Monday, February 18, 2008

Jawhar iyo Jiinlow oo ay ka dhex muuqato farshaxankii oday biiqay

Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Nin wayn waxa ku haboon iinuu uu yeesho meel loogu soo hagaago. Markii jawhar uu lacagta ka urursanaayey bulsho waynta reer awdal wuxuu matali jiray in uu yahay qof caafimaad qaba.

Waxasa cadaatay in uu waabayda isaga laftiisu qaybiyo isagoo isticmaalaya shabakada ku can baxday been abuurka iyo kala dilka sokeeyaha ee harowo. Maalinba magac cusub ayaa nagu soo kordha oo farshaxan la galiyey. Laakiin jawharow waxaad wadkaagii u yeedhatay markaad afkaa hilibka bakhtiga Scandanivianka ku cunaysay aad ku taagtay Col. Omar Abdilahi Hande (Shinbir). Marka hore maxaad ka taqaanaa Col. Hande markaa aad leedahay waxa arinta deeqda xisbiga kulmiye ka danbeeyey nin usoo sheeqayey maamulo hore oo la yidhaah shinbir. Waxa nasiib daro ah in aad si xun u isticmaalaysid warbaahinta in badan oo inaga mid ah ku cusub. Waliba kuwii markii ayna warbaahintani jirin adhiga raaci jiray.

Waa su’aale maxaa ceeb ah maxaa lagu fanaa?

Waxa lacag loo ururin jiray garoonkii ay dhawr ka jeer dhagaxa dhigtay huda barkhad ee uu rayale rabay inuu doorshada ku galo. Waxa lacagta dadka ka guraayey jufada uu Jawhar u hadlaayo ee uu Col. Hande iyo cabdirahman Zaylici u aflagaadaynaayo. Gudida loo xil saaray in ay garoonka dhisaan ee borama joogtay waxay ka koobnaayeen ama u badnaayeen jufada jawhar u ooyaayo. Qof kale kuma jirin.

Laakiin umada kale ee gobolka ku nooli kama hadlin oo waxay u haysteen in ay wax qabanayaan oo way taageereen. Laakiin waxa cadaatay in garoonkii uu siyaasad noqday oo Rayale sugaayo inuu doorashada ku galo sida uu u hor istaagay jidkii la dhisi lahaa. Waxana cadaatay in la cunay lacagtii dadka laga ururiyey ee garoonka lagu dhisi lahaa siduu Rashid Cabdi Bakal horey u sheegayba (Alaaya cisak). Gari allay taqaan. Bilad sharaf ayuu mutaystay Rashid oo runta isha ka tuuray.

Markaa waxa nasiib daro ah in runta la’iska indho tiro oo la eedeeyo masuulo kaalin wayn kaga jira bulsho waynta awdal, Somaliland, iyo Somaali oo dhan sida Col. Shinbir oo kale. Waxa hadaba iska dhex galay dad badan oo adhiga jiri jiray siyaasada, qabyaalada, caawinta umada, iyo run ku hadalkii. Adhi jir ceeb ma’aha ee laakiin fakir kiisa ayaa gaaban oo qabowgaa Sweden ayuu u haystaa inuu Australia ka jiro. Oo wuxuu moodayaa in cirka daruurtu saran tahay ee isaga dul taagi ay sidoo kale dul taagan tahay cidhifka Koonfureed.

Waxase ka khaldantay in cidhifka koonfureed wakhtigan lagu jiro uu u helo 6 bilood oo qorax ah (wixii ka sareeya ama ka hooseeya 66 (N or S) degree parallel) oo loona yaqaano “Winter Solstice” halka uu cidhifka waqooyi uu kaga jiro qaboobe ama “winter” ama 6 bilood oo mugdi ah. Sida “Summer Solstice” ka koonfurtu ay qaboobe ugu jirto; waqooyiguna kulayle.

Adhi jirtu waxa haboon inay ogaadaan in dhulku uu u kala qaybsamo waqooyi iyo koonfur oo 0 (zero degree equator-ku) kala badho; wixii kor ka xiga waxa loo yaqaanaa Northern Hemisphere; wixii hoos ka xigana waxa loo yaqaanaa Southern hemisphere.

Wakhti kala duwan ayey laba xili kala helaan; qaboobaha iyo kulaylaha. Waxba kugu daalin mayo saynis ee waxaan uga dan leeyahay. Aduun yadu ma’aha warka xumaha salka ku haya ee aad raga halyeeyada ah ku aflagaadaynayso oo kaliya; ee waxa jira dhinacyo badan oo laga eego wixii khalad ah ama sax ah.

Maxaa ku khaldan in laga soo horjeesto dawlada fadhiidka ah ee dalxiiska ku jirta? Maxaa ku jaban in siyaasad caafimaad qabta la’ wada ciyaaro. Been aan jirin maxaa keenay in aad ka faafiso halyeeygii soomaaliyeed ee Col. Cumar Cabdulahi Hande (Shinbir); Waxaan ka dagaalamayaa in aad siiso qof walba sharaf uu leeyahay. Hadii kale waxa iman doonta in geesigii Yusuf Talan in maalin dhow la’aflagaadeeyo. Waar wax iskula hadha oo runta ka hadla. Waabaydu halka ay kasoo maaxanayso waa naqaanaa; laakiin maanta maalin aan ahayn ayuu garan. Hareeraha si wanaagsan iskaga fiiri.

Deeqda la diray

Waxa cad in deeqdaasi ay tahay mid loogu tala galay siyaasiyiinta xisbiga kulmiye looguna talo galay in la’ tuso xukuumada fadhiidka ah in calankeedii dhacay. Waxa diray deeqdan oo mudo sadex bilood ah la’ qorshaynaayey; qurbo jooga waqooyiga maraykanka iyo dad yurub degan. Waxa laga diray lacag ururin loogu talo galay siyaasada oo baryahanba socotay; lacagtaa waxa bixiya qof kasta oo taageersan dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka e Cabdirahman Zaylici uu hormoodka ka yahay. Laf iyo qabiil gaar ah ma’laha. Kadib waxa khaladka keenay in ay isku soo dul dhaceen masuubadii ka dhacday xeebta awdal iyo deeqdan gaadhay dalka. Oo sida qof kastaa og yahay container laga diray Maraykan wuxuu u socdaa Africa hal bil. Markaa qof kaliya oo lagu magacaabi karaa ma jiro waayo dhaqdhaqaaqan gurmadka qaranku malaha waji gaar ah iyo magic qof oo la yeedhiyo. Waa umad isku duuban oo diyaar u ah in Rayale markale soo noqon. Kadibna maxkamad lasoo taago musuqmaasuqa uu galay darteed. Isaaq ayaa ku jira, mahadcase, habarcafaan iyo lafo kale oo kasoo jeeda jufada Rayale lafteeda oo arkay in guusho dul taagan tahay kulmiye.

Hadaba wax hubso kadib awliyooyinka masaajidada ugu gal. List-ka dadka ka qayb qaata taakulaynta xisbiga kulmiye oo lagu daabacay saylicipress.net mudo aan dhawayn dadka taageersan ururka badankoodu waxay ku jiraan dadkii taageeray warkii ay soosaareen odayasha lughaya sida ay anigu filayo-
Wa bilaahi tawfiiq

Xassan Cumar (xassan yare)
Degmada Boon, Awdal
xassan_somali@yahoo.com

Shir jaraaid oo ay qabteen gudida gurmadka aafada Awdal

Gudida Gurmadka Masiibooyinkii Roobabkii ka da’ay Gobolka Awdal ee Association of Awdal Community of North America (AACNA) oo Saxaafada siiyay Warbixin

Hashim Goth, Boorama 18 February, - Gudida gurmadka masiibooyinkii roobabkii ka da’ay Gobolka Awdal ee ururka AACNA ayaa saxaafada uga xog waramay halka ay marayso hawshii loo soo xilsaaray, ugu horayna waxaa halkaas hadal ka jeediyay gudoomiyaha gudida Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo yidhi marka hore waad mahadsan tihiin bahda saxaafada, marka xigana waxaan war idinka siinaynaa safarkii gudidu ku soo martay 29 tuulo oo ka tirsan Awdal, hadii aan marka hore ku horeeyo sida gudidani ku aasaasantay waxay ahayd magacaabis ay na soo magacaabeen qurbajooga Waqooyiga America anaga oo wakiil ka ah AACNA, waxaa la furay Acount dahabshiil ah oo Lambarkiisu yahay DO616, halkaas oo lagu soo hagaajinayo lacagaha, ilaa hadana waxaa na soo gaadhay lacago gaadhaya 20kun oo doolar, dhanka khasaaraha soo gaadhay dadku wuxuu le’eg yahay mid aad u balaadhan waana ugu yaraan xoolaha meesha ku dhintay 4 boqol oo kun oo neef.

Dr.Cabdiraxmaan wuxuu intaas ku daray in warbixno kala duwan ay ka qoreen dhibta meelahaas ka dhacday hayadaha samafalka, Ururada caalamiga ah, Dawlada iyo Ururada wadaniga ahba, balse warbixinta aan soo qornay iyo ta dawladu ay yihiin qaar isku dhaw hallka haydaha samafalka qaarkod meelo kooban ay mareen ee ay ka qaateen qiyaas, Anagu waxaan marnay 29 tuulo aadna waan u hubinay, khasaaruhu waa 40%, lixdanka hadhayna xooluhu waa qaar bukaan ah oo aan dadkii waxba ugu filayn, hadaba waxaan u sheegaynaa qofkii toos ugu soo dira Acountkan in 1% laga qaadayo xawaalada, hadii kale sida laga qaado 4% ayaa lagaa qaadaya.

waxaanan ku boorinayaa dadka aan weli deeq bixin in ay dedejiyaan oo ay hore u soo diraan, dhaqaalahaasi hadii uu noqdo mid waafi ah waxaan samayn doonaa in aan dadka xoolo u iibino, waayo lama quudin karo dadkaas xooluhu ka madheen, waxaana haboon in dadkaasi wixii ay ku noolaayeen loo soo cesho. waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadka deeqaha bixinayaa ay meel qudha noqoto si ayna meel qudha ugu dhicin, ee ay meel walba u gaadho oo ay dhibtu gaadhay dadka baahana ay joogaan. wixii baahi jira ee dhanka caafimaadka, hoyga, huga iyo xoolaynta waxay noqon doontaa in la daboolo oo lagu daboolo deeqdaas naga soo gaadha qurbajoogaa soo diraya.

Sh.Xasan deheye ayaa isna ka codsaday in dadkaas la soo kaalmeeyo, meelahaas aafooyinku ka dhaceena loo baahan yahay in fikir midaysan laga yeesho. waana in laga ilaaliyaa deeqdan xasaasiyada qabiilka, maadaama dadka qurbuhu yihiin waxgaradkii iyo Aqoontii umadan,Cumar C/laahi Xasan oo ah Xoghayaha dhaqaalaha gudida ayaa ka waramay sida ilaa hada u soo gaadhay deeqdu wuxuuna sheegay in ay meelo kala duwan deeqdu ka timid, dadka qaarna soo mariyeen Acountka Dahabshiil, qaarna toos u soo direen, wuxuuna u mahadnaqay dhamaan dadkii kaalmada soo bixiyay. waxa la aasaasay 28 Jan, 2008, warbixnaha intaas ay jirtay gudidu waxaan u dirnay urirka AACNA iyo websidad qaarkood. Otowa waxaan ka helay, 13610, Dumarka Dalas 3000$ Maxamed Dugsiiye oo ka soo diray Kalgari 1000 $ ,Cali Baxar oo soo diray 1000$ ,Maryan Xasan dugsiiye 2700$ oo kuwait nooga soo dirtay, hadaba dhicisku inta birta loo sido ayuu ka bakhtiyaa ee dadkaas hala soo caawiyo,Maxamed Daahir Dhawal ayaa isna uga mahaceliayay qurbajooga reer Awdal ,wuxuuna intaas raaciyay in tuulooyinka ay soo marayeen meel walba ka xaqiijinayeen odayada goobtaas ay kula kulmeen dhibta gaadhay inta ay le’egtahay, mudada dhibtu haysato dadka way dheeraatay ee waxaan idinka codsanaynaa cidii wax ku deeqaysa in ay soo dedejaan.

Sh.Cismaan Axmed ayaa isna ku guubaabiyay dadka deeqaha bixinaya in ay dadaalkooda laban laabaan, isla markaana ay yartahay ilaa hada wixii kaalmo ay heleen dhanka dawlada iyo haydahaba, waxqabadka dadkasina yahay waajib ina wada saaran, waanan idiinka mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay deeqdaas, wixii hore gurmad loo geyn karayay waa loo geeyay, balan qaadyaduna way badan yihiin dhanka dawlada iyo hayadahaba, waxaana jecelahay in aad wixii deeq ah soo dedejisaan.

Hashim Goth

Borama, Awdal
hashimgoth@hotmail.com

Opinion: Axmed Siilaanyo ma Yuhuudibaa Hadii Macaawimo Loo Dhiibay oo Qaybi la Yidhi?

Waxaan ku arkayay website yada maqaalo wax lagaga sheegayo madaxda sarsare ee xisbiga kulmiye taasi oo loo qoray si badheedha oo aan habo yaraatee gabasho lahayn.

Horta marka uu qofku rabo in uu saxaafad wax kuqoro dhaliil waa jirtaa oo xisbi ayaad dhaliili kartaa ama shakhsi lakin waxaa saxaafada kareeban personal attach intabadan maqaalada aan arkay waxay ahaayeen personal attach taasina saxaafada meelba kama soo gasho.

Waxaa ayadna aqlaaqiyan aan fiicnayn inaad nasab waxka sheegto ama rer oo rerku cida uu rabo ayuu taageeri karaa xisbiga uu rabo ayuu gali karaa markaa sxbday ma waxay rabaan in samaroon dhamaan ay noqdaan xisbixaakimka udub?? taasi su’aasheda waxaa iskaleh akhristayaasha.

Somaliland waxay samaysatay nidaam uyara eeg dimuqradiyad oo larabay in lagaga gudbo marxaladihii laso maray taasi ayaa keentay in Somaliland ninba ninka ay isku mowqifka yihiin isku raacaan mowqifka maaha taasina in laysku dhaliilo oo layidhah ninka kulmiye galay waa gaaloobay ka udub galayna janadii ayuu galay ragbaa sidaa uhaysta arintuse sidaa maahan ee waa xisbi ee yaysan xisbiga iyo qabiiku iskaga kin qaldamin sxb yaal.

Koontiinarka mucaawimadaa hadii ay garteen madaxdii kulmiye in dadka cadaalad loogu qaybiyo wax kujaban ayaan jirin oo marlayba waa laqaybin lahaa. Midakale sxbday miyaysan ogayn ragani ay dhaliilayaan in ay noqondoodaan madaxdii mustaqbalka oo ay dalka maamuli doonaan haduu alah uqoro maxaase maanta keenay Awdal uun wax hahesho.

Dadka dhibaatadu gaadhay inlo gurmadaa waa wax meesha tiila oo waa dad dhimaato gaadhay lakin anigu uma arko in ay baahida dadkaa kasaari lahaa kontiinarkaasi waayo wax dadkaasi wax uqaban lahaa kumajirin oo daruuri ah wakhtiga xaadirka ama looga baahna meesha dhibku kadhacday marka anigu waxaan u arkaa uun buro bugaado ay samaynayaan taageerayaasha xisul xaakimka udub maadaamo ay dhowdahay doorashadii dowladaha hoose iyo tii madaxtinimada taana wax micnaleh in ay soo kordhinayn ayaan qabaa shakhsiyan.

Takale hadii madaxda kulmiye ee sarsare masuuliyad lasaaray oo wax qaybsha layidhi ma yuhuud ayaa wax loo dhiibay miyaysan ahayn madaxdii mustaqbalka taa waalagu qaldamey madaxda kulmiye ee xaal halasiiyo ayaan odhanlahaa.

Hadal iyo dhaman dadka yaan lagu kala wadin wax aan micno lahayn oo wax jirin lagu hadlin hadaladana marka laqoraayo halaga fiirsado somalidu waxay tidhah kafiirso intaadan waxfalin waa hadal dhan.

Wabilaahi Towfiiq.
Cumar Maxamuud Qayaad - (Cumar Xadaari)
Yeman, Taiz

Sunday, February 17, 2008

Lacagaha ilaa immika gaadhay xeebaha gobolka Awdal

Borama (SP) Lacagaha ilaa immika gaadhay meelihii ay masuubadau ka dhcadya waxay gaadhay $ 21, 311 marka la isku wada geeyo inkastoo ay jiraan balan qaadyo ay sameeyeen magaalooyin iyo gobolo badan oo waqooyiga maraykanka ku yaala.

waxaan si toos khadka tellephone ka kula xidhiidhnay gudida aafada xeebaha; waxaan la hadalnay gudidii u qaabilsanayd arimiha masuubada waxayna soo sheegeen ilaa immika lacagaha kusoo dhacay xisaabtii AACNA ee loo furay masuubadan darteed.

$ 13, 611 —– Jaaliyada Ottawa, Ontario - Canada
$ 3000 —— Dumarka Jaaliyada Dallas, Texas
$ 1000 —— Jaaliyada Calgary, Alberta - Canada
$ 2700 —— Jaaliyada Kuwait, Kuwait
$1000 —— Jaaliyada Houston, Texas

Amoud Foundation lacag $6000 dhan waxa naloo sheegay in ay iyagu haynayaan oo marka loo baahdo ay dadka ku isticmaali doonaan.

Jaaliyado badan oo waxa jira balanqaad sameeyey oo ay gudidu noo sheegeen in ay sugayaan.
Gudida waxay noo sheegeen in ay dhawaan u socdaali doonaan meelihii ay dhibaatdu ka jirtay iyagoo dadka u kaudinaya kharashka oo raba marka lacagta badan koodu soo gaadho in ay mar kaliya u socdaalaan.

waxa kale oo ay gudidu noo sheegtay in ay muceeshada iyo shidaalku dhulka uu kacay taasina ay keentay in ay ka fikiraan in ay meeshii tagaan iyagoon hayn wax dadka ku filnaada.
waxa kale oo ay gudidu noo sheegtay in dadka bara kacay ay ka badan yihiin dadkii markii hore la sheegay.

Xoolaha dhintayna ay ka badan yihiin 100, 000 oo neef oo nooc walba leh (Adhi, geel, iyo Lo’).
Gudigu waxay mahadnaq balaan u jeedinayaan dhamaan jaaliyadaha reer awdal, somaliland iyo somalida kaleba kasoo jeeda ee ka’ qayb qaatay taakulaynta dadka ku dhibaataysan xeebaha gobolka Awdal. Waxay amaan balaadhan sidoo kale ay u jeedinayaan ururka Association of Awdal Community of North America (AACNA); oo ka qaatay qayb libaax ururinta iyo abaabulka loo galay dadka tabaalaysan.

Account number: D0616
Dahabshil INC, BORAMA BRANCH
Sh. Cusman Ahmed Ibrahim
Sh. Xassan Deheeye
Dr. Cabdirahman Jamac Hadi
Sh. Mohamed Dahir dhawal
Cumar Cabdillahi Xassan (Gurey)

Shir jaraa’id ayey dhawaan qaban doonaan

Booqo maanta aacna.org aan qaybtaada ka qaado caawin xeebaha gobolka Awdal
SP Borama

Madaxweyne Rayaale Oo Galabta U Dhoofay Addis Ababa, Ugana Sii Gudbaya Waddamo Kale Oo Aan La Ogeyn

Hargeysa-(SP) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo u kicitimay Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, Madaxweyne Riyaale oo intii aanu ka ambabixin dalka, Qasriga Madaxtooyada kula hadlay weriyayaasha wuu diidey inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo socdaalkiisa, waxana uu sheegay keliya inuu tegayo Addis Ababa iyo meelo kale uu sheegay inuu uga sii gudbayo. “Horta caadada noqotay marka la baxayona in la sii warramo, marka la soo noqdona la warramo maanta ayaan ku soo xidhayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

“Wixii dambe Press release [Warsaxaafadeed] bay noqon doontaa Afhayeenka uun uu bixiyo, waayo, caado uma aha adduunka madaxda in markasta la waraysto,” ayuu raaciyey. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inuu ka warramayo falkii afduubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sanaag ee lagu afduubay ninka Jarmalka ah ee madaxda ka ah hay’adda German Agro Action, falkaas oo uu ku tilmaamay fal argagixiso oo lagu manjaxaabinayo Somaliland, si gaar ahna loola beegsanayo dhaqdhaqaaqyadiisa dibadda.

Waxana uu hambalyo u diray ciidanka qaranka iyo shacbiga Gobolka Sanaag sida ay uga hawlgaleen, uguna guuleysteen. “Waxaana muuqata, wararka ugu horreeya ee hordhaca ah ee aanu hayno Gugux meel la yidhaahdo oo maamulkaa Boosaaso [Puntland] ka tirsan in laga soo abaabuley,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

“Laakiin, Argagixisadii waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada Argagixiso uun, meel kastana way joogaan, kuwo inaga [Somaliland] ahina way ku jiraan,” ayuu raaciyey Madaxweyne Riyaale. Waxana uu shacbiga ugu baaqay inay ka feejignaadaan, indhahana furan. Madaxweyne Riyaale, waxa uu ku tilmaamay falalka argagixiso kuwo bartilmaameedkoodu yahay qaddiyadda Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada dibadda ee xukuumaddiisu samayso.

“Waxaan xasuustaa berigii aan Ingiriiska tegaayey 2004tii, markaan Addis Ababa marayo ayaa qabuurihii Ingiriiska la jejebiyey, maalintii Baarlamaanka Ingiriiska aan tegaayeyna GTZ-ka qoladoodii maalintii la afduubay bay ahayd,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey, “Shalayna waxa inoo yimi madax kaloo caalamka ah baa inoo timid. Taasi waxay sheegaysaa markasti oo wax wanaagsani inoo soo socdaanba inay qaar argagixiso ah oo u shaqeeya dad aynaan inagu garanayn oo danaheenna ka soo horjeedaa inay mujtamaceenna ku dhex jiraan baa muuqanaysa”.

Ma cadda dadka uu Madaxweyne Riyaale u duurxulayo, hase yeeshee, waxa uu muujiyey in xukuumaddu doonayso falalka noocan ah inay uga faa’iideysato si siyaasi ah, uuna ka dhigayo kuwo lagu xaasidayo ama lagu minja-xaabinayo dedaalkiisa iyo guulihiisa. Waxayna dad badani ka werwersan yihiin, shakina ka qabaan falalkan argagixiso oo dalka ka bilaabmay, wax yar kadib markii uu xilka kala wareegey Madaxweyne Riyaale madaxweynihii hore ee Geeryoodey Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Dhinaca kale, socdaalka Madaxweyne Riyaale oo aan la ogeyn cid ku wehelisa iyo meelaha uu u sii dhaafayo Addis Ababa ayaa warar kala duwani ka soo baxayaan. Wararka qaar waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale uu u sii dhaafayo Addis Ababa dhinaca Boqortooyada Sucuudiga, halka warar kalena sheegayaan inuu tegayo Imaaraadka Carabta oo ay wararka qaar sheegayaan in Xaaskiisu kaga sii horrayso, xogo kalena tilmaamayaan inuu kula ballansan yahay shirkado uu heshiis dhinaca shidaalka ah la galay.

Xigasho:Somaliland.org

Friday, February 15, 2008

Siilaanyo Oo Ku Eedeeyey Rayaale Inuu Wasiirka Caafimaadka Ka Horjoogsaday Xaflad Uu KULMIYE Kagala Wareegi Lahaa Deeq Daawooyin Ah

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu si badheedh ah uga horjoogsaday wasiirkiisa caafimaadka xaflad uu si rasmi ah ugagala wareegi lahaa daawooyin qalab caafimaad ay cusbitaallada dalka u soo direen taageerayaasha KULMIYE ee ku dhaqan Woqooyiga Ameerika.

Daawadan oo ah hal kontiinar taageerayaasha xisbigu ugu talogaleen cusbitaallada lixda gobol ee Somaliland, ayaa hoggaanka KULMIYE laba toddobaad ka hor ku wareejiyey masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka si loogu xareeyo xarunta dhexe ee kaydka dawooyinka dalka, iyada oo labada dhinac u ballameen in la sameeyo munaasibad ay si rasmi ah Wasaaradda Caafimaadku ugagala wareegayso madaxda xisbiga, taas oo la qorsheeyey in shalay lagu qabto xarunta dhexe ee kaydka dawooyinka ee magaalada Hargeysa, balse baaqatay kadib markii Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe Maxamed ka cudurdaartay.

Kadib markii ay baaqatay xafladdii loo ballansanaa in shalay Wasaaradd Caafimaadku si rasmi ah ugala wareegto madaxda xisbiga KULMIYE kadib, ayaa shir-jaraa’id oo Axmed-Siilaanyo iyo xubno ka mid ah madaxda sare ee xisbigiisu ku qabteen xarunta kaydka dawooyinka ee Hargeysa waxa uu ku sheegay in 10 daqiiqo ka hor waqtigii ballanta la kala wareegista daawooyinka uu Wasiirka Caafimaadku kula soo xidhiidhay telefoon, isla markaana ku wargeliyey in aannu iman karayn xafladdii ay u ballansanaayeen, kadib markii Madaxweynuhu ku wargeliyey in aannu tegin goobtaa.

“Waxaannu ku ballansanayn in saaka [shalay subax] aannu halkan [xarunka Kaydka Dawooyinka] Wasiirka Caafimaadka isugu nimaadno. Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego war cajaa’ib ah oo qaadan waa ah, anigoo aad iyo aad uga xun halkii aannu ka ballansanayn in daawada aannu la kala wareegno ayuu goor malaha 10 daqiiqo ka hadhsanayd waqtigii ballanta uu Wasiirka Caafimaadku na soo wacay oo waan ka xumahay buu yidhi, Axmedoow kuu iman kari maayo, aad baan uga xumahay oo Madaxweynihii baa amar isiiyey oo toos iila soo hadlay oo igu yidhi;

‘Hatagin halkaa, hana la wareegin daawadaa waad haysataa oo istoodhkay kuugu jirtaa, markaa in KULMIYAA keenay la yidhaahdo looma baahna, mar haddii bahashii istoodhka innoogu jirto faraha ka qaad, waxaan ku idhi Cabdi Hayboow waxyaabaha qaarkood in aan loo xil qarain, haddaan ogaaday wixii Agaasimaha Guud haystayna miiskiinkii aannu ballanay ee axdiga aannu ku kala tagnay haddaan ogaanay arrinta ninka amarka tooska ah bixiyey, maantana ballankii in uu baaqo keenay waa Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha dalka weeye daawada la keenay ee uu ka ba’ayo in ummadda iyo shacbigu ogaadaaan in daawadan taageerayaasha KULMIYE keeneen oo aannu dawladdii ku wareejinay intaasuu ka ba’ayaa oo Agaasimaha Guud u wacayaa oo uu Wasiirka u wacayaa,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo sheegay arrin aannu filayn oo fajiciso ku noqotay uu kala kulmay Wasiirka Caafimaadka Caafimaadka Somaliland.

“Waxaannu doonaynaa in ummadda Somaliland ogaadaan in daawada KULMIYE keenay shacbigana u keenay oo ay hoolka Wasaaradda Caafimaadka taal oo ilaa Ceerigaabo ilaa Saylac u keenay qaar kalena way soo socdaan waliba, arrintaa ayaan doonayaa in aan shacbiiga u sheego, ninka ka ba’aya ee intaa u quudhi waayey in xisbiga KULMIYE keenayna wa Madaxweynaha ee hala ogaado.”

Guddoomiyaha KULMIYE oo faahfaahin ka bixinayey marxaladihii ay soo martay daawada taageerayaasha xisbigoodu ugu deeqeen cusbitaallada Somaliland iyo sidii ay dalka ku soo gaadhay waxa uu yidhi:

“Waxaan doonayaa in aan ummaddu uga waramo arrin ku saabsan daawooyin aad u qiimo badan oo wanaagsan oo America xisbigu ugu keenay dadweynaha reer Somaliland oo ku xeraysan maanta istoodhka dhexe ee wasaaradda caafimaadka in aannu xaaladeeda iyo sheekadadeeda ugu sheekayno ayaan doonayaa maanta, saacadan aynu taaganahay [shalay subax] halkan waxaannu ku ballansanayn oo saxaafadda kula ballansanayn in aannu si muuqata ula kala wareegno daawada wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe, daawadanina waxay dalka timi bishan 3-deedii, 4-teediina waxa lagu soo wareejiyey istoodhkan, maantana [shalay] waxay ahayd in aannu si rasmi ah ula kala wareegno Wasiirka Caafimaadka.

Daawadan oo ay soo direen taageerayasha xisbiga KULMIYE ee jooga America waa daawo aad u fiican oo aad malayn karayso daawada Maraykanka lagu sameeyaa nooca iyo qiimaha iyo sida ay tahay muddo badanna waa daawo laga shaqaynayey iyo qalab aad u fiican ayaa isaguna istoodhkan Wasaaradda Caafimaadka ku jira.

Alaabtaas markii ay timiba waxaannu ku dhawaaqnay in daawadaas dalka timi oo warsaxaafadeed baannu ku shaacinay, kaas oo aannu ugu mahadnaqnay Wasaaradda Maaliyadda iyo Caafimaadkaba qabanqaabadii iyo cashuur-dhaafkii ay noo sameeyeen si aannu daawadan dalka ku soo galino.

Madax sarsare oo ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo uu horkacayo Agaasimaha Guud ayaa xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE noogu yimi, si fiican baannu u wada hadalnay, waxaannu u sheegnay in daawadan xisbiga KULMIYE u keenay dadka reer Somaliland oo noolkii ilaa Maraykanka lagaga keenay aannu bixinay, waxaannu doonaynaa in loo qaybiyo dadka reer Somaliland ee lixda gobol ee dalka. Waxaannu ku nidhi, idinka ayaa dawladdii ah oo og gobol walba daawooyinka looga baahan yahay iyo cusbitaallada waaweyn ee dawladdu leedahay ee dadka shacbiga ah ee badani isticmaalo. Markaa in aannu dawladda ku wareejino ayaannu goosanayn si wanaagsan baanuna isula afgaranay.”

Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay in heshiiska ay wada gaadheen iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka ee ahaa in dawada xisbiga KULMIYE u keenay ummadda reer Somaliland, dawladdana lagu wareejiyo ay maalmihii dambe maqleen masuuliyiintii Wasaaradda
Caafimaadka ee heshiiska KULMIYE wada galeen oo Agaasimaha Guud ugu horreeyoo, kuwaas oo ku dhawaaqay, “Daawo la dhacay oo boolisku qabtay oo KULMIYE duwaday.” Waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE tilmaamay in aanay Agaasimaha Guud ka filayn in uu ku dhawaaqo erayada noocaas ah, maadaama xisbiga KULMIYE lahaa oo loogu talogalay ummadda reer Somaliland, isaga oo arrintaa sharraxayeyna waxa uu yidhi; “Yaabaa Illaahay noo keenay oo waxaannu nidhi waar ninkii dhammaa ee Agaasimaha Guud ahaa ee aad heshiiska wada gasheen ee wax isla meel dhigteen maxaa mar qudha markii uu idinka noqday beddelay ee saxaafaddii galiyey alaabtian tuugo ayey ahayd oo waa la qabtay annaga oo la yaaban ayaanu nidhi bal ha degdeginee Wasiirka Caafimaadka u taga annaguna aaminaad baannu alaabta ugu wareejinay annaga oo aan waxba kala saxeexan, waayo ballankaa ahaa in shirka jaraa’id [xafladda xil wareejinta] halkan lagu wada qabto.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in markii ay Wasiirka Caafimaadka u tageen ee ay arrintii uga sheekeeyeen uu aad ula yaabay wararka sheegaya in dawo la dhacay la qabtay, isaga oo ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE dawada ay ummadda u keeneen, una ballanqaaday in xaflad ballaadhan lagala wareeji doono daawada iyada oo loo qaybin doon sida xisbiga KULMIYE rabo in loo qaybiyo.

Eng. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo isna halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sababihiii dhaliyey in jaaliyada xisbiga KULMIYE daawadan keenaan iyo noocyada ay ka kooban tahayba, waxaannu sheegay in markii taageerayaashu mucaawimada helaan ee gacanta ku dhigeen ay la soo xidhiidheen xisbiga KULMIYE, waxayna sheegeen in ay hayaan koontiinar 4 fuudh ah oo daawooyin, qalabkii naafadda,

qalabkii dhakhtarada ee lagaga shaqaynayey tiyaatarrada qalliinka shaybaadho, sariirihii umulisooyinka iyo waxyaabo kale oo aad u qaali ah, waxaannu intaa raaciyey in KULMIYE ahaan heer qaran iyo heer gobolba ay ka hawlgaleen sidii loo diyaarin lahaa kharashkii daawadan dalka lagu soo gaadhsiin lahaa, isaga oo xusay in daawadani dalka ku soo gaadhay $15,000, taas oo uu xisbiga KULMIYE bixiyey oo habayaraatee aanay wax kootaro baan ah ahayn oo xisbi qaran lagu soo hagaajiyey.

Waxaannu Eng. Saylici xusay in tallaabadan ay xukuumaddu ka qaaday daawada KULMIYE ummadda ugu deeqay muusinayso digtaatoorinimo iyo wixii ummaddani ka soo dagaalantay.

“Waxa maanta dalka ka muuqata wixii laga soo dagaalamay iyo digtaatoorinimo is dheelitirkii iyo isku xidhnaantii ummadda ayaana la diidan yahay, dal nin kali ahi ka talinay weeye, KULMIYE-na waa xisbig qaran in uu magaciisa wax ku qaysado wax u diidayaa ma jiraan, sharci buuna u leeyahay, islaanyaro oo NGO wadata baa halkaa timaada oo saxaafad loo qabtaa laga wareegaa, markaa waxay dhimayso wixii KULMIYE bixiyo ee lo diidayo annagu garan mayno, markaa waxaannu leenahay arrintaas waa mid uu Madaxweynuhu ku khaldan yahay cid kalena lama wadaagto waanna magac diid uu magaca KULMIYE diidan yahay,” ayuu yidhi Eng. Saylici.

Sidoo kale waxa isaguna hadal kooban ka jeediyey Dr. Axmed Xaashi Oday oo isagu xisbiga KULMIYE wakiil uga ahaa qaybinta iyo la socodka daawadan, ayaa sheegay in daawadan dalka markii ay timi isaga loo gacan galiyey, isla markaana bakhaar ku xareeyey, kaas oo markii dambena ay Wasaaradda Caafimaadku kala wareegtay si lixda gobol iyo degmada Gabiley loogu qaybiyo, iyada oo ay baahidooda wasaaraddu eegayso, daawadana markii ay dalka timi waxa lagu qoray jaraa’idka wax la qarinayana may ahayn.”

Waxaannu intaa Dr. Oday intaa ku daray oo yidhi; “Waxaan u sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ku heshiiyeen saddex qodob oo ahaa in ay xaflad nagala wareegaan, daawadu siday u dhantahay in la geeyo xarunta kaydinta daawada ee Wasaaradda Caafimaadka iyo inay gobol walba iyagu u qaybiyaan, KULMIYE-na ku dabagalo arrintaa, sidaas ayaana Wasaaradda Caafimaadka daawadii loogu soo wareejiyey.

Waxaannu sheegay Dr. Oday in sababta daawadan u diiday xukuumaddu inay kala wareegto KULMIYE ay tahay iyadoo magaca u diidan xisbiga. “Sababtu waxa weeyaan waxay xukuumaddu diidan tahay sumcada KULMIYE, Illaahay baana KULMIYE sumcadda u haya oo Ina Rayaale iyo daawanadan midna uma haysto, qodobka labaad waxa ku yaal daawada beelaha Maxamed Case, beelaha Maxaxmed Casena qolyihiina jaraa’idku waad la socotaan halkay taagan yihiin, sidee bayna beelaha Maxamed Case sumcad u yeesheen iyaga oo aan na soo marin annaga oo madaxdii ah, waayo Anwar [Agaasimaha Guud ee Caafimaadka] wuu nala ballamay wuu is beddelay, Wasiirka Caafimaadku wuu nala ballamay wuu is beddelay.

Iminka waxaannu sugaynaa Ina Rayaale oo nala ballama oo isna is beddela, oo waxay yidhaahdeen qoladani Ina Rayaale ayaa wax noosheegaya tolow isagu markuu isbeddelo yuu odhan doonaa wax bay ii sheegeen? Saxaafadda ayaana baadhi doonta cidda wax u sheegta anigu garan maayee, daawadana qiimaheedu waxa weeye $270,000 dollar, KULMIYE ahaana waxa nagaga baxay 15,000 dollar oo nooli ah. Haddaba, dawladda daawadan ay xaraysatay maxaa kaga baxay? Daawadana maadaama hadday istoodhka soo gashay aan la garanayn cid keentay in cid laga wareegay midna, halkaa waxa soo galaysa musuqmaasuq oo laga wado waxan in sidii doono loo galo,” ayuu yidhi Dr. Axmed Xaashi Oday.

Haseyeeshee, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymaha uu u soo jeediyeen Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, kuwaas oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, isla markaana wixii daawooyin ah ee dalka yimaad ay masuul ka tahay Wasaaradda Caafimaadku.

“Daawadaa aad ka hadlayso wasaaraddu hore ayey ula wareegtay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa cashuur-dhaaf u samaysay, wixii wasaaraddu cashuur-dhaaf u samaysana wasaaradda ayaa la wareegta, wixii daawo ku saabsan annagaa gaadhsiina gobollada qaybinana, siday tahayna annagaa ugu qaybina, wax xisbi leeyahayna ma ahayn ee waxay ahayd wax qurbo-jooggu soo direen, arrintaa [amar Madaxweynuhu ugu diiday inuu tago wareejinta daawooyinka] wax ka jiraana ma jiraan.” Sidaa waxa yidhi Md. Cabdi Haybe oo isna shalay saxaafaddu wax ka weydiiyeen eedaymaha uu xisbiga KULMIYE u soo jeediyey iyo sababta ay KULMIYE oo xisbi qaran ah ugala wareegi waayeen daawooyinka taageerayaashooda Maraykanku soo direen.
Waxa kale oo Wasiirka Caafimaadku ganafka ku dhuftay in Madaxweynuhu ku amray inaannu tegin wax xaflad ah oo xukuumaddu daawooyin kalagala wareegayso xisbiga KULMIYE.

Source: Jamhuriya

10 Wajiilaha Ahmed Sh. Faarax - By Rashid Bakal

Waxaan dhamaan dadwaynaha ama akhristayaasha ku salaamayaa salaanta muslinka salaamu calaykum.

Waxaa baryahan danbe ba ka socdoy wadanka north America lacag ururin loo ururinaayey, dadkii ilaaheey dhibaatada uu ku keenay. Hadaba waxaa jira dad marka dadkeena dhibaataysan waxa looqabanyo ama horimarin laga sheekaynayo gobalka dhex dhiga shiki iyo been abuur ay leeyihiin dad gaaraa waxan wata ooka faa’idaysanaya ee lacagihiina ha iska bixinina.

dadkaa waxaa kamid ah aabana u ah Ahmed Sh. Faarax. waayo waxaana articalkan aan usoo qoray, markii aniga oo ku nool magaalada ottawa ee Canada uu iila yimid uuyiri lacagihiinii aad dirteen, ragbaa ku magacdoontay (ILAA HOWNA BADBAADI)

hada waa dhibaatada dhacday maanta ee dadkeenii ku dhacday ayuu ka fikirayaa waxan oo kale.Anaguna kama aanan aqbalin ee waan dirnay lacagihii waanan gaarsiinay boorame.

mida kale waxaa habsaanka ka dhigay dadkeenii kale ee reer awdal ee lacaga uririnaayey,waa axmed sh.faarax,oo dadkii lawadahadley,ee isaga la caqli ahaa shiki buuna galiyey.mida kale lacagii waagii aan rabnay inaan u ururino garoonkii boorame isagaa baa'biiyey markaa walaalayaal waxaan idinka codsanayaa anigoo aanaan is qarinayn magacaygana aan badalayn waayo WAXAAN SIDAA U LEEHAY ISAGAA MAGACA BADALA,MARNA SHEEGTA GABAR MARNA SHEEGTA NINKALE.

magacaygana la yiraahdo RASHID ABDI BAKAL. waxaan rabaa inaan u ducayno walaalkeen axmed sh.faarax oon aan ilaahay aan ubarino inuu qalbigiisa nadiif ka dhigo waayo waanin tolkeena waana iskuwada baahanayay.

Salaamu Calaykum

Thursday, February 14, 2008

xuska maalinta jacaylka aduunka(kudayasho indhala)


Waxa aad looga murugooda ah inay maanta dadkii ku abtirsanayay diinta islaamku kala garanwayaan maxad leedahay iyo maxaanad lahayn maxaa sharciya iyo maxaa xaaraana waxaad moodaaa inay isku soohadheen ciilkama kore iyo calooshii laciyaar Maanta oo ay tahay bisha feberoury 14 waxaa looyaqaanaa inay tahay maalinta jacaylka aduuna dadka isjecelna ay caadaysteen inay maalintaa siiyaan ahmiyad ugara jacaylkooda sanad guure uga dhigaan


waxaad arkaysaa maalintaas inay cirka isku shareeraan ubaxyada xanjooyinka wadnaha kasamaysan love ka iyo waxyaaba badan oo astaan u,ah jacaylka waxaana dhacda mararka qaarkood inay dad dhan oo magac kuleh aduunka;


maalinkaas is guursadaan si,ay uga dhigaan astaanta guurkooda maalinka jacaylka hadaba akhriste inyar ii ogolow inaaan kuwaydiiyo dhawr su,aalood ,,,,,malinta jacaylku halkay katimid ? Inkasta oo ayjiraan fikrada kala duwan oo laga qabo halka ay katimiday hadana waxaa la,isku waafaqsanyahay inay kusoo wada biya shubmayaan inay tahay maalin loogu magac daray qofmartabad kuleh diinta kiristaanka ,,, tusaale ahaan waxaa layidhaahdaa ,maalintani waxay ahayd maalintii ladaldalay.


wadaadkii kiristaanka ahaa ee la'odhanjiray (saint valentine) wadaadkan sida ay sheeganayaan waxaa lagu dilay arin ahayd waqtigaas boqorkii maamulayay dalkaasi talyaaniga oo mamnuucay inaan la isguursado ,,ayuu wadaadkan iyo wadaad kale oo ay saaxiib ahaayeen ayaa waxay kukaceen inay isku dhisaan dadka,, jabiyaana xeerkii uu udhigay boqorku dabadeedna boqorkii wuxuu maqlay warkii sidii ayaana lagu daldalay labadii wadaadba ,,taasi waa mid waxaa kaloo layidhaahdaaa malinta jacaylku waxay kabilaabantay magaalda roma waxaana looguna magacdaray boqorad la.odhanjiray (juno).


Su,aaal,,maxaa inoogu wacan inaan ciida gaalada si,indhala ula xusno teenana lagu tilmaamo inay tahay xadgudub wayn ?Waxaan cidina daah kasaaranayn inay gaaladu aaminsantahay ciida carafo ee u,ah dadka muslimiinta farxada ugu wayn inay tahay maalin lagu xadgudbay xuquuqda xoolaha waanad wada aragtaan oo maaha waxqarsoon dhamaan idaacadaha aduunka waalaga sheegaa ,ma arkaysid xataa iyaga oo shaqooyinkooda kafadhiya ,,maxaa inoogu wacan inaan noqono dadbilaa damiira oo hadii daasad latumaba daba joogo wallaaaaaahi waa wax laga xishoodo Jacaylka ay inala rabaan waa noocma?


Waxa ay inala rabaan mushrikiintu maaha jacayl sharciya ee waxay doonayaan jacayl banayna galmood ,,taasina waxay noqotay mid iyaga laftoodu kuguuldaraysteen oo hada magac uun kasoo hadhay Marlaga sameeyay dalka maraykanka daraasad ayaa waxa la,ogaaday dadka uu hayo cudurka nafsigu ,,inuu yahay haween ay ragoodu jidh dil kusameeyeen Dadbadan ayaa waxaa iimuuqata inay ufahmi doonaan inay diinta islaamku diidayso jacaylka taasina waa been diinta islaamku jacayl inuu jiro kama soohorjeedo laakiin waxay inoo ogoshahay jacayl gogoldhig u ah guur sharciya inta badana mar daraasad lasameeyay jacaylka guulaysta maaha jacaylka lasheekaysto sanadaha badan waxaana laxaqiijiyaya sheekada dheeree kahoraysay guurku inay boqolkiiba 80 fashiliso guurka.


Waxaa ugu wanaagsan oo laxaqiijiyay inaa guul laga gaadhi karo waxa weeyi jacaylka lagala hadlo hooyada iyo gabadha larabo la,iskuna dayo inaan loodejiyo fikrad ah guur degdega sheekaduna ahaado midlagaga tashanayo guur ee ayna ahaanin kolba daasadii latumo daba joogso gabdhiina waqtiga kaga ciyaar kasi maahin jacayl saxa ee waa saqajaan


c/fataax daahir cige



Cairo, EGYPT