Showing posts with label Opinion. Show all posts
Showing posts with label Opinion. Show all posts

Thursday, February 21, 2008

Rashid Bakaalow Malaha Qof kalaad Igu Qaldaysaa.

Waxaan akhriyey maqaal uu cinwaankiisu ahaa “Ducadii Axmed Sh.Faarax lama aqbalin” oo uu ku saxeexnaa Rashiid Bakaal.Maqaalkaasoo aad iidhibay rashiid wuxu ku sheegay inaan kasoo horjeedo gargaarka loo ururinayo dadkii ku caydhoobay masiibadii dhawaanta ka dhacday gobolka iyo gudigii isku xilqaamayba.Laakiin haddii uu rashiid akhriyi lahaa qoraaladayda aan kaga hadlayo dhibta dadkeennii ku dhacday iyo sida ay gurmad ugu baahanyihiin iyo waliba sida aan ugu hawlanahay arintaa lafteeda,malaha waxa loo sheegay ama uu akhriyeyba wuu iska hubin lahaa. Waa qalin iyo xeerkii oo mar marbuu ku xadaa.

Balse ceytami maayo,cadhoonmaayo,ku habaari maayo,kuuna hanjabi maayo si hilan uunbaan kuula hadli.Waxan kuleehay Walaal iska hubso malaha qofkalaad igu qaldaysaaye. Anigu ma qorin article waxaa ka hadlaya,kamana hadal arinta aad sheegayso.Waxan filayaa way ku khaldeen oo telefoonbay wax kuugu sheegeen.Waayo hadii aad akhriday article-ka aad ka hadlayso cidda ku saxeexanbaad arki lahayd,waa haddii uu jiro.Mise midbaa isu key ekeysiiyey toloow. Saban waliba waxbuu caan ku yahay sabankanna waxa fududaaday sida wax loo qoro iyo in waliba qofku fikirkiisa dadweynaha usoo bandhigo.Laakiin waxa fiican in qalinka si quruxbadan loo adeegsado oo waxa maskaxdaada kasoo maaxanayaa uu noqdo wax aan umadda dhibin oon fidmo dhexdhigin.

Waxan uga socdaa Waayadan danbe markii qoraalkii fududaaday maamulayaashii mareeguhuna xil iska saari waayeen inay qofka wax usoo qorey xaqiijiyaan,waxa soo baxay dad Aaladda internetka si xun u isticmaala oo intay magac bug ah qaataan bulshada kala dila.Rashiidow malaha midbaa Emailkeygii iyo isamkeygii koobiyeystay oo isu key ekeysiiyey sidii maskax geel kala baxda. Bulshada sharafta leh iyo akhristayaashaba waxan halkan ugu caddaynayaa article-ka uu Rashiid sheegayo hadduu jiro inaanan anigu qorin.(waan raadiyey laakiin waayey meel uu ku qoranyahay). Tafatirayaasha shabakadaha waxan kula talinlahaa laba arimood.

Tan koobaad:Marka hore qofka qoraalkiisa inaad tafatirtaan oo wixii umadda dhibaya aad ka reebtaan, haddii meel laqaato uunan lahayna aad iska tuurtaan. Tan labaad:Dadka wax idiin soo qora inaad iska hubisaan inay yihiin dad jira iyo inkale.waxa jira dad fidmo wadayaal ah oo kolba shaadh soo xidha oon isa soo caddayn karin.waa fule aan soo badheedhi karin oo magac beena wata.Waa virus.Laakiin si fudud baad ku ogaan kartaan,meesha uu joogo iyo qofka uu yahayba. Halkan ka akhri maqaalka uu qoray rashiid bakaal ee sida hubsiimo la’aanta ah uu dhiidhida iigu dhextuuray.
http://lughaya.com/lug/?p=377
Jawhar Cabdisamad Qalinle
korwaayeel@hotmail.com

Wednesday, February 20, 2008

Laabi Laba Ula

salaamu calaykum dhamaantiinba marka hore waxaan arkay wax iga yaabiyaay anaan rabo inaan kadhiibto jawaabteeda walaalayaal saxaafadu sidaa maaha ee waasidaa?

saxaafadu waxay leedahay hanaan iyo sifo gaara oo loo dhigo xigashadeeda ama hanaankeeda qoraal ahaaneed ama akhris ahaaneedba hadaba in waxla qoraa way haboon tahay lakiin waxa fiican in lafahmo sidii wax loo qoraayaay iyo hanankeedii hadii ay qalinka iyo warqadu soo galo shaqsi iyo xumaan waxaa halaabaya habkii waxloo qoraayaay ama wax laysugu sheegaayaay

waxaan walaalayaal idika waaninaayaa inaad marka hore barataan sida wax loo qoro ama qorka loogu jawaabo lakiin waxaa yimiday nacab iyo ncaybsho baladhan oo dhinac walaba yeeshay iyo in cid walaba ay wa sooqorto iyada oo aan laga fiirsan wixii afkiinaskoo baxyay website yada dadka kale lee yihiin waxaad ku arkaysaa afsomali hufan oo wax laysugu sheego aanad akhriyi karto lakiin dad waxaa jira wax walba qoraaya oo moodaaya in waxan uu qorayaa meel ku eg yahay waayo waxa galaaya dadka oo dhan halkaasana waxaa ka imaanaysa burbur balaadhan

hadaba markaad wax sheegaysaan iska dhaafa shaqisyadka aad siigalaysaan naftiisa iyo beelahan aad sheeganaysaan somalida kale idinlama wadaagto waxaan rer borame ahayn ayaa lagu yaqaan shaqsi weerarka iyo beel wweerarka markaa website yada

qaarkood waxaad u samaysateen beel in lagu caayo ama dad gaara lagu aflagaadeeyo hadii aan ka hadlo maqaalkii uu qoray rashiid bakaal iyo ninka layiraahdo iyo ninka kale ee layiraahdo rashiid bakaal oo iyagu keenay aflaagado shaqsi waxaan leehay sidaa waxlaguma sheegee waa walaalayaal kdaaya oo u dhiga sida fiican ee qofka waxloogu sheego waayo tani waxay katurjumaysaa kaliya ducfiga aad qabtaan kalidiin lakiin inta kale idinlama wadaagto umaduna waa walaalo hana ku beerina dad wanaagsan xumaan ayna aqoon waxana diiin fiican inaad bahisaan oo aad sheegtaa tariikhda wanaagsan iyo horumarka fiican ee bulshada wax u tara lama huraana waa caws jiilaal.

Mohamed Cali
cwcarab@hotmail.com

Ducadaii Axmed Sh. Faarax Lama aqbalin

Waxaan idinku salaamayaa salaanta muslinka; salaamu calaykum waraxmatulaah wabarakaatu. walaalayaal anigu wax ma sooqoro laakiin waxaa igu kalifay inaan soo qoro articalkan waad wada garanaysaan.walalayaal baryahan danbe waxaa la ururinaayey lacago dadkeenii dhibaatadu ay ku dhacday loo ururinaayey waxaa baryahandanbe axmed sh.faarax uu wado qofkastoo caqlileh wuu garanayaa waayo walalayaal arinkan maanta jiraa maaha siyaasad ama lama dooranayo xisbi.

waxa lagu wareeray gudidan ama axmed sh.faarax uu ku wareeray ragan gudidaa iyaa soo doortay. axmadoow walaal adiga iyo reer menasota wixii idin dhexmaray habar samaroon oodhani way ogyihiin; laakiin walaalkayoow arinkani waa arin dad dhibaataysan wax loogu qonayo. Dadkan loosoo magacaabayna waan ku kalsoonahay oo waxaa ku jira sheekheenii Xasan Daheeye.

walaallayaal axmed sh.faarax ducadii aan u ducaynay waxaan u malaynayaa, inaan la aqbalin; waayo wali wuu ka soo horjeedaa lacagahaa dadka masaakiinta loo dirayo wakaa kolna mid difaacaayo JAWHARNA leh lacagihii halkee lageeyey.

JAWHAROOW AMA KORWAAYEELOW inaadeer lacagihii anaa kuu sheegaya halka lageeyey.
lacaguhu maaha $20,000.00 AAD SHEEGTAY lacaguhu waxay gaadhilahaayeen $100,000.00 uguyaraan MAGACA EEBAAN KU DHAARTAY WALAAHI AXMED SH.FAARAX HALWAYDIIYO.

Waayo waxaan sidaa uleehay wali adiguna waxaad ku hadlaysaa afkiisii gudidan iyaa doortay ama lacagahii halkee lageeyey. Qalinloow waxaasoo kale lama soo qoro waxaanad isku sheegaysaa inaad tahay nin saxaafadaa ka war haya ama suxufiya.

axmed sh.faarax waa ninka iska leh horawo.com isagaa dadkeenii lawada hadlay oo wax kale ka dhaadhiciyey sidaas awgeed ayey lacagihii awda (joojida) hayaan.

WAXA KALE OON U SHEEGILAHAA DADWAYNAHA REER AWDAL EE KU NOOL NORTH AMERICA WALALAYAAL WAA DADKIINII WAXAN DHIBAATADU KU DHACDAY USOODIRA LACAGA WALALAYAL WAA SADAQO WAXBA HA MAQLINA AXMED SH.FAARAX

Dadkeenii kale ee ku noolaa yurub waxa ku dhacay magaranayo ee ka soo qaybgala walaalayaal.
salaamu calaykum

Rashid Bakal
isakbakal@hotmail.com

Tuesday, February 19, 2008

Eng. Shimbirna, Ma Been Baad Ka Sheegteen?

Eng. Shimbirna, Ma Been Baad Ka Sheegteen?.
Waxaynu aad iyo aad uga xumaannay wareysi Shabakada SaylacNews la yeelatay Col Eng Cumar Cabdilaahi Hande, oo ku magac dheer Cumar Shimbir. Waxa aynu ka xumaanayna ma aha Shabakada Saylac.com laftaarkeeda oo waraysatay Eng Shibmir, oo taasi waa wax lagu farxee ma aha wax laga xumaado, Hambaylo iyo bogaadin ayayna nagu leeyihiin inay runta u dagaagaan.

Hase yeeshee Cumar Shimbir waa halyeey Soomaaliyeed iyo halyeey reer Awdala oo guud, sida aynu ku wada naqaanno. Waxanan aad uga xumahay inaan maanta uun kusoo baraarugay in meelo wax lagu qoray lagu eedaynayo Eng Shimbir. Nasiib darro meesha waxaasi ku qoran yahay wali ma galin ama mana akhrisan, oo wakhti badan ma haysan maalmahan.

Kuwa wajiyada badan ayaas kolleyba waxba ka xishoon oo ay ka suurtoowdaa inay iyagoo wajigoda qarinaya meelahaas dadka ku af-lagaadeeyaan. Kuwaasina sida Engineer Shimbir u saamixin IF iyo AAkhiraba, ilaa iyo ay isa soo caddeeyaan, ayay anagana naga yihiin, oo saamixi mayno.

Fadeexaddan ku lug leh daawooyinka ee lagu kala eedeeyay labada Engineer ee kala ah Shimbir iyo Saylici, waa fadeexad aad u fogaatay una baahan in si deg-deg ah loo soo af jaro. Beelaha Maxadcase ayay dul saaran tahay, beelaha kalana waajibkoodu waa inay beeshaas ka sugaan warbaxin rasmi ah, ee ma aha inay ka faa’iidaystaan, oo taasi waa foolxumo labaad, kuna wada fidi doonta Samarroon.

Dawooyinka waxa laga soo diray ayaa nagu maqaalo ah, dalka USA, waliba dadka qaarkoodna waxay tuhmayaan Canadana inay qayb ku leedahay. Hase yeeshee magac ku qornayd ma jirin oo taasi hadday dhici lahayd, fadeexadanu sidan imikana uma fogaateedn. Cumar Shimbir ayaa been laga sheegay, oo hadana Saylici ayaa been laga sheegay. Kuwa warxumo tashiilka wadina halkaas ku joogsan maayaan, malaha inkaarina ma qabato. Labo arrimmood ayaan idiin soo jeedinaynaa inaad yeeshiin:

(1) Beelaha Maxamad Case.
Midda koowaad waxay u taallaa beelaha Maxamad Case, inay iyagu shir dhexdooda ah qaataan, soona saaraan warxbixin lagu caddaynayo cidii ka danbeysay fadeexada dawooyinka. Ilaa iyo inta ay shirkaasi qaadanayaana, ee wakhtigu u saamaxayana aanay hadal danbe ka soo saarin arrintan iyada ah. Dadka fadeexadeeyay Shimbir iyo Saylicina, si wada jir ah loo baadho, badkana loo soo dhigo.

(2). Beelaha Kale ee Samarroon.
Tolnimada guud iyo gobnimadu ma aha in marka tolkaa iyagu dhexdooda wax yar oo dhibaato ah isku keenaan ama isku geystaan, in laga faa’iidaysto, oo kolba sidii la rabo loo jiido. Baaqan aynu usoo jeedinayno beelaha kale ee bulsho weynta Samarroon wuxu yahay. In ilaa iyo inta Maxamad case ad ka helaysiin warbixin danbe, ad sheekada halkaas ku dhaaftiin. Kuwa idinku jira ee an ka soo jeedin beelaha Maxamadcasana ee been abuurka wadana ad soo qabatiin ama ad naga aamusiisiin.

Wa-Bilaahi Tawfiiq.

HiilDan
hiildan@yahoo.com

Monday, February 18, 2008

Jawhar iyo Jiinlow oo ay ka dhex muuqato farshaxankii oday biiqay

Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Nin wayn waxa ku haboon iinuu uu yeesho meel loogu soo hagaago. Markii jawhar uu lacagta ka urursanaayey bulsho waynta reer awdal wuxuu matali jiray in uu yahay qof caafimaad qaba.

Waxasa cadaatay in uu waabayda isaga laftiisu qaybiyo isagoo isticmaalaya shabakada ku can baxday been abuurka iyo kala dilka sokeeyaha ee harowo. Maalinba magac cusub ayaa nagu soo kordha oo farshaxan la galiyey. Laakiin jawharow waxaad wadkaagii u yeedhatay markaad afkaa hilibka bakhtiga Scandanivianka ku cunaysay aad ku taagtay Col. Omar Abdilahi Hande (Shinbir). Marka hore maxaad ka taqaanaa Col. Hande markaa aad leedahay waxa arinta deeqda xisbiga kulmiye ka danbeeyey nin usoo sheeqayey maamulo hore oo la yidhaah shinbir. Waxa nasiib daro ah in aad si xun u isticmaalaysid warbaahinta in badan oo inaga mid ah ku cusub. Waliba kuwii markii ayna warbaahintani jirin adhiga raaci jiray.

Waa su’aale maxaa ceeb ah maxaa lagu fanaa?

Waxa lacag loo ururin jiray garoonkii ay dhawr ka jeer dhagaxa dhigtay huda barkhad ee uu rayale rabay inuu doorshada ku galo. Waxa lacagta dadka ka guraayey jufada uu Jawhar u hadlaayo ee uu Col. Hande iyo cabdirahman Zaylici u aflagaadaynaayo. Gudida loo xil saaray in ay garoonka dhisaan ee borama joogtay waxay ka koobnaayeen ama u badnaayeen jufada jawhar u ooyaayo. Qof kale kuma jirin.

Laakiin umada kale ee gobolka ku nooli kama hadlin oo waxay u haysteen in ay wax qabanayaan oo way taageereen. Laakiin waxa cadaatay in garoonkii uu siyaasad noqday oo Rayale sugaayo inuu doorashada ku galo sida uu u hor istaagay jidkii la dhisi lahaa. Waxana cadaatay in la cunay lacagtii dadka laga ururiyey ee garoonka lagu dhisi lahaa siduu Rashid Cabdi Bakal horey u sheegayba (Alaaya cisak). Gari allay taqaan. Bilad sharaf ayuu mutaystay Rashid oo runta isha ka tuuray.

Markaa waxa nasiib daro ah in runta la’iska indho tiro oo la eedeeyo masuulo kaalin wayn kaga jira bulsho waynta awdal, Somaliland, iyo Somaali oo dhan sida Col. Shinbir oo kale. Waxa hadaba iska dhex galay dad badan oo adhiga jiri jiray siyaasada, qabyaalada, caawinta umada, iyo run ku hadalkii. Adhi jir ceeb ma’aha ee laakiin fakir kiisa ayaa gaaban oo qabowgaa Sweden ayuu u haystaa inuu Australia ka jiro. Oo wuxuu moodayaa in cirka daruurtu saran tahay ee isaga dul taagi ay sidoo kale dul taagan tahay cidhifka Koonfureed.

Waxase ka khaldantay in cidhifka koonfureed wakhtigan lagu jiro uu u helo 6 bilood oo qorax ah (wixii ka sareeya ama ka hooseeya 66 (N or S) degree parallel) oo loona yaqaano “Winter Solstice” halka uu cidhifka waqooyi uu kaga jiro qaboobe ama “winter” ama 6 bilood oo mugdi ah. Sida “Summer Solstice” ka koonfurtu ay qaboobe ugu jirto; waqooyiguna kulayle.

Adhi jirtu waxa haboon inay ogaadaan in dhulku uu u kala qaybsamo waqooyi iyo koonfur oo 0 (zero degree equator-ku) kala badho; wixii kor ka xiga waxa loo yaqaanaa Northern Hemisphere; wixii hoos ka xigana waxa loo yaqaanaa Southern hemisphere.

Wakhti kala duwan ayey laba xili kala helaan; qaboobaha iyo kulaylaha. Waxba kugu daalin mayo saynis ee waxaan uga dan leeyahay. Aduun yadu ma’aha warka xumaha salka ku haya ee aad raga halyeeyada ah ku aflagaadaynayso oo kaliya; ee waxa jira dhinacyo badan oo laga eego wixii khalad ah ama sax ah.

Maxaa ku khaldan in laga soo horjeesto dawlada fadhiidka ah ee dalxiiska ku jirta? Maxaa ku jaban in siyaasad caafimaad qabta la’ wada ciyaaro. Been aan jirin maxaa keenay in aad ka faafiso halyeeygii soomaaliyeed ee Col. Cumar Cabdulahi Hande (Shinbir); Waxaan ka dagaalamayaa in aad siiso qof walba sharaf uu leeyahay. Hadii kale waxa iman doonta in geesigii Yusuf Talan in maalin dhow la’aflagaadeeyo. Waar wax iskula hadha oo runta ka hadla. Waabaydu halka ay kasoo maaxanayso waa naqaanaa; laakiin maanta maalin aan ahayn ayuu garan. Hareeraha si wanaagsan iskaga fiiri.

Deeqda la diray

Waxa cad in deeqdaasi ay tahay mid loogu tala galay siyaasiyiinta xisbiga kulmiye looguna talo galay in la’ tuso xukuumada fadhiidka ah in calankeedii dhacay. Waxa diray deeqdan oo mudo sadex bilood ah la’ qorshaynaayey; qurbo jooga waqooyiga maraykanka iyo dad yurub degan. Waxa laga diray lacag ururin loogu talo galay siyaasada oo baryahanba socotay; lacagtaa waxa bixiya qof kasta oo taageersan dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka e Cabdirahman Zaylici uu hormoodka ka yahay. Laf iyo qabiil gaar ah ma’laha. Kadib waxa khaladka keenay in ay isku soo dul dhaceen masuubadii ka dhacday xeebta awdal iyo deeqdan gaadhay dalka. Oo sida qof kastaa og yahay container laga diray Maraykan wuxuu u socdaa Africa hal bil. Markaa qof kaliya oo lagu magacaabi karaa ma jiro waayo dhaqdhaqaaqan gurmadka qaranku malaha waji gaar ah iyo magic qof oo la yeedhiyo. Waa umad isku duuban oo diyaar u ah in Rayale markale soo noqon. Kadibna maxkamad lasoo taago musuqmaasuqa uu galay darteed. Isaaq ayaa ku jira, mahadcase, habarcafaan iyo lafo kale oo kasoo jeeda jufada Rayale lafteeda oo arkay in guusho dul taagan tahay kulmiye.

Hadaba wax hubso kadib awliyooyinka masaajidada ugu gal. List-ka dadka ka qayb qaata taakulaynta xisbiga kulmiye oo lagu daabacay saylicipress.net mudo aan dhawayn dadka taageersan ururka badankoodu waxay ku jiraan dadkii taageeray warkii ay soosaareen odayasha lughaya sida ay anigu filayo-
Wa bilaahi tawfiiq

Xassan Cumar (xassan yare)
Degmada Boon, Awdal
xassan_somali@yahoo.com

Opinion: Axmed Siilaanyo ma Yuhuudibaa Hadii Macaawimo Loo Dhiibay oo Qaybi la Yidhi?

Waxaan ku arkayay website yada maqaalo wax lagaga sheegayo madaxda sarsare ee xisbiga kulmiye taasi oo loo qoray si badheedha oo aan habo yaraatee gabasho lahayn.

Horta marka uu qofku rabo in uu saxaafad wax kuqoro dhaliil waa jirtaa oo xisbi ayaad dhaliili kartaa ama shakhsi lakin waxaa saxaafada kareeban personal attach intabadan maqaalada aan arkay waxay ahaayeen personal attach taasina saxaafada meelba kama soo gasho.

Waxaa ayadna aqlaaqiyan aan fiicnayn inaad nasab waxka sheegto ama rer oo rerku cida uu rabo ayuu taageeri karaa xisbiga uu rabo ayuu gali karaa markaa sxbday ma waxay rabaan in samaroon dhamaan ay noqdaan xisbixaakimka udub?? taasi su’aasheda waxaa iskaleh akhristayaasha.

Somaliland waxay samaysatay nidaam uyara eeg dimuqradiyad oo larabay in lagaga gudbo marxaladihii laso maray taasi ayaa keentay in Somaliland ninba ninka ay isku mowqifka yihiin isku raacaan mowqifka maaha taasina in laysku dhaliilo oo layidhah ninka kulmiye galay waa gaaloobay ka udub galayna janadii ayuu galay ragbaa sidaa uhaysta arintuse sidaa maahan ee waa xisbi ee yaysan xisbiga iyo qabiiku iskaga kin qaldamin sxb yaal.

Koontiinarka mucaawimadaa hadii ay garteen madaxdii kulmiye in dadka cadaalad loogu qaybiyo wax kujaban ayaan jirin oo marlayba waa laqaybin lahaa. Midakale sxbday miyaysan ogayn ragani ay dhaliilayaan in ay noqondoodaan madaxdii mustaqbalka oo ay dalka maamuli doonaan haduu alah uqoro maxaase maanta keenay Awdal uun wax hahesho.

Dadka dhibaatadu gaadhay inlo gurmadaa waa wax meesha tiila oo waa dad dhimaato gaadhay lakin anigu uma arko in ay baahida dadkaa kasaari lahaa kontiinarkaasi waayo wax dadkaasi wax uqaban lahaa kumajirin oo daruuri ah wakhtiga xaadirka ama looga baahna meesha dhibku kadhacday marka anigu waxaan u arkaa uun buro bugaado ay samaynayaan taageerayaasha xisul xaakimka udub maadaamo ay dhowdahay doorashadii dowladaha hoose iyo tii madaxtinimada taana wax micnaleh in ay soo kordhinayn ayaan qabaa shakhsiyan.

Takale hadii madaxda kulmiye ee sarsare masuuliyad lasaaray oo wax qaybsha layidhi ma yuhuud ayaa wax loo dhiibay miyaysan ahayn madaxdii mustaqbalka taa waalagu qaldamey madaxda kulmiye ee xaal halasiiyo ayaan odhanlahaa.

Hadal iyo dhaman dadka yaan lagu kala wadin wax aan micno lahayn oo wax jirin lagu hadlin hadaladana marka laqoraayo halaga fiirsado somalidu waxay tidhah kafiirso intaadan waxfalin waa hadal dhan.

Wabilaahi Towfiiq.
Cumar Maxamuud Qayaad - (Cumar Xadaari)
Yeman, Taiz

Friday, February 15, 2008

10 Wajiilaha Ahmed Sh. Faarax - By Rashid Bakal

Waxaan dhamaan dadwaynaha ama akhristayaasha ku salaamayaa salaanta muslinka salaamu calaykum.

Waxaa baryahan danbe ba ka socdoy wadanka north America lacag ururin loo ururinaayey, dadkii ilaaheey dhibaatada uu ku keenay. Hadaba waxaa jira dad marka dadkeena dhibaataysan waxa looqabanyo ama horimarin laga sheekaynayo gobalka dhex dhiga shiki iyo been abuur ay leeyihiin dad gaaraa waxan wata ooka faa’idaysanaya ee lacagihiina ha iska bixinina.

dadkaa waxaa kamid ah aabana u ah Ahmed Sh. Faarax. waayo waxaana articalkan aan usoo qoray, markii aniga oo ku nool magaalada ottawa ee Canada uu iila yimid uuyiri lacagihiinii aad dirteen, ragbaa ku magacdoontay (ILAA HOWNA BADBAADI)

hada waa dhibaatada dhacday maanta ee dadkeenii ku dhacday ayuu ka fikirayaa waxan oo kale.Anaguna kama aanan aqbalin ee waan dirnay lacagihii waanan gaarsiinay boorame.

mida kale waxaa habsaanka ka dhigay dadkeenii kale ee reer awdal ee lacaga uririnaayey,waa axmed sh.faarax,oo dadkii lawadahadley,ee isaga la caqli ahaa shiki buuna galiyey.mida kale lacagii waagii aan rabnay inaan u ururino garoonkii boorame isagaa baa'biiyey markaa walaalayaal waxaan idinka codsanayaa anigoo aanaan is qarinayn magacaygana aan badalayn waayo WAXAAN SIDAA U LEEHAY ISAGAA MAGACA BADALA,MARNA SHEEGTA GABAR MARNA SHEEGTA NINKALE.

magacaygana la yiraahdo RASHID ABDI BAKAL. waxaan rabaa inaan u ducayno walaalkeen axmed sh.faarax oon aan ilaahay aan ubarino inuu qalbigiisa nadiif ka dhigo waayo waanin tolkeena waana iskuwada baahanayay.

Salaamu Calaykum

Thursday, February 14, 2008

xuska maalinta jacaylka aduunka(kudayasho indhala)


Waxa aad looga murugooda ah inay maanta dadkii ku abtirsanayay diinta islaamku kala garanwayaan maxad leedahay iyo maxaanad lahayn maxaa sharciya iyo maxaa xaaraana waxaad moodaaa inay isku soohadheen ciilkama kore iyo calooshii laciyaar Maanta oo ay tahay bisha feberoury 14 waxaa looyaqaanaa inay tahay maalinta jacaylka aduuna dadka isjecelna ay caadaysteen inay maalintaa siiyaan ahmiyad ugara jacaylkooda sanad guure uga dhigaan


waxaad arkaysaa maalintaas inay cirka isku shareeraan ubaxyada xanjooyinka wadnaha kasamaysan love ka iyo waxyaaba badan oo astaan u,ah jacaylka waxaana dhacda mararka qaarkood inay dad dhan oo magac kuleh aduunka;


maalinkaas is guursadaan si,ay uga dhigaan astaanta guurkooda maalinka jacaylka hadaba akhriste inyar ii ogolow inaaan kuwaydiiyo dhawr su,aalood ,,,,,malinta jacaylku halkay katimid ? Inkasta oo ayjiraan fikrada kala duwan oo laga qabo halka ay katimiday hadana waxaa la,isku waafaqsanyahay inay kusoo wada biya shubmayaan inay tahay maalin loogu magac daray qofmartabad kuleh diinta kiristaanka ,,, tusaale ahaan waxaa layidhaahdaa ,maalintani waxay ahayd maalintii ladaldalay.


wadaadkii kiristaanka ahaa ee la'odhanjiray (saint valentine) wadaadkan sida ay sheeganayaan waxaa lagu dilay arin ahayd waqtigaas boqorkii maamulayay dalkaasi talyaaniga oo mamnuucay inaan la isguursado ,,ayuu wadaadkan iyo wadaad kale oo ay saaxiib ahaayeen ayaa waxay kukaceen inay isku dhisaan dadka,, jabiyaana xeerkii uu udhigay boqorku dabadeedna boqorkii wuxuu maqlay warkii sidii ayaana lagu daldalay labadii wadaadba ,,taasi waa mid waxaa kaloo layidhaahdaaa malinta jacaylku waxay kabilaabantay magaalda roma waxaana looguna magacdaray boqorad la.odhanjiray (juno).


Su,aaal,,maxaa inoogu wacan inaan ciida gaalada si,indhala ula xusno teenana lagu tilmaamo inay tahay xadgudub wayn ?Waxaan cidina daah kasaaranayn inay gaaladu aaminsantahay ciida carafo ee u,ah dadka muslimiinta farxada ugu wayn inay tahay maalin lagu xadgudbay xuquuqda xoolaha waanad wada aragtaan oo maaha waxqarsoon dhamaan idaacadaha aduunka waalaga sheegaa ,ma arkaysid xataa iyaga oo shaqooyinkooda kafadhiya ,,maxaa inoogu wacan inaan noqono dadbilaa damiira oo hadii daasad latumaba daba joogo wallaaaaaahi waa wax laga xishoodo Jacaylka ay inala rabaan waa noocma?


Waxa ay inala rabaan mushrikiintu maaha jacayl sharciya ee waxay doonayaan jacayl banayna galmood ,,taasina waxay noqotay mid iyaga laftoodu kuguuldaraysteen oo hada magac uun kasoo hadhay Marlaga sameeyay dalka maraykanka daraasad ayaa waxa la,ogaaday dadka uu hayo cudurka nafsigu ,,inuu yahay haween ay ragoodu jidh dil kusameeyeen Dadbadan ayaa waxaa iimuuqata inay ufahmi doonaan inay diinta islaamku diidayso jacaylka taasina waa been diinta islaamku jacayl inuu jiro kama soohorjeedo laakiin waxay inoo ogoshahay jacayl gogoldhig u ah guur sharciya inta badana mar daraasad lasameeyay jacaylka guulaysta maaha jacaylka lasheekaysto sanadaha badan waxaana laxaqiijiyaya sheekada dheeree kahoraysay guurku inay boqolkiiba 80 fashiliso guurka.


Waxaa ugu wanaagsan oo laxaqiijiyay inaa guul laga gaadhi karo waxa weeyi jacaylka lagala hadlo hooyada iyo gabadha larabo la,iskuna dayo inaan loodejiyo fikrad ah guur degdega sheekaduna ahaado midlagaga tashanayo guur ee ayna ahaanin kolba daasadii latumo daba joogso gabdhiina waqtiga kaga ciyaar kasi maahin jacayl saxa ee waa saqajaan


c/fataax daahir cige



Cairo, EGYPT

Friday, February 08, 2008

Magaran meesha tolkay Maxad Case Noo Wado

Waxaan marka hore qormadan ku bilaabayaa salaan aan u dirayo dhamaan akhristayaasha sharafta leh meelkasta oo ay joogaanba iyo waliba saxaafada madaxa banaan ee inoo suurto galisay inaynu afkaarteena isweydaarsano. Waxa kale oo aan jecelahay inaan inyar ka idhaahdo inta aanan guda gelin ujeedada maqaalkayga, oo ah waajib inawada saaran, taasoo ah in aan ilaahay u barino, taakulo iyo wixii gargaar ahna gaadhsiino dadka walaalaheen ah ee ku dhibaataysan meelo kamida gobolka Awdal .

Hadaan is cadeeyo sidii caanaha geela waxaan ahay nin ka soo jeeda beelaha Maxad Case oo degan magaalada Djibouti. Waxaanan jeclastay inaan wax ka idhaahdo warar la isla dhexmarayay maalmahan dambe oo ah in Beesha Maxad Case ee degan USA soo gaadhsiisay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye qalab caafimaad iyo waliba dawooyin.

Arrintaasoo markaan sii daba galay la ii cadeeyay inay dhabtahay oo la gaadhsiiyay Siilaanyo. Run ahaantii ma xuma in deeq la gaadhsiiyo meel aan dawlad la ictiraafsanayni ka jirto ama dad baahani ay joogaan sida gobolada ay ka kooban tahay maamulka somaliland. Balse waxaan garan laayahay ama aan fahmi waayay sababta keentay in tuugtii SNM ugu waawaynayd wakhtigan gacanta loo geliyo qalabkaas iyo daawooyinkaasba. Iyadoo aynu ognahay baahida taala gobolka awdal. Waxa kale oo aan ilaa hada liqi laayahay ujeedada laga leeyahay in Siilaanyo lagu soo hagaajiyo iyada oo ay joogaan dadkii gobolka u soo dhintay markay noqoto xaga caafimaadka sida DR C/Rahman Jamac Hadi, DR Walhad iyo waliba DR Qaws oo og xogogaalna u ah baahida caafimaad ee gobolka taala inta ay leegtahay iyo siday degmooyinka gobolku u kala mudan yihiin, ileyn hawsha waa lakala leeyahaye. Mana aha inay mucaaridnimadu meelkasta gasho ee waxa qurux badan inay xad lahaato, waayo waxay abuuri kartaa iskhilaaf siyaasadeed oo ka dhex dhaca beesha dhexdeeda.

Waxa kale oo ay abuuri kartaa ama kugu soo jeesan kara dad badan oo siyaasad ahaan ku taageersanaa markii hore. Hadalka sii badin maayo ee waxaan ku soo gunaanadayaa in la isku duubnaado lana iska ilaaliyo wixii tafaraaruq keenaya .

Wabilaahi Towfiiq
Cabdi Jamac

Djibouti

Friday, January 25, 2008

Ma Somaliland Dadkeeda Ayaa SNM ah Mise waa dad iskugu yimid Dan

waxaan inaan xogaa u Caqli Celiyo Rabaa Dadkan SNM baa Taariikhdeeda La Masaxayaa leh.

Marka Hore In la Is Wadyiiyo Ma Somaliland Dadkeeda Ayaa SNM ah Mise waa dad iskugu yimid Dan Guud? haday Jawaabtu Haa Tahay Adeer SNM wax La yiraah Ma jirto Dadku Ku dhaqan Somaliland Waa Dad kala Gadisa Maaha Dad Qudha Waaa Samaroon, Isaaq, Harti Cid waliba Waxay Leedahay Mujaahid Ay ku Faanto Maanta Qoomiyadda Samaroon xadarad ayey fiiriyeen waa Ilaaween Mujaahidiintii SDA Ee Uu Hogaaminayey Mujaahid Xanshare Alaha Naxariistee oo Mudnayd Bulshada UU ka Soo Jeedo Iney Bartaan Ama USP oo uu Hogaamineyey Sheekh Muuse Godaad Alaha Naxariistoo Jano ha Siiyee.

Markaa Kala Saara Danta Iyo Qadiyadda Somaliland Ha Noqonin Markasta Aan wax kala Garaneyn Somaliland Waa Bulsho Kala Gadisan Siday U diideen Beelaha Samaroon Gaar Ahaan Beesha Habar Cafaan In Caruurtooda soo Kacaysa La baro wax aan La garaneyn Cida uu La shahiidey in caruurtooda lagu baro iskooladda markuu sanadku ahaaa 1996 ayana ka hirgashay magaalooyinka Borama, Saylac, Lughaya, Gabiley, Wajaale, Maanta Hadii laga Joojiyey Goboladda Intiisa Kale Waa Aqoon U soo Hoyatey Bulashada Kala Gadisan Ee ku dhaqan Somaliland.

Markaa Waxaan Odhan Lahaa Dadka Tiradda Yar ee aaminsan In SNM iney Wax Xoreysa Adeer Taasi Niyadda ka Saara OO Raaca Ilbaxnimada Beelaha Kale Ee ku Nool Somaliland. La Jaan qaada umadda oo Cadiifada Joojiya hana ilaawina reer walba oo somaliland ku nool inuu ku faano mujaahid u halgamey ha ahaadaan beelaha harti oo ku faana SDF ha ahaato Beelaha Samaroon oo Ku faana SDA & USP Hana Ilaawina Iney Cid Walba Mujaahid Leedahay Laakiin Ilbaxnimada Aduunku Ay Is badashay lana jaad aduunka aqoon Yaridu ma Wanaagsana - ineyna Ini Reebin Waa Iga Dar daaran

Samatar Hamse
samatar52@hotmail.com

Wednesday, January 23, 2008

Taariikhdiisii Qorantay; Abwaankeennii Qummannaa.

Aabaha Fanka iyo sugaanta iyo aqoonta Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana ah, Abwaanka abwaanada soomaaliyeed, Xasan Sh Muumin (Raxmatullaah Calayhi). Taariikhdiisu horey ayay u qornayd, haatana ka dib geeridii naxdinta lahayd ee inaga qaaday, dib ayay u qorantay oo waa la wada qiray inuu ahaa “simply the best”.

Waanu ku faraxsannahay inaynu maqalnno in aaska Abwaan Xasan (AUN), uu ka dhici doonoo dhulkiisii Hooyo iyo hooygii uu ku soo barbaaray ee Boorama. Taasi waa sharaf iyo tix galin la siiyay rabitaanka marxuunka oo jeclaan lahaa inay xabaashiisu noqoto dhulka Hooyo. Iyo sidoo kale qaddarin la siiyay intii aadka u jeclayad oo sidaasi rabtay oo aynu dhammaanteenba ka mid nahay.

Maalinta la aasi doono Marxuuunka oo barrito ah (Arbaca), sida wararku sheegayaan (Harowo.com),waxa kale oo an jeclaan lahayn in Calanka Somaliland marka laga bilaabo isla maalintaas iyo labada cisho ee ku xigta (3 Cisho), isagana hoos loo dhigo, oo lagu sharfo marxuunka.

Waxaynu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa walaalaheen Ururka GURMAD, oo iyagu noqday kuwii ugu horreeyay ee tix galiyay codsigayagii ahaa in garoonka Boorama loogu magac darro magaca Abwaanka (Garoonka Xasan Sh Muumin: Hassan Sh Moumin Stadium).

Heesaha iyo gabayada iyo murtida lagu xusuusan karo Abwaan Xasan, way badanyihiin oo waa sida Badweyn ruuxba meel kaga jiro, culuuntiisuna waa maktabad (Library) an la wada madhin karin. Arrimaha ugu mucjisada badan ee Abwaan Xasan(AUN) lagu xusuusan karo waxay ahayd in hees kasta iyo riwaayad kasta oo uu sameeyo ay noqonayeen kuwa ugu sarreeya ee lagu xuso baalasha ugu horreeya ee fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Innagu waxaynu ku celcelinaynaa heestiisii lagu qoray Af-soomaaliga oo taariikhda baalka ugu sarreeya kaga jirta, qoraalka af-soomaaliga la'aantiisa waxba maynu qiri karneen, qiimaha abwaan leeyahay. Heestaasi ayaynu hal bog (page) oo ka mid ah, halkan ku soo qori doonnaa sidii ay ahayd. Kadibna isla halkaa bog ayaynu dheeganaynaa oo aynu ku dabaqaynaa taariikhda Abwaanka, kuna xusaynaa aaskiisa. Waana sidan:

Taariikhda qarada weyn
Afkeenii ka qatanaa
Qaayaha u leeyahay
Dunida ka qarsoonaa

Qorraxbaa u soo baxdoo
Mugdigii ku qoofalnaa
Daahii ka qaaddee

Qalinkaaga ii dhiib
Erayada an ku qoro
Qumaantina uga bogo

Afkii qalaad ha moodin
Carrabku qaldi maayee
Sidii caanaha u qudh-qudhiyaay.

By: Hassan Sh Moumin.
============================


Taariikhdiisii qoratanyoo
Abwaankeenii qummannaa
Qiimaha u leeyahay
Ummaddiisii qirataye

Hadday geeri qaadayna
Qofna illaawi maayoo
Qalbigayaguu ku noolyahee

Qabrigaaga Alloow
Kuu Qaqbooji Iilkoo
Qolkii Janno ku gee

Aqalo qurux lihiyo
Qaaliyadii Firdoowsaad
Ku Qudh-qudhi caanaha


By: Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

Saturday, January 19, 2008

Hargeysa Calankii Xorriyadda; Ma Calankii Gumaysigey Ka Dooratay?

Sanad walba marka madaxweynaha Dalku u baxo bannaanka isago oo laga yaabo inuu soo fulinay meherado isaga iyo dalkaba laga muhiimadi ugu jirto. Waxa looga bartay ummmaddani ay Hargeya hogaamsio inay sameeyaan bannaanbaxyo ay isku maqshquuliyaan oo mararka qaarkood ad mooddo inay isku illoowsiinayaan xayraanimada (Frustration) haysata.

(1). Calanka Xorriyada vs Calanka Gumaysiga

Sanadihii hore waxyaabihii ugu yaabka iyo amakaaga badnaa waxay ahayd in Hargeysa dhexdeeda lagu gubo calankii xoriyadda Soomaaliyeed ee laga dhacsaday Gumaysiga Ingiriiska. Haatanna wixii ugu yaabka badnaa ee aynu aragno waxay ahayd in calankii gumaysiga cusub ee adduunka oo ah midkan Maraykan, iyo calankii gumaysiga gaboobay ee Ingiriiska labadiiba laga taago oo la ag dhigo calanka cusub ee Somaliland . Waxana soo socda calankii xabashida oo isna Hareysa laga taagi doono.

Doorkan maanta ahna, inakstoon maqal meel lagu gubay Calankii Xorriyada Soomaaliyeed ee buluuga ahaa. Hadana waxa muuqata in isagana layska laabay oo layska illaaway, oo meelna kama muuqan. Xitaa in lagu samirsiiyo oo loogu tacsiyeeyo walaalaheena Koonfureed ee dhiigu ka da¢ayo, ee gacanta gumaysiga madow ku jira, waa la garan waayay, laguna xushmeeyo halyeeyadii Isticmaarka innooga dhiciyay xorriyadeena guud ahaan.

Ummaddani Tiihiyo
Tawaawaca ku taagan
Talo way ka dhabaqdee
Maxaa loo toosin waayay?.


(2). Geerida Abwaan Xasan (AUN), oo Calanka Hoos loo Dhigin

Waxa intaas dheer inuu dhawaan geeriyooday Abaankii Abwaanada soomaaliyeed ee aynu wada jeclayn, waa Abwaan Xasan Sh Muumin Gorod (Raxmatullaah Calayhi). Waynu ka wada damqannay oo ka wada ooynay geerida abwaanka. Waxase dadka aragtida dheer ku noqotay fajacsiyo iyo yaab, in Hargeysa iyo dalka ay u taliso ee Somaliland , si heer qaran ah looga xusi waayay geeridiisa.

Waxaynu dhagaysanay madaxweynaha Dalka Somlailand oo ka ticsiyaynaya geerida Abwaanka. Hadalkaasina wuxu madaxweynuhu ku sheegay inuu Abwaan Xasan Sh Muumin (AUN) ahaa Abwaankii sameeyay, heesta astaanta u ah calanka Somaliland . Hadana maynu maqal madaxweynaha oo amraya in calanka hoos loo dhigo, isagoo lagu sharfayo abwaankii keenay heesta calankaasi.

Nasiib darro calanku wuxu ka ag babanayay kuwii gumaysiga markii tacsida Abwaanka loo barooranayay. Sidii laga yeelay Abwaankii kale ee qaaliga ahaa ee CABDILAAHI QARSHE (AUN), ee maydskiisa loo qaaday dhulkiisii Hooyo, calankana hoos loo dhigay, ee Madaxweyne Cigaal (AUN) ka yeelay. Si la mid ah ayaan ka sugaynay in laga yeelo Abwaanka Abwaanada XASAN SH. MUUMIN (AUN). Macal-Asif, Taasi ma dhicin, waanan ka madluunsannahay.

Hadal iyo Murtina waa, Hadayna Laahu.


Qofkii u baahan inuu wax Comment ah ka sameeyo qormadani iyada ah iyo dhammaan qoraaladeena oo dhan, waxan ku martiqaadaynaa, bogga yar (Blog),ee aynu u samaynayno in loogu doodo xuquuda Danyarta Geeska Afrika (HiilDan), oo hadhowto noqon doona Website weyn oo caalamiya.
Khadka ad Blogaasi kal heli kartiina waa: http://hiildan.wordpress.com/


Nabad iyo Caano

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

Tuesday, January 15, 2008

Adoo Madaxwayne Ah Maxaad ku Jeclaatay Madaxwayne Ku Xigeen? By Ahmed Garaad

Waxaa lagu ducaystaa illaahow nadil oo hana doorin.waxaan ducadaas utilmaansaday dhacdooyinkan iska daba imanaaya,ee ay reer awdal ugutartamayaan madaxwayne ku xigeenka,miyaydaan ogayn inlaynala yaaban yahay oo aay soomaalilandtiikale ayleeyihiin nimankan dalka madaxweynaha ka ah ee hadana raadinaaya ku xigeenka,siaday wax ka yihiin.

hadaan dib ugu noqdo loolankii siyaasadeed ee 1993kii waxaa looloolamay madaxweyne iyo madax weyne kuxigeen,sadex nin ayaa u ordaayay madaxweyne sadaexda nin nin reer barbara ayuu ahaa nina reer burco ayuu ahaa nina reer barbara ayuu ahaa. waxaana ku guulaystay ninkii reer barbara ,kuxigeenkiina ninkii reerboorama,reer awdalow mawaxaad dib ugu noqoteen 1993gii, maanta ooay tahay 2008 ayaad waxaad tahay hogaamiyaha dalka soomaaliland malaha waanad isgaranyne,tadawur dheerna waa loosoo maray halkan maanta aad joogtaan,soomaalidu waxy tidhaahdaa dameer malab lasaaraa nimcada eebe ugu deeqo inuu daadise oge.dibusocodkana waalaga fiicanyahay waa inaanad meeshaad shalay martay dib aanad ugu noqon.

hadaad kulmiye ku jirtaan ma idin ka xaaraanbaa inaad isu sharaxdaan madaxweyne ooxeerka kulmiye ayay kujirtaa inaan reer awdal isku soo taagikarin jagada madaxweynaha,hadaytaasi jirto noo sheega,waanu idin garawsanaynaa markaase,mida kale mawaxaad isleedihiin wuxuu madaxweyne qaban waayay ayuu madaxwayne kuxigeen qaban taasi waariyo,madaxwayne riyaalena dariiqbuu idiin jeexay waana macalinkiinii .

