Sunday, February 17, 2008

Madaxweyne Rayaale Oo Galabta U Dhoofay Addis Ababa, Ugana Sii Gudbaya Waddamo Kale Oo Aan La Ogeyn

Hargeysa-(SP) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isaga oo u kicitimay Xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, Madaxweyne Riyaale oo intii aanu ka ambabixin dalka, Qasriga Madaxtooyada kula hadlay weriyayaasha wuu diidey inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo socdaalkiisa, waxana uu sheegay keliya inuu tegayo Addis Ababa iyo meelo kale uu sheegay inuu uga sii gudbayo. “Horta caadada noqotay marka la baxayona in la sii warramo, marka la soo noqdona la warramo maanta ayaan ku soo xidhayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

“Wixii dambe Press release [Warsaxaafadeed] bay noqon doontaa Afhayeenka uun uu bixiyo, waayo, caado uma aha adduunka madaxda in markasta la waraysto,” ayuu raaciyey. Hase yeeshee, waxa uu sheegay inuu ka warramayo falkii afduubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sanaag ee lagu afduubay ninka Jarmalka ah ee madaxda ka ah hay’adda German Agro Action, falkaas oo uu ku tilmaamay fal argagixiso oo lagu manjaxaabinayo Somaliland, si gaar ahna loola beegsanayo dhaqdhaqaaqyadiisa dibadda.

Waxana uu hambalyo u diray ciidanka qaranka iyo shacbiga Gobolka Sanaag sida ay uga hawlgaleen, uguna guuleysteen. “Waxaana muuqata, wararka ugu horreeya ee hordhaca ah ee aanu hayno Gugux meel la yidhaahdo oo maamulkaa Boosaaso [Puntland] ka tirsan in laga soo abaabuley,” ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.

“Laakiin, Argagixisadii waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada Argagixiso uun, meel kastana way joogaan, kuwo inaga [Somaliland] ahina way ku jiraan,” ayuu raaciyey Madaxweyne Riyaale. Waxana uu shacbiga ugu baaqay inay ka feejignaadaan, indhahana furan. Madaxweyne Riyaale, waxa uu ku tilmaamay falalka argagixiso kuwo bartilmaameedkoodu yahay qaddiyadda Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada dibadda ee xukuumaddiisu samayso.

“Waxaan xasuustaa berigii aan Ingiriiska tegaayey 2004tii, markaan Addis Ababa marayo ayaa qabuurihii Ingiriiska la jejebiyey, maalintii Baarlamaanka Ingiriiska aan tegaayeyna GTZ-ka qoladoodii maalintii la afduubay bay ahayd,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey, “Shalayna waxa inoo yimi madax kaloo caalamka ah baa inoo timid. Taasi waxay sheegaysaa markasti oo wax wanaagsani inoo soo socdaanba inay qaar argagixiso ah oo u shaqeeya dad aynaan inagu garanayn oo danaheenna ka soo horjeedaa inay mujtamaceenna ku dhex jiraan baa muuqanaysa”.

Ma cadda dadka uu Madaxweyne Riyaale u duurxulayo, hase yeeshee, waxa uu muujiyey in xukuumaddu doonayso falalka noocan ah inay uga faa’iideysato si siyaasi ah, uuna ka dhigayo kuwo lagu xaasidayo ama lagu minja-xaabinayo dedaalkiisa iyo guulihiisa. Waxayna dad badani ka werwersan yihiin, shakina ka qabaan falalkan argagixiso oo dalka ka bilaabmay, wax yar kadib markii uu xilka kala wareegey Madaxweyne Riyaale madaxweynihii hore ee Geeryoodey Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Dhinaca kale, socdaalka Madaxweyne Riyaale oo aan la ogeyn cid ku wehelisa iyo meelaha uu u sii dhaafayo Addis Ababa ayaa warar kala duwani ka soo baxayaan. Wararka qaar waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale uu u sii dhaafayo Addis Ababa dhinaca Boqortooyada Sucuudiga, halka warar kalena sheegayaan inuu tegayo Imaaraadka Carabta oo ay wararka qaar sheegayaan in Xaaskiisu kaga sii horrayso, xogo kalena tilmaamayaan inuu kula ballansan yahay shirkado uu heshiis dhinaca shidaalka ah la galay.

Xigasho:Somaliland.org

No comments: