Mudo laba bilood ah ayaa tababar tayeynta macalimiinta gobolada Awdal iyo Saaxil uga socday jaamacada Camuud, waxaana ujeedadu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Hoose/Dhexe ee tuulooyinka ku yaal labadaas gobol, waxaa kale oo qorshaha ku jira sidii macalimiinta aan ka aqoon sarayn heer dugsi sare ah in iyagana la gaadhsiiyo heer ay aradayda waxa ay barayaan noqdaan mid ka saraysa heerkii uu ahaa, waxaana iska kaashanaya arintaas tababarka tayeynta macalimiinta wasaarada waxbarashada iyo hay'ada SC Denmark, halka ay macalimiinta wax barayaana ay ka socdaan jaamacada Camuud, waxaa kale oo arintaas weheliya sidii macalimiinta heer Diploma loo gaadhsiin lahaa, waxna la baro xilyada ay iskuuladu fasaxa yihiin.
tarabarkan oo bilowday sanadkii hore waxaa imika waxbarshadu u soctay 200 oo macalin oo ka kala socday Saaxil iyo Awdal, halka macalimiinta Burco iyo Hargaysana ay wasaarada waxbarashada gacan ka siiyaan hay'adaha Care International iyo Save The Chidren UK, macalimiinta casharada bixinayaana ay ka socdaan jaamacada Hargaysa.gudoomiyaha waxbasharada G/Awdal Prof. Daahir Maxmuud Xadi oo ay weheliyaan gudoomiyaha waxbarashada ee G/Saaxil Max'ed Max'uud Cilmi iyo Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed ayaa maanta ka qayb galay munaasabdii lagu soo xidhayey tababarkii tayeynta aqoonta macalimiinta oo socday mudo laba bilood ah, laguna qabtay Hall-ka jaamacada Camuud waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal.
Prof. Xadi wuxuuna ka waramay in ujeedadu tahay in macalinka xag cilmi iyo xirfada gudbinta casharda loo siin lahaa waana arin ku qotonta siyaasda wasaarada waxbarashada waxaana la ogaaday mudadii koobnayd ee ay socdeen tababaradaasi ay macaliiintu ka heleen aqoon korodhsi aad u dheer.gudoomiyaha waxbarashada gobolka Saaxil oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in waqtiyadii tabaradaas ay qaadeen macalimintu laga dareemayo iskuuladii ay wax ka dhigayeen sida ay waxbarshadoodi isku badashay taasi oo laga arkayo fasladii ay wax ka dhigayeen.
gudoomiyaha jaamacada Camuud Prof Sulaymaan ayaa isna ka hadlay oo yidhi:shaqada macalinimadu waa mid aad y qiimo badan wuxuuna ku tilmaamay tukaan aan kacayn, isla markaasina macalinku wuxuu had iyo jeer helaa dad badan oo qiimaynaya oo tixgalin siinaya goor kasta, wuxuuna kula dardaarmay macalimiinta in aanay ka daalin waxbarshada isla markaana ay aqoontooda sii kordhiyaan si ay u noqdaan macalimiin waaya arag ah oo meel kasta wax ka heli kara.
Weriye Hassan Isse
Borama, Awdal
Tuesday, July 31, 2007
Tababarkii Tayeynta macalimiinta ee ka socday jaamacada Camuud oo la soo gabagabeeyey - Abokor afi
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
8:05 PM
0
comments
Labels: Education
Degaanka Degmada Saylac oo dhaqaaleheedu sare u kacay - Hassan Afi
Gudoomiyaha Goloha deegaanka Degmada Saylac Maxamed Cumar oo ka hadlayey dhinacyada dhaqaalaha nabadgaliyada iyo arimaha bulshada. Ayaa sheegay in labadii bilood ee u ugu danbaysay muuqaal ahaan laga dareemayo in dhaqaaleheedii sare u kacay taasoo uu sabab uga Gudoomiyuhu isgaadhsiinta telefoonada ee gaadhay degmadaasi.
wuxuuna intaasi sii raaciyey inay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ganacsi iyadoo isla markaasina Huteelada dalxiiska ee Rays, Mansoor iyo shirkadaha xawaaladaha ay ka goysanayaan ama ay ka iibsanayaan jagooyin ayka samaystaan meherado kala duwan oo halkaasi u dagan Gudoomiyaha golaha degaanka ee degmada Saylac oo arimahaasi ka hadlayey wuxuu yidhi degmo ahaan waxaa nooga soo kordhay akhli farabadan oo xaga miisaaniyada wax ka taraya wuxuuna intaasi sii raaciyey inay wadaan dib u habayn ay ku samaynayaan goobihii taariikhiga ahaa ee Saylac sida gurigii martida ee degmada Saylac, loona yaqaano guriga fooqa ah ee (kooco) ee uu daganaan jiray gudoomiyihii degmada wakhtigii gumaysiga, wuxuuna intaasi sii raaciyey inay dib u hagaajin ku sameeyeen jasiirada Sacaadudiin oo uu ku tilmaamay inay noqoto meel dalxiis ahaan loo yimaado degmada.
Gudoomiyaha degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad oo ka hadlayey xaga nabad galiyada waxa uu sheegay inay tahay degmooyinka ugu xasilan uguna nabad galiyo badan gobolada dalka Somaliland.Gudoomiyaha degmada Saylac wuxuu ugu danbayntii ka hadlay shuban biyoodkii ka jiray degaanka Saylac dhimasho iyo in loo jiifsadaba keenay ayaa maanta waxa uu cadeeyey inuu ku sii hadhay tuulooyika Xariirad iyo Habaas lakiinse wuxuu carabka ku dhuftay in dadaal xoogle oo shuban biyoodkaasi lagu dabar goynayo ay wadaan caafimaadka gobolka Awdal maamulka degmada Saylac.
Weriye Hassan Isse
Borama, Awdal
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
8:01 PM
0
comments
Labels: Saylac
Sunday, July 29, 2007
Amsterdam: Anakoo ah Jaaliyadaha Qurbo Jooga Ee reer - Samatar Xamse
Anakoo ah Jaaliyadaha Qurbo Jooga Ee reer Awdal khaas ahaan jaaliyadda Holand waxaanu halkan Hanbalyo IYo Taageerba Uga Direynaa Fikradii Maamulka Shirakadda Telesom C/qaadir Aadan Nuur Ee Ahayd Jidka Isku Xira Dilla Iyo Borama Dhiskiisa Oo laami ah Anakoo Ku Faraxsan Fikradda walaalkeen oo mar walba jecel hore marinta gobolka Awdal , hadaanu nahay jaaliyadda holand waxaanu la garab taaganahay Taageero buuxda waxaanan walaaalahayga Qurbo Jooga ah Aan Jecelnahay Inay Taageero Buuxda Nagala Qaataan Sida Jaaliyadaha ,Sweden, Norway , North America: Canada iyo U.S.A, Germany , Finland , Australia , South Africa , United Arab Emirate, Saudi Arabia , Switzerland , England , New Zealand , China, Malaysia , France, Belgium, iyoKuwait ,oo ah Dhamaan Qurbo Jooga Awdal , marka labaad waxaanu Hanbalyo u Direynaa Cid Kasta oo ka qayb qaadaneysa Dhiska Jidka Laamiga Ah Ee u dhaxeeya Dilla Iyo Borama Anakoo Ah Jaaliyadda Holand Ee magacyadoodu Hoos Ku Xusan Yihiin.
1- Mustafe Cabadi Xabashi
2- C/ kariin maxamed Faarax dhago
3- Axmed Carab Da'uud
4- Mawliida jaamac aloore
5- C/rashiid jibriil Aamin
6- Idiris Xadi Ibraahim
7- C/qaadir maxamed Cilmi
8- C/qaadir cabdi Jibriil
9- khadar Yuusf Ibraahim
10- Rashiid Xadi idle
11- Samatar Xamse Aadan
12- Shire muuse jaamac
13- C/risaaq Axmed Kuwait
14- C/kariin Daheeye Ismaciil
15- C/qani C/laahi Jiiro
16- Maxamed C/laahi Diiriye
17- Faysal Faarax Aleel
18- C/karin Jaamac ALeel
19- C/raxamaan Ali Rooble
20- C/raxmaan Xuseen Xirsi
21- cumar Xaaji Daahir Aw Cilmi
22- Maxamed xildhibaan Aare
23- Axmed Suldaan ( xildhibaanka
24- Yuusuf Xuseen Suldaan
25-C/qani Dhagjar
26- Shirwac Arki JIrey
27- muxiyadiin baabuloo
28- Mawliid Dacawo
29- NIcmaan Makeyl
30- Fadxiyo maxamed xasan
31- khadra Xasan Kaahin
32- Raxma Sheekh C/laahi Muuse
33- Sucaad
Source: Samatar Xamse
samatar52@hotmail.com
Gacmo Wadda JIr Bay Waxa Ku qaban Karaane Aan Is Wehesho Walaalayaal Aan Wadda Jirno walaalayaaal
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
7:56 PM
0
comments
Labels: Baaq
Thursday, July 26, 2007
URURKA WAFAA OO SOO GABAGABEEYEY AQOON KORODHSI AY U SAMEEYEEN ARDAYDA - Abokor Afi
waxaa maanta lagu qabtay masaajidka AlI-ibraahim ee magaalada Boorama xaflad lagu soo gabageeynayey aqoon iskorodhsi socday mudo bil ah kaas oo ay ka faaiidaysteen 1090 arday oo u badan ardayada iskuulada dhigata taasina ay uga faa'iidaysteen xiliga fasaxa ah waxaanay ardaydu mudadaas baranayeen cilmiga diinta Islaamka gaar ahaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ah, culuumta Xadiiska, Caqiidada iyo Naxwayaha luuqada carabiga.
waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Axmed Sheekh Jibriil oo ah gudoomiyaga ururka samafalka ee wafaa oo sheegay in aradayda ka faa'iidaysatay casharatan socday mudada bisha ah ay gaadhayaan 1090 araday hasa yeeshee ay dhamaysteen mudadii loogu talo galay 120 arday oo iyagu maalin kasta xaadir ku ahaa goobta wax barashada oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba, waxaanu ku booriyey in ay waqtiga iyo fustadaha soo maraya ay ka faa'idaystaan oo aanay dhayal kaga lumin, waxaa kale oo Axmed xusay in ay sii wadi doonaan hawlaha barida diinka Islaamak si ay ugu faa'iideeyeen dadkooda.
waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sh. Xasan Deheeye oo ah gudoomiyaha ururka Awdal Charity waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay da'yar sidaas ugu heelan oo rabta in ay bartaan diinta islaamku in ay yihiin wax Ilaahay lagu mahadiyo, waxaanu sheegay in aduunyada tartan lagu jiro kaasana lagu kala badin doono cida horaynaysaana ay tahay cida diinteeda iyo dhaqankeeda barata ee ku mitida, wax kasta oo ka hor yimaada islaamkuna isaga ayaa burburi doona ayuu yidhi, waxaana lagama maarmaan ah ayuu ku soo gabagabeyey in ay dadku ku tartamaan sidii ay raali aahaansha ilaahay ay ku gaadhi lahaayeen.waxaa kale oo halkaasi ka hadlay sheekh Cumar Aw Yuusuf iyo Sh. Mamxed Yuusuf Cabdi oo sheegay in ay ku dardaaryaan dhalinyardy in ay ka faa'iidaystaan waqtigooda oo aanay iska lumin fursadaha soo maraya, isal markaana ay xojiyaan barshada diinta Islaamka.
waxaa isgauna halkaasi ka hadlay Cabdulqaadir Aadan Nuur oo ah gudoomiyaha Telesom waxaanu amaanay sh. Xasan Deheeye oo uu ku sheegay in uu yahay culimadii ugu horaysay ee ku dadaashay in ay dadka diinta baraan, isalamrkaana aan ahaa ayuu yidhi dadkii wax ka baran jiray sheekh sanadihii sedeetameeyadii ee ay jirtay dawladii MSBarre oo aan la ogolayn in dad badani meel lagu kulmiyo laakiinse imika ay jirti fursad badan oo dad wax lagu bari karo ama lagu kulmin karo.
weriye Hassan Isse iyo Abokor Afi
Saylicipress.net
Borama, Awdal
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
7:53 PM
0
comments
Labels: Non-profit
Wednesday, July 25, 2007
Association of Awdal Community of North America. (AACNA) - Press Release
Association of Awdal Community of North America. (AACNA)
25 July 2007
FOR IMMEDIATE RELEASE
Assocaition of Awdal Community of North America is a Not for Profit organization (or Non Profit Organization) formed at the Awdal Convention in Minneapolis, Minnesota of 15-17 June 2007. It was consitituted to organise, research, initiate and implement development projects in Awdal in collaboration with Awdalian Diaspora around the world, the Community inside Awdal and to seek the support of International donors, grant makers and philanthropic foundations and governments.AACNA has been given the mandate to make every effort to reverse the severity of underdevelopment in Awdal.The Board of AACNA has unanimously accepted that mandate and all the responsibility it entails during their tenure.
The resolutions of the above Convention have produced a long list of needs, and as is common to all underdeveloped communities, all of these needs are indispensable. Yet, in the interest of realization and fruition some have to be designated a priority. Those must have the characteristics of engendering community development. Some projects will need the altruistic sacrifice of a few members of the community, whereas others will require the collective determination, resources and the utmost sacrifice of the people of Awdal.
Having that in mind, the Board has decided that three projects namely the Dila-Borama road, Education and Seed Nursery will be the category A projects.Anchored in the criteria of collective sacrifice and owing to its critical importance to the wider social benefits, the Board of Directors of the Association of Awdal Community of North America has resolved that the road between Dila and Borama deserves the utmost attention of the people of Awdal and has been designated the primary project.The Board will, in the very near future, produce a fundraising plan that will involve the Awdal Diaspora around the world and the Awdal Community back home. The Board will produce directions and strategies for the various communities to start the fundraising and if necessary will send members to aid them in that capacity.
The designation of the road as the primary project does not, by any stretch of the imagination, mean that other projects will have to wait or be on hold. The Board and the Awdalian community will continue to implement projects simultaneously and according to the specific requirements of each project.The Board of Association of Awdal Community of North America would like to remind the Awdal Community every where that development is attained by those who unite to achieve it.
For more information please contact:
Mohamed Alabari, President at 612-290-1521
Nur Bahal, Vice President, 416-201-7090
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
7:48 PM
0
comments
Tuesday, July 24, 2007
Beel ka Mid ah Beelaha Degan Gobolka Awdal oo Damacsan Musharaxnimada - Waaheen online
Beel ka Mid ah Beelaha Degan Gobolka Awdal oo Damacsan Musharaxnimada Madaxweyne-Ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye: Ilaa Lix Nin ayaa la Sheegay inay Tartan ku Jiraan: Arrumaha kale ee Jagadaa ku Xeeran Beel ka mid ah beelaha degan Gobolka Awdal ayaa la sheegayaa inay toddobaadka soo socda shir balaadhan ku qabsan doonto degmo ka mid ah gobolka Awdal si ay uga arrinsato sidii ay u keeni lahaayeen musharax u tartama jagada Madaxweyne-ku-Xigeenka oo iska soo sharaxa Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye.Ilo ku dhow dhow qabanqaabada shirkan ayaa Radio Waaheen u sheegay in uga yaraan lix (6) musharax oo ka soo jeeda beesha Moxamed Case ee gobolka Awdal ay u tartamayaan jagadaa, abaabulkuna uu ka socdo ilaa Djibouti. Ragga ugu fara cad cad waxay la sheegay inay yihiin:
1) Cabdilcasis Ismaaciil Samatar
2) Cumar Yusuf Qawdan
3) Cabdillahi Xaashi Abiib
4) C/raxman Cabdillahi Saylici
5) Caydiid Xaaji Daahir Cilmi
6) Iyo Cabdillahi Xasan (BBC)
Abaabulka shirkan la sheegay ayaa laga dareemay Degaanada Waqooyi Galbeed iyo Awdal iyo magaala madaxda Hargeysa. Waxana la sheegay in Djibouti ay ka imanayaan wufuud ka qaybgalaysa shirkan. Toddobaadkii hore ayaa waxa Hargeysa lagu qabtay casuumad balaadhan oo ka dhacday Hotel Xaraf oo Cugaasha, Waxgaradka, Salaadiinta iyo xildhibaanada Beesha Moxamed Case ay u fidiyeen xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiilada, ka dibna shir balaadhan ku qabsadeen Guriga Xildhibaan Moxamed Cali Xirsi., halkaas oo si toos ah ku dalbadeen inay beeshaasi qaadato jagadaa M/weyne Ku-Xigeenka ee Kulmiye.Xisbiga Kulmiye dhexdiisa waxa ka jira tartan xoogan oo rag badani isu soo bandhigeen jagadaa iyada ah. Iyada oo markii hore la filayey inuu xisbigu jagadaa u sharaxi doono nin ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha degga Hargeysa sidaas awgeedna ay isa soo bandhigeen rag ay ka mid yihiin:
- Mujaahid Muse Biixi Cabdi
- Dr. Siciid Axmed Xasan
- Eng. Cisman Cabdillahi Cigaal
- Muj. Ibrahim Moxamed Meecaad
- Cali Moxamed Guuleed Ali Marshaal, iyo
- Axmed Moxamed Xariif
Waxa iyana hunguri wayn ka hayaa beesha galbeedka Toghdeer oo la sheegay rag ka soo jeedaa inay shirar la yeesheen beelaha kale kana codsadeen in iyaga loo daayo jagadaas. Waxa arrimahaas oo dhami ku soo afjarmi doonaan shirweynaha labaad ee Xisbiga Kulmiye oo aan weli la goyn wakhtigii uu dhici lahaa iyada oo uu dib uga dhacay maalintii shalay ee July ahayd 22.
Source: WAAHEEN online
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
7:40 PM
0
comments
Thursday, June 21, 2007
Taariikhdu waa madal - Roda Mizan
21 June 2007 - Awdal Convention;
Gabaygan oo lagu xidhay maalintii labaad ee shirka umada ku dhaqan Gobolka Awdal iyo dibadiisaba ee ka socday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota bishan juun 15 ilaa 17 keedii 2007. Roda Ahmed Mizan oo ah abwaanada cusub ee gobolka Awdal dhinaca sugaan casriga ah ka haqab tiraya ayaa markii ay gabaygan ka akhriday golohii lagu shiraayey ayaa dadka intoodii badnayd aad iyo aad ay ugu qushuuceen micnaha uu gabaygu xanbaarsan yahay iyo arinta waaqiciga ah ee uu dabaqaayo ee dadka gobolka Awdal ku nool ku habsatay mudada aan kala go'lahayn.gabaygu wuxuu taabanayaa dhinacyo badan;
dhinaca horumarinta, isku calool fayoobaanshaha ay umadu u baahan tahay, caafimaadka, jahliga iyo dhibka uu umada ku hayo. abwaanadu waxay tidhi, "Teenuna sokeeyow waxay saaran tahay tuur; todobaatan mayloo taakulo u baahane ayaa looga tagayaa?" bal wax kaleba ha joogee; todobaatankaa "mile" ee Borama iyo Dila u dhexeeya ayaa la rabaa inuu dhiso? jawaabtu reer Awdal ayey u taalaa. dhinaca kale gabagabada; midnimadu inay qaali tahay ayey muujisay abwaanadu oo waxay tidhi " Tashi iyo Rag bays muddan - U fiirsada tilmaantaa Tusmo wadajir noo suga; Ha la dhiggo tummaatida; Tafwareen ha joogsado; Toobiye midnimmo iyo ha la maro tub mahadeed."
Gabaygii oo dhan waa kan:
Taariikhdu waa madal
Tagto iyo Timaadaba
laga helo tusaalaha
Turjumaada waayuhu
Waa qof iyo Taagtii,
Tusaale iyo beeggii
Hal abuurka toogtii
Maansada Tikraarkeed
Himilada Tusmaynteed
Tilmaantiisa waayaha
ku salaysan tuducyada
Aqoonyahan Taseecii
Tilmaantiisa waayaha
Ku salaysan Tuducyada
Tawanaha wixii maqan
Tawaadda iyo qalinkiyo
ku cabbire Tiraabkood
Bulsho Taabo galideed
Tolnimo iyo ururkeed
Tiigsi iyo ismaqalkeed
Qofkastaaba Tamartii
Tiska wada habaynteed
Taagyare Gargaarkeed
Turxaan iyo Dawaynteed
Tudhid iyo hilowgeed
Teenuna sokeeyoow
Waxay saarantahay tuur
toddobaatan mayloo
Taakulo u baahane
yaa looga tagayaa?.
Kun Tabaale caydheed
Tamco iyo la dhigay qonof
Kun abaar ku talaxtegey
Oon neefta taabayn
Haddii tiisa lagu xidho
Yaa looga Tegeyaa?
Inta aan tisqaadine
Tawsta iyo gaajadu
Wali toban ku gaadh tahay
Yaa looga Tagayaa?
Inta cudur tammootiyay
Tarab tarab u dilayeen
Laga reebin tiiftii
Yaa looga tegeyaa?
Tafan toof aqoon xumo
Inta wali la taahdee
Aan tiriigga loo shidin
Yaa looga tegeyaa?
Tiigaalka waayahu
Inta uu ku taagsaday
Tusbax go,ay sidiisii
Inta daadsan tiirida
Maxaa howl inoo taal!!!!!!
La tilmaan dhibaatada
Lagumana Talaabsado,
Tusmo iyo ka gudubkii
Taladii is maandhaaf
Ku danbaysay taagtaag
Moramaha la tuur tuur
Ninba tuuji meeloo
ku adkaysay tiisii
Toox iyo xan mooyee
Soorsooran laba tuur
Talo wada jir laga carar
La takoor wanaagii
La siyaasadee talo
Tubtii socodka laga baydh
Tiix noqoy adeegii
Tayyo beel waxqabadkii
Teneg madhan sidisii
U dhawaaq tarkeenii
Tudhid beeshay dooddii
La tumaati sheekada
Tartankii qofnimo iyo
U carawnay teel teel
Nin tusaaledege ihi
Ka tallaabsay sharaftii
Toolmoone odaygii
Tafta xayday oo carar
Tuulamaha laga arag
Tarmo seega maatida
Tows oyday hooyadu
Timihii basaas go'e
Tiiraanyo awgeed
Hablihii Tix iyo fadal,
tawaawece itaalkood
Nin qurbahan ku turuq go,
ay La bid inu wax tarri karo
Dhowr goor wax tuur tuur
Walina ceelku waa tabis
Ma tubbana la eeguhu
Tuhunkiina sii badayBaahidiina way taal
Markan waa rag iyo tallo!!
Tashi iyo Rag bays muddan
U fiirsada tilaantaa
tusmo wadajir noo suga
Ha la dhiggo tummaatida
Tafwareen ha joogsado
Toobiye midnimmo iyo
ha la maro tub mahadeed
Allahayoow tolnimadiyo
Noo kori is tiirsiga
Kuwii taabba gala ee
Naga yeel waxtari kara
AAMIIN.
Roda Ahmed Mizan
U.S.A.
rodamizan@hotmail.com
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
11:04 AM
0
comments
Labels: Suugaan
Friday, June 08, 2007
Somalia: The rise of Maakhir State and the fall of Puntland
OpinionSomalia: The rise of Maakhir State and the fall of PuntlandORIGINAL TITLE: The rise of Maakhir State and the fall of Puntland in Sanaag and Western Bari Regionsby Raz Shirwa**As observer in Puntland affairs for the last 9 years, I have witnessed many stories unfold in front of me, sad ones and good ones, the birth of Puntland State of Somalia was a moment of joy for many inhabitants of Northern and East regions of Somalia.The population of these regions have common clan and the have held discussions in order to establish an administration which will safeguard their safety and distributing wealth and resources between themselves until a federal government comes to active.
The birth of Puntland also triggered the idea of regions can survive until Mogadishu and the rest of the country settles, They agreed that Puntland will occupy the northeastern portion of the area compromising the post-colonial Somali republic, which in 1960 joined the former Italian Somaliland and British Somaliland into a single state.
Prior the establishment of Puntland, there was Somaliland which declared its independence from Somalia in 1991 and since then never has been recognized by any international body or local government.
The rise of Puntland angered Somaliland authority since the Somaliland was based on colonial border between British Somaliland and Italian Somaliland and therefore laid claim over Sanaag Region and Sool.
That led to a military clashes in Sool Region in 2003 and still there are opposing forces outside of Las Anod, the biggest city in Sool Region.Sanaag Region, which is the second biggest region in Somalia as whole had peace and tranquility that other regions in Somalia lacked and when Puntland was established the echo of civil war start ringing as some of inhabitant of this region did indeed want it to be part of Somaliland.Sanaag Region consist of five main districts, four out of the five is inhabited by the Warsangeli clan, districts of Laasqoray, Badhan, Dhahar and Erigavo is by larger or over all inhabited by the Warsangelis, who are counted as the fourth biggest Darod clan and have the oldest Sultanate in Horn of Africa.The first destabilizing attempt did accrued when Ade Muse forces was defeated by those of Abdullahi Yusuf, the current President of TFG and fleeing Ade Muse asked refuge from the Warsangelis and when they refused him sanctuary he went to the district of Eil Afweyn which is the Fifth district of Sanaag and the local inhabitant are loyal to the Somaliland Authority.
Abdullahi Yusuf chose not to attack the base of Ade at Eil Afweyn and finally the Warsangeli Sultan and King of the Haber Je'lo sub-clan of Isaaq lead a peace effort which finally has been accepted by both warring factions.Since Ade Muse came to power, Sanaag region has seen rollercoaster time as its stability has been jeopardized by the Puntland Authority when Adde sent some of his ragtag militia to guard a mining village of Majiyahan and that lead to bloody battle between the Warsangelis and mainly Osman Mahamood (Majerteen sub-clan) militia who were claiming to be representing Puntland, who were finally defeated 13 April 2006.
Also, the region did not just experience war and clashes but even in peace time, the region has been neglected by the Puntland and the government of Puntland did not bother even paying the serving army from Sanaag and Western Bari, which the Warsangelis viewed as humiliation.That contributed to the idea of creating new regional government named Maakhir State of Somalia, which is independent from Puntland and Somaliland and will put itself under the Federal Government. The main idea is that the Sanaag Region and Western Bari do not benefit from Puntland State and all the aid agencies and allocated funds for these areas do not reach it, therefore we should administer ourselves and govern our affairs. Puntland failed in these regions, mainly due to bad management and lack of respect for those who inhabit in these areas.Another argument was that if this vast area which the international bodies and aid agencies named as disputed territory does administer itself then the argument of that this area is disputed will no longer be there.As whole, Puntland never took off in these regions, mainly due to corruption, nepotism, and only benefited by one clan, this forced the locals of Maakhir State to build their own regional government.
The rise of Maakhir idea spread and became clear that this will soon or letter will be the case, the Diaspora supported this idea and sow this as solution for the lack of development of the Sanaag Region and Western Bari.
Col Jibrell Ali Salad, a former soldier and governor of Togdher and Lower Juba (Kismayo) regions, took this idea and traveled across Sanaag and Western Bari to sell the idea to the local population.Col Salad visited vast areas of Western part of Sanaag and visited cities such as Erigavo, Damalla Hagare, Armale, Yube and gave speeches to the local population which in return the population and the local elders agreed to the idea of Maakhir State of Somalia.Col Salad, also visited the rest of Sanaag cities such as Hadaftimo, Eil-Bu, Hingalol, Dhahar, Buraan and some small villages in western Bari and did repeated the same speeches and also the local elders and local population welcomed the idea of Maakhir State of Somalia.
Finally, the biggest breakthrough came on the 1stf of July this year, 2007, when the soldiers from Puntland and those from Somaliland entered the Badhan City, the capital city for the new state, and gave salute to Mr Salad and accepted him as the commander in chief.
This lead to jubilation and flowers been poured on the soldiers and the birth of Maakhir State was for real, the following weeks the new authority started to collect rubbish from main towns and re-arranged the security forces.The rise of Maakhir State of Somalia in Sanaag and western Bari will undoubtedly improve the security and development which these areas need badly.
Roads and ports are needed in order to improve the economy of this new state and also, hospitals are badly needed as the entire state has only 2 functioning hospitals, one in Badhan and the second one in Dhahar.There are still ongoing talks between the elders of Maakhir in order to establish legislators and then choose its speaker; also there are more discussions on distribution of ministries and governors.**Raz Shirwa can be reached at: risack2003@hotmail.comB adhan, Sanaag, Maakhir State of SomaliaRaz ShirwaSource: Garowerisack2003@hotmail.com
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
10:00 PM
0
comments
Labels: News