Ahmed Garaad
ahmedgaraad14@hotmail.com

halista kaga soo fool leh siyaasada gudaha ee reer Awdal...By Yasmin Doualeh

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh illaahay, nabad gelyo iyo naxariisna Rasuulkeena Moahamed korkiisa ayey ahaatey scw, indinkana waxaan idiin soo tebeniyaa salaan diiran akhristayasha qiimaha badanoow.

Waa kan qalinkii iyo qormadii aad iiga barateene, maantana waxaan jecelahay inaan ku eegno qormadeeydan arimo dhawra oo aan u arkay inay mudan yihiin in aan ku falanqayno maqaalkeeygan maanta, amba aan wax ka taabtoo, ka dib markaan arkay in loo bahaan yahay inay mudan tahay in loo soo bandhigo bulshada Reer Awdal, Balhadabase qormadeeyda maanta dareenka ay xambaarsan tahay waxa weeye, halista kaga soo fool leh siyaasada gudaha ee reer Awdal, oo aad moodo in maamulka Dahir Rayaale ay ka seexdeen wax ka qabashadeeda, taasina ay ku tusayso in dhaliilo badan oo xaga maamulka Rayaale ay jiraan, sida uu Gobolkan uga gaabiyey horumarka Goboladaa kale ee ka tiirsan Somaliland.

Intaananse qalinkayga la kala bixin, waxaan raba inaan ka afeefto wax yar, marka aynu had iyo jeeraale ka hadlayno dhaliilaha hogaanka, xukuumada iyo gebihaanba Somaliland maaha micnaheedu inaynu Reer amba Qabiil Afka ciida u darayno, ee hadafkeenu waxaa weeye inaynu waxii xukuumadeena ka khaldan aan farta ugu fiiqno, si loo taamil yeelo himilada aynu higsanayno, si hadaba aynu hamigeena u xoojino una ogaadhno horumar wax ku oola ayaa waxa loo baan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo hurumarka Awdal Jaaliyadaha dibada jooga iyo xukuumad wax qabad wanaagsan leh iyo shacab ka gudaha joogaba, si geedi socodka nolosha hore loogu sii mariyo.

Waxaanse lee yahay garanay in maamulka Rayaale ku guul daraystay wax yaabo badan oo looga baahna inuu qabto, mase ogsoon tahay in maamulkan wakhtigiisii uu dhaw yahay oo mudo yar ayaa xiligiisiiba ka hadhay, ee marka xiligiisu dhamaado, taladu yaanay mar danbe ina seegine, inagoo ka shidaal qaadanayna waayo aragnimada aan ka dhaxalnay maamulkan hada jira, aan u dhiibano masuuliyada cid ku haboon oo ka soo bixii karta xilka culus ee loo igmaday ummadana si cadaalad ku dheehan tahay uu daadihiya, welibana inoo horseedi karta bash bash iyo badhaadhe, oo umadan daalan moral jabkuna ku dhacay daba qabata oo la shaqayn kara halyeeyga " Mayer CABDI SHIDE BILLE "

Kolse haday sidaas arimihu yihiin waan ina hamigeena xoojino waan inaa soo doorana qof u qalma jagada madaxweyne ku xeeganka ee xisbiga Kulmiye oo halyeey ah run-ahaantina qof ana ahayn Eng: Cabdiraxman Saylici ma arko " so far " waa nin ku haboon masuuliyada kartina ilaahay uu dhaliyey cadaaladna ku dheehan tahay wax yaloo badan Gobolka kaa qabtay ha ugu horayso " Airport--ka " Borame .... Shacabka Reer Awdal uma baahna wax jahwareer ku abuuro oo sii tukhun tukheeyaa waxeey u bahaan yihiin ruux damiir leh oo lexajeclo ka hayso Gobolka iyo dadkiisa, ruux kasta oo damirkisu nool yahay marnaba ina-aw-Cali ku tashan mayo , taasi waxay noqonaysaa adigoo isha far iska geliyey.

Waxaan u arkaa inay tahay talaabo khaldan in jahwareer lagu abuuro dadka walaalahaa ah ee reer awdal inkastoo ay reer Awdal marwalba midnimadu ay u tahay lama huraan....

Waxaan kusoo gebagebaynayaa maqaalkaygan maanta, tan iyo intaa aan hawada ku kulmi doono kulan danboo xiisa badan mar kale, Nabad Gelyo amaana allah iyo amaana rasuul scw.

Yasmin Doualeh
yasmin_qalanjo@hotmail.com

Saturday, January 12, 2008

Ergo 1 - By Omar Fahiye

Arimaha bar tilmaameedyada ah ee aan ku soo xidhay maqaalkaygii danbe waxa weeye waayaha iyo wadciga dulkeenii yaala, dadka waxaad mooda in laga qaaday awoodii wax qabadka…
oo loogu beddelay awood muran, markawaagu baryo ee la isku soo baxo magaalada waa lais wada haysataa,

(KU QABSO KU QADI MAYSIDE) xafiisyada dawladuna waxay ku mashquul yihiininay xaliyaan arrimaha, waxad moodaa hab nololeed cusub iyo in sidaaloo soo balamay oo hadii la waayo wax lagu murmo kan soo dacwoonayaimaan maayo xafiiska, kii xafiiska joogayna waxa ku dhacaysa shaqola’an markaa waa inuu jiraa muran.

Xafiis wax xaliyaa ma jiro wuxu habeeyaa keliya siduu
murankaasi u sii socdo ilaa mudada khilaaf cusubdhalanayo. Dadka shil baa ku dhacay waxa ka xumaaday dhaqankii iyogarshadii qolanimada waxa la isticmaalaa markay dhalinayso khilaaf waxlaga dabadheefayo, waxa dalka soo galay dhaqanno cusub, oo ahwaranwaryo iyo war been ah oo la abuuro lana faafiyo,

waxa dadka lagu kala dhex tuuray shaki, nin kasta oo xishooda mid an xishoon ayaa dabataagan, ka wax dulmaya ayaa ka garab badan kii la dulmaayay, dadka badh ayaa hadli kara, dacwoon kara ama wax boobi kara, badhka kale oo inta badan ah ma hadli karaan, ma dacwoon karaan, waxay boobaan iska daaye tooda ma daafici karaan(DAGMADAAN KU NOOLAHAY NIN DILAALA MOOYEE NIN DARYEEL YIDHAAHDA DULI BUU KAQORANYAHAY)Cadaaladu waxay ka soo dagtaa samada oo waa magac ka mid ah magacyadailaahay in la waayana ma aha waa tiirka ugu qiimaha badan diinteenaiyo sababihii ay u soo degtay, waxay la ogyahay in cadaalada ay kamasuul yihiin Qaadiyada iyo garsoorayaasha, waxana asaas u ah aqoon uuleeyahay sharciga u wax ku xukumaayo waxa la yidhi sadexdii qaadibalabo ayaa naarta gasha, midna wuxu gala janada labada naarta loo balanqaaday waa

1)Kan eexanaya oo qaladka xukxukumaaya isagoo garanaaya
2)Kan xukumaya qaladka ama saxa isagoon aqoontii lahayn 3) Kan saxdaxukumaaya isagoo aqoontii leh.

Cadaalad laantu waxay bani aadamkaku timaadaa markuu is duleeyo oo u ka baqo inuu xaqa isku taago ooafka ama adinka ka xidho dulmi u arkaayo fursada markaa waxa kafaiidaysta ka talada haya oo markaa siduu doono u amar ku taagleeye,faham oo mushkiladu ma aha madaxda ee waa dadaka, dawlada iyo madaxdadadkaa sameeya ayaga ayay u shaqayaan, ee ma aha inay dawladu iyomadaxdu dadka leeyihiin, hadii u dadku diido dulmiga waxa daayeysmilahaa maamulka waa in dadku sidaa fahmaan oo u istaagaan xaqooda. Kudarsoo dawladninaddii kooxdii afduubtay kaligood u dihintahay.

Cumar Sult. Faahiye Gadhcase

Aax Baanu Ka Nidhi, Abaaraha LUGHAYA.

1985/86, ayaan ka mid ahaa macalimiin iyo arday loo saaray inay soo tiro koobaan dadka ku dhaqan degaanka lughaya. Markaas ayaa iigu horreeysay iiguna danbaysay degmooyinka Lughaya iyo Baki iyo inta degaan ee iyaga hoos yimaadaba. Tiro koobkaygu wuxu ku koobnaa Lughaya dusheeda oo an ka bilaabay meel yar oo bilicsan la yidhaahdo “ Bulo xareed”. Kadibna waxan uga sii gudbay oo an rasmi ku ahaa magaalada Geerisa, oo ahayd magaalo mucjiso badan oo bilicsan.

Haddii an xusuustaydii dib ugu laabto, waligay intaan jiray ee an garaadaystay kuma arag gobolka Awdal, meel ka qaniimad iyo qurux badnayd degaanka hoos yimaada degmada Lughaya. Waxanan xusuutaa, Duq waayeel ah, oo noo xajiiyay in dhulkani marka Guga la joogo aanu waligii arag meel kale oo xitaa dalka oo dhan la mid ah, oo qurux u dhiganta. Meel kasta oo an jalleecnaba waxa dullaamayay Deerada iyo cawsha oo ad mooddo sida adhiga la dhaqanayo. Waliba wakhtigaasi ma ahayn wakhtigii roobabka iyo barwaaqada, waa Adduunyo.

Lughaya waa lafdhabarta, dhuuxa iyo halbawlaha Awdal, abaarta iyada ku dhufatayna waa mid ku dhacday oo dhabar jabis u ah dhammaan gobolka Awdal. Sidaa daraadeed, Aax baan ka nidhi, abaarta lagu sheegay Lughaya. Ummadda reer Awdal dhammaantoodana waxan ugu baaqi lahayn inay aad iyo aad fiiro iyo ficil ugu yeeshaan abaarahan ku habsaday Lughaya. Guddoomiyaha Lughaya oo xaaladan foosha xun ka dayriyay oo nagu soo war galiayayna waxan leehay, hogaanka iyo hormuudka u qabo gurmadka Lughaya, oo haka daalin. Runtiina waxan kusoo baraarugnay waa qaylo dhaanta Guddoomiyaha oo lagu soo qoray Lughaya news.com: http://lughaya.com/94wararka.htm .

Waanu ka daalnay waanan ka deyriynay inaan maqalno: Madaxda Awdal, ma dhaafaan seeraha Boorama, Masuuliyiinta Awdal ma dhaafaan seeraha Boorama. Macalimiinta Awdal ma dhaafaan seeraha Boorama, Muruqa iyo maalka Awdal ma dhaafaan seeraha Boorama. Haddiise laga maarsan waayana ma moogaadaan Hargeysa, oo maalin walba way joogaan. Abaaraha Lughaya waa middii laysku baran lahaa, nin hadla iyo nin hugma, iyo nin hiiliya iyo nin hawshooda, nin hoo yidhaahda, intuba waa markii lays hubsan lahaa.

Aaway, Xildhibaanadii laga soo doortay Awdal ee noqday dabka dhaxmooday?. Waxba yaanay noo difaacin distuur qabyo ah iyo dawlad qaldhabaysee, hallaga maqlo waxay olole u galayaan Lughaya. Masuuliyiinta Awdal oo guddoomiyaha Awdal ugu horreeyo (waaba hadduu Awdal u yahay guddoomiyee), an aragno isagoo indhihiisa ku arkay Lughaya oo nooga warramaya. Oday dhaqmeedada Awdal an maqalno iyagoo wada wacyi galinta iyo gargaarka Lughaya. Wasiirada qawlaystada noqday, ee Awdal ugu jira dawlada UDUBta Bokhokhday, an maqalno iyagoo u olalaynaya abaaraha Awdal/Lughaya.

Gurmadka Bari, waxa kaaga baahan Lughaya oo ah biixidaada iyo bawdadaada, markay iyadu heerantana, adna waad jaban tahay, oo boqnahaad is gooysaye, ogoow taasi. In badan baan hadal wadnaye, ninkii ka hadha gurmadka Lughayoow, ma cirkaad roob ku ogtahay?. Qayrkii loo xiiryoow soo qooyso adiguna, oo xusuusnaada belaayo intay adiga kaa maqantahay qayrkaabay ku maqantahaye. Alla magane Anaguna, Aaxbaanu ka nidhi, Abaaraha Lughaya.


Nabad iyo Caano

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com

Hambalyo BILE, Hambalyo BOORAMA

Waxan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Guddoomiyaha golaha degaanka ee gobolka Boorama, C/Raxmaan Shide Bile, Guddoomiye xigeenka, Muumin Gadiid Cumar, Xogyaha iyo dhammaan xubnaha gudida Dawlada Hoose/Boorama iyo dadweynaha Boorama.

Waxan ugu hambalyaynayaa biloowga iyo dhammaystirka jidka laamida ah ee markii ugu horreysay taariikhda laga dhex sameeyo Boorama gudaheeda. Sidoo kalana waxan rajaynayaa inuu jidkii ugu horreeyay ee laami ah ee isku xidha Boorama iyo magaalooyinka kale ee gobolku isna kusii xigi doono. Maamulka dawlada Hoose ee Boorama iyo dhammaan shacbiweynaha Boorama waxa u soo hoyatay guul taariikh gal ah oo mudan in la xuso looguna hambalyeeyo.

Haddii an wax talo ah ku darsado furitaanka jidkan laamiga ah oo dhawaan la filayo, waxan odhan lahaa; halloo dhamays tiro jidka wax kasta oo khuseeya saxada iyo badbaadada (Health and Safety). Maxaa yeelay, baabuurta Boorama uma baranin waddo laami ah, oo inay ku simbiririxoodaan ayaa dhici karta. ! Halkaasina, ku waxyeeleeyaan dadka iyo xoolaha jidka ag maraya iyo kuwa ay sidaanba oo halis ay galiyaan. Sidaa daraadeed, xawaaraha baabuurtu jidkaas ku mari doonaan, iyo arrimaha kale ee khuseeya taraaafikada (traffic issue) halla dhamays tiro inta an jidka loo furin baabuurta.

Sidaas iyo, Hambalyo BILE, Hambalyo BOORAMA.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye


HiilDan

hiildan@yahoo.com

Friday, January 11, 2008

Hanaloo Kala Gooyo!

waxaa la yaab leh oo aqligaygu ka ooyey habka ay u dhaqmayaan beesha aan walaalaha nahayee makaahiil. waxaa jirtay gabadh aan waligeed la guursan wax nin ahna ismay arag.maalin intay fikirtay ayey waxay goosatay in ayhesho ilmo si kasta oo ay wax ku heli kartaba.
maalin maalmaha ka mid ah ayey baxday waxay aragtay naag ilmo sidata markaasayku booday oo ay tidhi naayaa isii ilmahayga oo way ka boobtay wayna diiday in ay sii dayso ilmihii iyohooyadii.

dadkii dariiqa maraayey oo dhan ayaa ku soo ururay ka dib waxaa dadkii ka soo dhex baxay nin ma naxa ah.wuxuu yidhi i dhegaysta hadda laga bilaabo ilmaha waan inii kala goynayaa ee maku qanacsantihiin mise waa maya.gabadhii aan ilmaha dhalin waxay tidhi waan ku qanacsahay ee noo kala gooya.naagtii ilma dhashay way diiday in laka gooyo ilma.

naagtii kaese waxay ku adkaysatay in ilmaha la kalajaro. markuu ninkii nanaxa ahaabilaabay in uu kala jaro ayey tii ilmaha dhashay tidhi waxba ha jarine iyada siiya ilma.

naagtii ilma dhashay sidaas ayaa lagu ogaaday waayo tan aan dhalini uma naxayso ilmaha.arintu waxay maxadcase ku noqotay sida naagtaa wexeegii lugu qabsaday. wax kasta oo uu maxadcase ka xishoodo in uu samaroon u qaaddo waxaa laboodaya oon naxaynin makaahiil oon degaan iyo
daltoona kulahayn Somaliland iyo Somaliyaba - manaxana waa laguu yaqanaana - Garo ama ha Garan.

Muxaydin. Y. W.
London, UK

Suldaan Ka Tirsan Salaadiinta Awdal Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Gobolka Iyo Arrimo Kale Oo Uu Ku Tilmaamay Kuwa Aanu Weli Hore Ugu Arag Dalka

"Garan maayo wuxuu Rayaale qurba-joogga u sheegi doono, annagoo dalka joognay baa Fahmi La’"

"Dadweynaha gobolku waxay ku jiraan cunaqabatayn, waxa haysta rag Ooman oo ka yimi…”

Boorama, January 8, 2008 (Haatuf) – Mid ka mid ah salaadiinta Gobolka Awdal ayaa ka hadlay marxaladda gobolka Awdal iyo guud ahaanba dalku ka marayo dhinacyada dhaqaalaha, nolosha iyo arrimo kale oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa u baahan in wax la iska weydiiyo.

Sida uu ku soo waramay Maxamed Cumar Sheekh, weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo dhawaan waraysi arrimhaasi ka siiyey qaar ka mid ah warbaahinta kala duwan ee ku sugan Boorama ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sida looga qaybqaadan karo taakuleynta Gobolada Bari iyo sida dhallinyaradii gobolkani uga baxday dalka.

Ugu horeyn Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye ayaa isagoo ka hadlaya xaaladda ka taagan gobolka waxa uu yidhi: “Weligay intaan joogay gobolka Awdal waa markii koowaad ee dad intaa le'egi qaxooti ahaan dalka uga baxaan, boqolkiiba afartan ayaa qaxooti ah, guryuhu waa faaruq. Iyadoo ay taasi jirtay ayaa haddana muddo saddex sannadood ah oo gobolkani cunaqabatayn uu ku jiray, waxna aan laga sheegin, lana iska adkaysananayey waxaa waxa soo baxday in xoolihii ay lahaayeen ee geel iyo adhiba lahaa ee ay u iibgeysan jireen Djibouti xeebahana mari jiray Geerisa loo joogsaday. Waanad ogeydeen in la yidhi xooluhu Carab bay u xidhan yihiin, cashuurtii waxay gaadhay neeftkii lix doolar ($6), sidaa darteed dadkan oo u dhashay nabad jacayl doonayana inay dalkooda wax u qabtaan, dagaalna iska diiday ayaa lagu kellifay inay xoolahoodii qori caaradii ku difaacdaan. Waa la oggaa in adhi boqolkun ka badan iyo boqollaal geel ah la iskugu keenay Geerisa, adhigaa waxa la yidhi neefkii lix doolar ku cashuura, haddii kale Berbera geeya oo carabkaa u geeya, isagoo carabkaasi Djibouti uun adhigaasi geynaya, qisadaa waxaanu u aragnay nin Oodweyne jooga ayaa shilin ugu hadhaye u geeya. Neefka Lawyacaddo laga soo celiyey ee la yidhi Berbera geeya, macnaheedu waa Oodweyne ku celiya, xoolaha aan waxba galabsan ee harraadka dhulka intaa le’eg lagu sii marinayo ee la soo lugaysiinayo waa wax laga naxo. Dadkaasi waxay haysteen way bixiyeen, maadaama lagu khasbay, waxana ka dambaysay bishii ramadaan badeecado lagala soo degay Djibouti taasi markay bilaabantayna, rag oomanbaa Bari ka yimi oo horjoogsaday. Ragaasina waa in laga soo gaadhaa gobolka. Dawladduu weligeedba way hortaagan tahay waxa ka soo degeya Djibouti. Maamulkii gobolka ee arrimahan wax ka qaban lahaana wuxuu noo sheegay inaanu awood u lahayn wax ka qabashada arrimahaasi, waxaanse ummadda u sheegayaa in arrimahan wax laga qabto.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in aanay xukuumaddu ogolayn xoriyatul-qawl ka hirgala gobolka Awdal, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi: “Dhinaca kale gobolkan Awdal lama oggola xorriyatal qawlka, ragiinnaa i horfadhiya [weriyeyaasha] mid aan la xadhini kuma jiro, waxayna ku xidhmeen hawshooda. Waana nasiib-darro in maanta reer Awdal cawdaan iyagoo haysta hoggaankii dalka, hase yeeshee waa markii koowaad, waana kii kari lahaa ama u abuuri lahaa shaqooyin.”

Mar uu ka hadlayay Suldaanku arrinta taakulada ee xoolaha dadweynaha gobolka lagaga ururinayo wuxuu yidhi: “Waxaa la leeyahay xoolo haloo ururiyo, magaca dawladeed meel ay ku qoran tahay lama hayee maxaa xoolo nalagaga rabaa?”

Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye waxa kale oo uu ka hadlay safarka Madaxweynaha iyo kulanka la filayo inuu la yeesho qurba-jooga gobolka iyo guud ahaan Somaliland, iyo waxyaabaha uu Madaxweynuhu u sheegi doono qurba jooga, waxaanu yidhi: “Annagoo dalka joogna ayaanu madaxweynaha waxba u sheegi kari weynay, haddii uu maanta debedda ugu tegeyna [Qurba-jooga] dee waxa uu u sheegayo ma garanayo, boqolkiiba saddex ayaa jooga, wuxuna ku odhan doonaa waa la fiican yahay, iyaguna way soo dhaweyn doonaan uun. Annaga iyo kuwaasina [Qurba-jooga] waanu iskuwada xidhannnahay, laakiin annagii dalka joognay baa fahmi la', hadday tahay madax-dhaqameedyo iyo haddii aanu reer Boorama nahayba, waanad arkaysaan in wakhtigii uu dalka xukumayey dalkii xaalufay oo laga baxay.”

Ugu dambayntii Suldaan Muuse waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Badhasaabka gobolka Awdal, waxaanu yidhi: “Badhsaabka wax badan oo uu na faray waa loo qabtay, imikana diyaarbaan u ahayn laakiin abaar baa jirta oo waxba uma qaban karro."

Source: Haatuf

U.S. Engagement in Ethiopia and Somalia

f people are arrogant and shallow, we have the duty tell them that they are arrogant and shallow; otherwise they will continue bullying us. "Ms Lahra Smith, I personally request you to leave my country alone. No one is entitled to kill people. I personally have opposed the Ethiopian mission in Somalia from the very beginning due to the fact it did not make any sense to me to go into Somalia instead of going to Asmara."

Shabia has been arming and training the Islamic Court and countless rebels from Ethiopia. It has been Shabia which has been bombing Ethiopian cities, hotels and taxis all over country. It has been Shabia which has promised to dismantle Ethiopia. However Shabia has an endorsement from the honorable Prime Minister of Ethiopia to kill Ethiopians.

The Islamic Courts never did what Shabia has done to Ethiopians. They only made an empty talk show that they will invade Ethiopia. Though they boasted to invade Ethiopia, they did not have the capacity to invade Ethiopia without the help of Shabia. If there is no mystery between the Prime Minister of Ethiopia and Shabia, the right thing to do was to deal with Shabia the real enemy of Ethiopia once for all. Ethiopians have been begging the Prime Minister to do something about Shabia.

Nonetheless, Prime Minister Meles Zenawi has rejected the pleas of the plea to deal with Shabia. He insisted the Islamic Court was a real threat to Ethiopia. Ethiopians opposed the move to Somalia. Now Ethiopia has made good enemy for itself for eternity and Shabia has got an eternal partner. Now Ethiopians are immersed in war that will leave Somalis bitter for eternity against Ethiopia.

So it is Lahra Smith condemns Ethiopian government for going to Somalia and accuses Ethiopian government for human right abuses. What Lahra Smith has completely failed to see is the human right abuse at her own back yard. Americans have been killing civilians since the time they occupied Iraq while looting their resources too. For the Iraqis that is not a blessing. It is beyond human rights abuse, it is inhumanity. Nevertheless, Lahra Smith has blind eyes to see what her country has been doing to the Iraqis and she has a deaf ear not to hear what has been happening to the Iraqis. She has no a sense of humanity to the Iraqis, but she has a sense of humanity to Somalis and Ethiopians. She is telling us without any shame that Americans are the stewards of human rights.

Are Iraqis not human beings? Don’t they deserve freedom and reverence of life? Are Ethiopians and Somalis better human than the Iraqis? What can make American leaders like Lahra Smith humanitarians? Does it matter whether a human being is killed by an American or Ethiopian?

Lahra Smith is jealous of Ethiopian regional hegemony, but she is not critical of her country’s global hegemony. Does Lahra Smith think we are stupid and have no means to apply our brains?


Lahra Smith calls Ethiopians shortsighted for opposing
Ethiopia to be neo-colonized. Lahra Smith, what qualifies you to govern Ethiopia? Do you know Ethiopia is as mighty as America? Do you believe it?

It is our ancestors who defeated colonizers with machetes, picks, axes. We do not need guided missiles and unmanned satellites and Mig jets to protect ourselves. We do not value ourselves and our strengths by money. Our humanity and strength is measured by who we are and by our faith and determination.

Though you have an inspiration to colonize Ethiopia, it will remain a dream in your life. If you ever do that we will draft a law in Addis Ababa to rule America. Then it will be tit for tat.

If you tell us we are shortsighted for opposing megalomaniac adventure to colonize Ethiopia. We must tell you that you are not only shortsighted, but you totally blind and deaf.

If you want to clean our house, you need to clean your house first. It does not make any sense cleaning somebody's house while one’s own house is dirty and filthy. We are not double minded and doubled hearted. We know an alliance with you does not hold water due to the fact you actually do not care about humanity except about your earthly interest. It has been said that it is the Americans who creates monsters on this planet. Saddam was created by America, Bin Laden was created by America, Mobutu Sese Seko and many other dictators on the planet were created by America. Even Issayas Afeworki of Eritrea has been created by the Americans. It was them who funded Issayas Afeworki for 30 years immersing the same people in an endless bloodshed.

It is the Americans who landlocked my country and Lahra Smith now to add an insult to injury, is telling me she wants a law to govern Ethiopia from Washington. The day you do that I will join Bin Laden against your country.

In conclusion, you need to take out the beam in your own eye before you contemplate taking out the speck in my eye. Then I will join you if you talk about human rights. Otherwise it does not make any sense at all.

Source: African Path