alow xisbi hoogay dheh UDUB.Ugu dambayntii waxaan u sheegayaa warxumo tashiilka leh xisbigii Kulmiye wuxuu awoodi la yahay inuu qabsoomo shirwaynihiisii. Waxaan leehay:

"Weli DalawadaydiiDoobigeedi may dhiminDibu-dhigasho mooyeeWax is doorshey may dhicinAfartaa xan durugtiyoDanni jira wax sheeggii" ...Hadraawi
ALLOW WAAGA WARAABE YUU CUNINASALAAMU CALAYKUM,
KHADAR M. KARE
Hargeisa-Somaliland
khadardhako@yahoo.co.uk

No comments: