Jacaylka waxaa udaran
Danayste dugaaga iyo
Damiir laawaa udaran
Nin dumarkuun daba laloo
Diraca siidayninoo
Haday isoo doon tidhaa
Damnaha uqaniinayoo
Dockale kawaree gayiyo
Ninkii dibjiraa udaran
Jacayl doqonbaa udaran
Dabeecad xumaa udaran
Miduu degta saaranlaa
Damaashaad iyo farxado
intuu dul uridi lahaa
damnaha naaxidha lehee
damqaaya qofkuu jeclaa
ninkii dabrayaa udaran
durmaan ninka qaatayee
dawaynin dhaliisha taal
dulqaadna uyeelaniyo
dabbaal nin ahbaa udaran
dalboole xunbaa udaran
diktaa toorbaa udaran
diciif nin ahaan jiroo
daayin ugargaaray iyo
nin darajaan helay lebaa
jacaylka runtii udaran
dabshaan aarsanayiyo
damac baahsanaa udaran
daruufta ayaa udaran
qofku doortay oo yidhi
adigaan kudoorbiday
naftaydiina deeqdee
ninku diganayaa udaran
ruux bilaa dareenoo
kuduryaaya sheekiyo
nin difaacinbaa udaran
ninka dira diraalaha
kadab qaadanayiyo
nin ladiray ayaa udaran
isku dayasho raadliyo
nin daryeel oqoonoo
dalaaq jecel ayaa udaran
doog ubax lamoodiyo
durdur lagu haraad baxo
dubka oo iftiimiyo
gabadh diirku dadan yahay
damnuhuna madaw yihiin
sanku soodulyaaloo
daamankuna casaan yahay
ilkeheegu dabar yahay
dookheegu adi yahay
kaka duubayee naca iyo
ninka daayabaa udaran
daalim beenwadaa udaran
kuwa dayr fadhiistoo
diin haysanbaa udaran
habla diib ismariyoo
waqti kaadilaayoo
lilma daadiyaa udaran
qaarkala danaystoo
duunyadu isku keentoo
kala daran ayaa udaran
balan daahda baa udaran
dirir badan ayaa udaran
duca qaada aabiyo
inkar ha iga doonine
kadal doorsabaa udaran
dulli gaabsanbaa udaran
dalagii aad beertaba
ka, uduulsha xididkiyo
xaasid daran ayaa udaran
saaxiibad daas qudha
aad kudana wadaagtaan
sirna aad kadaahayn
kudafirta ayaa udaran
dakhar keentabaa udaran
ilaahbaa deeq baxshee
da,wayne xishooninoo
haduu doob yari yidhaa
yartaan kaadoonayaa
iikeen lacag doolariyo
dadkaagu ayay yihiin
nin daa,imsadaa udaran
da,daa tidhibaa kadaran
daliil niman haysanoo
dookhbaaa ihayuunle,oo
dunuubna samaynayaa
jacaylka runtii udaran
gabadh dayma quruxlana
nin dadkiisa uga go,ay
hadaydiidabaa udaran
doox kala martaa udaran
dhisma daar ayaan helay
jacayl dhaafsataa udaran
c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
cairo
Tuesday, March 11, 2008
Jacaylka Ayaa u Daran
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
6:25 PM
0
comments
Labels: Suugaan
jacayloow dhab iisheeg?
Jacaylkani dadkii dhibay
Dhalintii kutaagsaday
Dhakafaar wareer baday
Ayaa dhoogta nagu baray
Halka laga dhutinayiyo
Dhaliilaha ayaa baray
Dhrin dhirin ninkii wada
Dhabbaraad usahan taga
Muxuu dheel halaw baday
Anoo dhega adaygayn
Dhawr su,aalo iga maqal
Horta dhega maleedahay
Dhadhankaa siduu yahay
Madhafuuja adagoo
Dadka dhalan rogaa tahay
Dhaan dhaamiyaa tahay
Kolay kaama dheeriye
Midkuu dhaw ayaan ahay
Dhabarbaan wadaagnaa
Dherigaan kukulanaa
Dhoofka waan isku raacnaa
Ubaxaan isu dhiibnaa
Kolkol waan kudhawraa
Dhibta kaa ilaashaa
Dartaabaan udhididaaa
Dhimashada ilaawaaa
Kollay iima dhigantide
Dhagax uun bal igadaa
Horta dhaqan islaam iyo
Dhaar iyo is,aaminid
Wali dhiisha laga helo
Dhay ma igu siisaa
Misa waad dhaliishaa
Dhunkaal baad isiisaa
Toloow dhumuc maleedahay
Dhuuxana majabisaa
Dhanbaalada jacaylkana
Madhigtaa halkoodii
Dhaxantana mabi,isaa
Midab dhiin maleedahay
Dhabanada casaaniyo
Dherer muuq maleedahay
Dhayaha ku,eegtaaa
Dharxan tood maduushaa
Misa dhooba ciidliyo
Dhorfog baabad leedahay
Wali dheef ansheegiyo
Dhir aad beertay maan cunin
Goormaad dhib caysaa
Kuwa kuu dhareershee
Kuudhiiba taladana
Uma dhega nuglaatide
Dharbaaxaad kuqaada
dhayalbaad kudhaaftaaa
dhimashaad usababtaa
dhamac kulul miyaad tahay
dhisma adag miyaa tahay
caday dhilan miyaa tahay
dhool cadeeye maad tahay
dhaaya nuurshe maad tahay
dhudhun jabiye maad tahay
dhidib guri miyaa tahay
misa dhoqonjo qudhuniyo
dhuxul madaw sidaa tahay
misa dheemanbaa tahay
xariir iidhalaashiyo
dahab dhiibsan maa tahay
madharaar ayaad tahay
mise dharan sunaa tahay
horta dhaxal gal maad tahay
wax ladhawro maad tahay
ladhoodhoobo maad tahay
dhab loosheego maad tahay
mise dhicis ayaad tahay
dhala jabaysa baa tahay
dhaqaaqaa siduu yahay
dhugdhugtaan maqlaayee
wadnihii dhibaysana
ma,adaa dhabtii wada
masun dhuuban baatahay
misa midha dhawaadloo
dhereg keenabaa tahay
madhanaan qadhaadhoo
dheg dilaaciyaa tahay
misa dhay macaanoo
lagu dhaatabaa tahay
wacays dhaantadiisii iyo
dhawr kaloo shabaabiba
wali way dhibsanayaan
dhinaantani warkaagee
baldhabtiina noosheeg
runta maanta noo dhiib
c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
6:23 PM
0
comments
Labels: Suugaan
jacaylkiyo lammaanaha
Laba dookh mideeyoo
Kala ladin ayaa jira
Isku ladan ayaa jira
Kala lumin ayaa jira
Laamaha jacaylkee
luuqyada kuyaalee
laydhu ay lulaysana
kaleexaystabaa jira
malab leefabaa jira
lidkood diidabaa jira
lambarkooga haystoo
libin keenabaa jira
laqabsada aduunkoo
cilmi laastabaa jira
loobogay ayaa jira
kalaalaadin qayrkood
meel sare kuloolama
layaqaanabaa jira
cidii laacda maradooda
laqas ula timaadana
luqun jara ayaa jira
lawga jabiya baa jira
liibaanta diintana
luxud geeyabaa jira
lacag eeginbaa jira
liis kasaaraybaa jira
hadal laxansanlaa jira
luuq fiicanbaa jira
looqiray ayaa jira
shaydaan wax lumiyana
lalegdama ayaa jira
aan laloodinbaa jira
balantooda laabtiyo
meel kuladhay ayaa jira
kalaas gaadhaybaa jira
guurkana labeentii
laba qaybtamaa jira
aroos lootumaa jira
cadaw leexshabaa jira
nacab liidiyaa jira
farxad lula ayaa jira
love ka muujiyaa jira
loosacab tumaa jira
waalidkood ulisaa jira
laban siiyabaa jira
isku lada ayaa jira
liin wada cunaa jira
laba qaad talaabada
isla laydh tagaa jira
da,doodoo labaatana
caqligoogu laan sare
laba boqolsadaa jira
mala maanahaygaa
toloow may ilegtahay
laylkaan utoosaa
lilaahaan ujecelahay
kama laba labeeyeen
inaan reer layeeshee
laaxawla qarkeed
iga leexsan abid kood
Prof. C/fataax Daahir Cige
mudane_22@hotmail.com
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
6:15 PM
0
comments
Labels: Suugaan
Saturday, February 09, 2008
Mansadii Xamdi Jacayl - Abdifatah Dahir Cige
qofkii eebe doortee
uqalmaaya caashaqa
kama qado aduunyada
quudkiisa waligii
qalinqora lix xafareey
shan ayaad kuqoran tahay
inta qaadir uumiyo
qarnigaad usidataa
aan qodbeeya gabaygee
anoo tala kaqaayiba
qorshahaygu uuyahay
qaban qaaba hawleed
axadnimo qiyaastii
qaar walaala daacada
manu qaadin socodkii
saafi qoobka maan dhigin
qabqab hawl namay galin
gabaygii qur,aankiyo
qaar jacayla maan galin
habayntii laqaad qaad
anigoo qoslaayoo
qalbiguna farxaan yahay
qiimaynta sheekada
qayb aan kuleeyahay
xaajadu qasnaynoo
qudbi yahay isfahankuna
imahelin qabow,oo
wax iqaatay mooyee
qalbigii uraray meel
qayla musik baa furan
qoob ciyaarna lagu daray
kuqotomiyay aragii
guud ahaan qiyaastii
dadku wuu qurxoonaa
alla bixiya quruxdee
mid aan quudhin bay hayd
amaantana kaqaniyoo
xataa maanso looqoro
kaqabwayn runtiiyoo
kaxishooday qalinkii
loo qiray ayay hayd
qajilaad muquurmoo
qawlkiina dhigi waa
dabnuhuna isqaban waa
qalanjay runtii hayd
bal aan qiiree sheegee
qalanjadan midbay hayd
qaadirkeen dhammeeyoo
qumanaan udhalatoo
qiyaasteedu dhabi tahay
afku qalin madawyahay
dhexdu qabasha ay tahay
wajiguna qor qoran yahay
mid quruuraduu haa
sartu qaawanaynoo
qayba yari kamuuqdaan
qoor geed magooliyo
quruxdii suleekhana
mid isqari tidhay hayd
qosol dabac sanbay hayd
gabadh qaaliyay hayd
qurcud dama habeenkoo
laga quustay nuurkii
qamar soobaxay hayd
dhulkoo ciiri qarisoo
laqaboobay dhaxantii
qorax diirisay hayd
isma quudhu aadmigu
waa tala qadiimoo
ishaa la isku qaadaa
sadex qaaf bilaw yahay
qulacudu wa mide
kuwii qaasim looqoray
markay sixir uqariyeen
iyo gabi qur.aankaba
gidi qoorta kusudhay
nolol qaaya badan iyo
qoys kaagu khayr badan
ilqabawsi waad heli
qabri kuufudaydiyo
qiyaamaha najaaaxbaan
qayd kaaga dhigayaa
qaadirkuna hakula jiro
c/fataax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
Cairo, EGYPT
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
7:58 AM
1 comments
Labels: Suugaan
Tuesday, December 25, 2007
Gabaygii Salal - hiildan
Inta badan waxan u heesaa gabadh la yidhaahdo Sahra-Haldhaa oo ku jirta Forumka Saylac, ahna gabadhii an u sameeyay albumka SOO SOCO INAABTAAY. Sida qaalilbka ah, haddii aan shaaca ka qaado sirta an ka wato SAHRA. Aniga xagayga, Sahra Haldhaa/ Sahra-suuban , waa AWDAL, waana Awdaltayda. Waa Awdal oo an madadaalinayo, marna ku cabanayo, marna ka cabanayo, marna canaananayo, marna caashaq iyo iyo jacayl an ula ciir ciirayo. Maantana Shara waxan u dhiibayaa maansada SALAL, oo xitaa noqon karta Hees:
SALAL
Salal bay naftaydani
Seexan wayday jiifkoon
Saqda dhexe habeenkii
Sagaal jeer u toosaaye
Sahraay sabaanadan
Si kastooy ahaatiyo
Saadaashu waxay noqotaba
Waxbaa leh Salalage
Seeduhuu jacaylku
Saaqay waa horiyo
Caashaqii ii sirayee
Sawaxankana i baday
Sahwi kaloo ii dheeroo
Sasme an ka qaadaan
Saakana kuu wadaaye
Adna Saablayda jidhkiyo
Qalbigaaga ku soohoo
Soowtkaan ku leehay
Gacaliso ha Sii dayn
Sooyaalka taariikhdana
Ku xafid Sadaradaydan
Suubban hooyo labo
Sabiyooy wada dhashay
Sagaal ku siday calooshoo
Sarartiyo adhaxda saartay
Samaalana Aabahood
Socodkiyo baray asluub
Sufraarkana u dhaansaday
Saxariir inay mudan
Suurad iyo markay jimidh
Sinmeen cudadahoodu
Wixii laga sugaayiyo
Sooba celin waa abaalkii
Siibe xididikii dareenkiyo
Sumacadii kalgacalkeey
Isku sideen walaaluhu
Sadna u lahaa waalidkuye
Iyagaababa isku sara kacay
Isku sita seefiyo waran
Sun iyo boog qaraxdiyo
Isku noqoy sokeeye waabay
Gacalnimadii sabooshoo
La seg-saag geyaankiiye
Subunise laguma iibsadoo
Saanad weeyi xishoodkuye
Isagiina la wada siibye
Waxana laysku Sirayaa
Annaa kaa Sarreeyiyo
Sadkay layma siiniyo
Mid kalaa la sasabaaye
Salka iyo guntooduna
Waa saxal madooboo
Kuwani is wada sudhan
Midna Subag ma culanine
Surintoodu waa mugdi
U sidnayn siraade
Soonahdoodana sabooliyo
Caydhu waa saaxiibe
Hadana Saraawiiliyo
Suut rag kalay sitaan
Isku moodaan Saraakiile
Saadkay soo ergisteenna
Marka laga siibi doonee
Sanka ciidda loo dari
Saacadeedu ma dheeree
Waa waxay sameeyaan
Sarriigi maayo murtidee
Soohdin waxn uga dhigay
Waxba yay qaar Sillooni
Sibiraha igu Jiiddane
Sidoodana i moodin
Xadhig lama sitaane
Subxaankaan ka magan galay
Xumaan la susubiyaaye
Siiga bul balooy baydh
Sixirka xasadku reebban
Saaxirka xinkuna raaran
Saarka Iblaysku rogan
Ka Rooxaantuna Saarane
Salaawaad calaa Nabi
Suuradaha Quraankiyo
Saatirkaan wakiishaye
Safka Jinka kuma Jiro
Adna Sahra Haldhaayeey
Sacadiinoo xoroowdiyo
Saylacoo calanakii
Saafigiiyee buluugee
Sudhan yahay dusheedaa
Sahandabe la Arkiye
Waa Innoo Sidaasi
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDan
hiildan@yahoo.com
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
3:58 PM
1 comments
Labels: Suugaan
Friday, October 26, 2007
Khadra iyo Juba oo aad u Da' yar - Daawo - Saylici Blogger
Khadra dahir Cige iyo Cabdiqadir Juba heestii waa deeq ilaah!!!
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
5:52 AM
0
comments
Labels: Suugaan
Thursday, September 13, 2007
Shamsan - Hees Jacayl Ah: Eedaad
Halkan waxaan rabnaa inaan ku soo bandhigno suugaan ka mid ah Suugaantii abwaan Shamsan Isamil Nur oo hadda ku nool gobolka kansas ee dalka USA ,hadaba heestan oo magaceeda la yidhaa Eedaad oo ah hees jacayl ah oo uu sameeyay Abwaanku 1991kii isaga oo ku sugnaa dalka Djibouti ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Egypt oo uu markaa wax ka baran jiray . hadaba sababta uu heestan u tirshay ayaa ahayd isaga oo waqtigaa mawjado jacayl ah dhax dabaalanaayay ..heestani waxay ka mid tahay heesaha ka baxa Adeecada Djibouti ee uu abwan Shamsaan leeyahay uuna u tirshay xaaskiisa Nimco Ahmed Ali waatana heestii:
Anuunbaa arladan yugan
Asaagay ka dhoofee
Addimada maxaa i xidhay
Ma aduunbaa ii yaal
Adowgay iigaga tagay
Aanan iga idlaanayn
Aaheey waa wareey
urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa
____________________
Aduun nimaan lahaynbay
Urugadu ku badan tahoo
La itaal dareeyee
Aduunyada intaa leeg
Midii aan ka eegtaa
Ehelkay ii diidee
Aaheey waa wareey
Urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa
_______________________
Arrin iyo itaal li'i
Ergo miyay ka talisaa
Amuuraa i haystee
Dadyahow igu adkaatee
Waxa aniga ii dran
Orod miyaan ku helayaa
Aaheey waa wareey
Urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa !!
BY: Shamsan Nur
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
4:34 PM
0
comments
Labels: Suugaan
Gabay: Dhafoor Goror - Daweeye
Dhibjirta aawadeed = maskaxgoror ;
Macnahase uu gabaygan ereygu ugu jiraa waa marka waddan dadka dhafoorka ahi
Ku yaraadaan, ha dhinteen ama ha dhuunteen amaba ha dhoofeene, sida dadka
Waaya-araga ah, kuwa iskuulada sarsare le, samataliska, Indheergaradka
Qalinyahanka, Aqoonyahanka ; kadibna hoggaanka ummadda loo cidleeyo
barbaar aqoontoodu hoosayso iyo qaar ka macaasha darxumada lafteeda.
Hadaba gabaygani wuxuu Soomaalida ugu baaqayaa Dubuheshiisiin buuxda.
''Intooy dhalashood eersadeen dhuunte dabadeede''
dhalashooda ay eersadeen maaha ta qoladooda ee
waa ta garannimadooda, ama Soomaalinimadooda.
waa Fikirkii, Abwaan Daweeye {Axmed Warsame Xasan}
Ku bilow Magaca waaqa guud iyo gaarba naxariista,
Dhismagabay dhawaaqiyo xigmadi, dhalasha weeyaane
lama dhiirigeliye e Allaa, dhiiba oo hure’ e
Dhehna maaha ereyaysku dhacay, waad u dhowdahaye
Dhuunfaafsan dhiidhiib higgaad, dhumuc ku miisaaman
Waa inu dhanxanagaaga sare, qiiro dhaliyaaye
Marhaddaanu dhiigaagu kicin, wayska dhalanteede
Dhuuniga sidiisaa naxwaha, dheri la saaraaye
Dhexdaa lagu hagaaja murtida, ololka dhaadheere
Dhankaraday haday noqoto waa, dhaawac maansaduye
Dhegtaa diida goortay figrado, dhalan habaabaane
Maarhadaad dhubqaalido ka daran, dhoorey hadalkeede
Dhadhankiisu waa inad macnaha, dhidib u aastaaye
Dhufsashada fudaydka ahna wuu, kaa dhutinayaaye
Dheeldheel mid laysaga dhohoo, loo dhacaa jire'e
Waa la dhirindhireeyaa si'aad, xaqa u dhawrtaaye
Dhoylaawonimo waa jahliye, laysma sii dhige' e
Dhugmo gaaban waa laga durkaa, dhihitinkeediiye
Dhafoortaabashada qaarna waa, dhegedki naareeda
Dhinacaaga waa loo tudhaa, aakhiraa dhimane
Hadaad dharaq ku dhoondoonatana waa dhunkaalgabay-ye
Dhilifdhilifta iyo faanku way, kaa dhabqinayaane
Dhankastaa la eegaa hadaad, tahay nin sii dheere.
Dhayal uma tirshe'e shaacir wuu, dhega adaygaaye
Xilka dhabarka loo saaray buu, qalad ka dhawraaye
Waxa loogu dhiibuu qabaa, gabay dhamaantiiye
Dhursugaada waa lagu yaqaan, dhaqane waayeele
Anna dhuuxa mooye'e wax kale, ii dhadhami waaye
Umaan dhalanin hawraar inaan, dhan u qaloocshaaye
Runtana kama dhabaro oo xaqaan, dhihi aqaanaaye
Dhayalna kuma hodmoo waan nebcahay, dheregga qaarkiiye
Inaan dhuxulo noolnool qabsado, dhimirku ii diidye
Dhexdhexaadin baa lagu yaqaan, maansadaan dhige'e
Intuu shacabku dhiidhida ku jiro, aamus iga dheere
Kolley dhiirigelintaa ma jiro, waxan ku dhaafaaye.
Dhimina maayo jeeruu nasrigu, soo dhalaal boxo'e
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoor goror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa inaydin dhaadaane
Taariikhdu waw dheeh naflaha dhaashigoo kale,e
waxa loo dhitaystaa markale yaanad dhaadhicineDhabbihii la eediyo kuwii dheefta lagu gaadhay
Waa si,an dhaleecadi dorraad maantanaw dhicine
Soomaalidu dhibkay soomareen baan la dhaygagaye
Dhawdhawdu uma dhaadhacsana dhegacadduureede
Malaha dhuuf haddii loo jaray wax u dhawaaqaane
Way ku dhegabarjoobaan si kale hadal dhamaantiiye
Balse dhacay sidii wax iga dhumay an iska dhiillaawo
Dhammayn maayo dhiillooyinke,e,dhawr an ka higaadsho
Dharaarii madoobaa haddaan ,dheehashada eegno
Madaxdii dhulkeenoo dhanbaa, dhaaftay xeradiiye
Wax dhaqaajey mooye'e, ajnebi la isu dhaafdhaafye
Siddii dhuuniraacnimo carrada looga dhalandhoolye
Intuu Sanawi dhoorka u fidhay daba dhusleeyeene
Dhanxiirkaa yar baa wada xukumay,nimankan dhaadheere
Iyagoo dhafoora cadcadbay talo ka dhawreene
Darba dhinac intuu ula shirshiray dhururi siisiiye
Dhanjafnoqotay xaajadu markay boqol is dhaafeene
Isku dhidhi intuu kala dhexdhigay dhacama waawayne
Hadba oday dhakadu boos cad tahay sharugu dhaanteeye
Runtana uma dhowaade'e wadani dhiidhiyaan jirine
dhala biira goortuu dhammuu koru dhawaaqaaye
Dhashaaqiyo basbaasiyo loxoox, dhabaqsan oo buuran
dhandhanaan intuu ugu dardaray, dhure ku siisiiye
Goorta ay dhamaystaan hadana, amar u dhiidhiibye
Midba dhinaca reer hebel ka jiro, qunu dhiyaalsiiye
Sirta dhoobakuuska ah runbay, dharabka moodeene
Dharfadloow amxaar baa ku yidhi, guba dhulkiiniiye
way u dheganuglaadeen kufriga dhacay dalkeeniiye
Dar an dhiifba gelinbay rasaas, kaga dhagsiiyeene
Qunyar laga dhaqaaq kaan ka dhalan, Dhicirta waawayne
Nabsi soo dhaxaa laga dhigtoo madi dhibaatawye
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
Haddaad dhimir dareen leedihiin,waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheeli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
waayeel dhamaaday ableey, kaga dhawaajeendhe
Duqo dhaayabeelay cashuur, dhiibada hayeendhe
Lacagtay ka soo dhocoriyeen, kuma dhaqaalayne
Madaafiic dhammaysiyo hubbay, dubugu dhiibeendhe
wuxu qorigu dhaafay hadana, dhereg u doonteen dhe
Hablo gaajo dhaandhaamisay dhigo yidhaahdeendhe
Dhexyar meehanawday bariis, sunugu dhoobeen dhe
Anaa dhaylo kuuqaadayay, kaga dhammaysteendhe
Jacayl uma dhirbaaxine nafbaa, gaysay dhoobadadhe
Qasabbay kuwada dhaarsadeen inay isdhiibaandhe
Masjidkay dhexdiisii galeen, dhawrta celin waadhe
Miduunbaa la dhuundhuumin jirey dhilanta naagoode
Seddex dumar is dhalay bay marqudha dhegaha laaceenedhe
Iyagoo ilmadu dhaafaysay , dhagaxku aaseendhe
Toban goor mid ay dhali karaan, dheef u raadsade'e
Dhidigaansho lama doonaynine, waa siqiir dhadhine
Dhimirkiyo dareen kaan lahayn, meel dhaqaaqdabe'e
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab uqaadataa iyo caqliga dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiilo kulul baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan dheehashada eegno
Gaaridii aqoon dheerlahayd lagu dhowaan waaye
Ku dhabooqday saxaraa la yidhi dhinacyadeediiye
Waxay tidhi dhabtii waan bukaa idinma dhaafsheene
Sidaasay cawaankii dhinnaa kaga dhaqaaqeene
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli dharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Keenyaati waakii dhexgalay, kala dhaqaaqiiye
Dhalley uurle bay waawiyeen, meel xadka u dhaw-we
Dhanka kale Itoobiya iyana, wax is ma dhaamayne
Khamra lala dhanyaa iyo xashiis, lagula dhaansyaaba
Waakii Amxaaruhu dharqaday, dheemankii jabay-ye
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan, dheehashada eegno
Dhabihii adoonsigu ka dhalay, Cadan dhexdeediiye
Aqlada dhexdooday haween, dheri ku maydheene
Dhudi oo silsilad dheer ku xidhan, dhidibka loo taagye
Sida xoolahaa loo dhaqdaa, lana dhukaasaaye
Iyagoo isdhaafay hadana, naag ka dhigayaane
Dhabtiina waa lakala iibsadaa, tii dhegta lahayde
Habla wada dhalaalay heleen, oon cidnaw dhalane
Dhulkasoobax baa lagu matalay, sida Dhalooshiiye
Dhankastaba caadaawuhu ka dhereg, Dheeha iyo Luule
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Dhakaarada Cadmeed tay dhigeen, dhaaxa la ogaaye
Xeryo dhooban baa lagu afrogey, dhamac rasaaseede
Dagaal baa dhex maray yamanahay, ugula dhuunteene
Afar boqol waxbaa dhaafsanaa, dhimashadeeniiye
Madaafiicda waxa loola dhacay, haba dhammaadaane
Muslinnimo haday dhawrayaan, uu dhab yahay xaalku
Dhagar iyo hubbay soo direen, dhabar jabkeeniiye
Maxay dhuxusha noo siinayeen, sow ku dhimo maaha
Waxaasoo dhibaatooyinnaa, jira dhulkeeniiye
Ragna dhimay haweenkiina dhacan, dhixirka loo gooye
Dhugta ereyadaydoo kakaca, dhaladki ceebowye
Boqolkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhagar xasuusteed dhe
Dhirbaaxooyinkii ugu xumaa, soo bandhigiddood dhe
Dhakhso taajir dhuungoysmo gacal, dheelmashiyo hoog dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qaabna, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Umushuba dharaaray xanuun, dhinac u jiiftaaye
Dhakhsana way illowdaa halkii, dhaawacu ahaaye
Wax u dhow masaladaa haddaan, dheeha ka afuufo
Dadkeenana dhigaasay caqliga, dherer wadaagaane
Gumaystuhu intuu dhaansaday, talo u dhibtaane
Dhakhsana way ilaawaan wixii, dhiillo soo maray-ye
Hadba kii dhashuunbaa yidhaa, dhuunta nagu jiide
Waa ciriq dhammaanteen ku jira, dhinaca duul saare
Inaan geed isugu soo dhacnay, talo ku dhaabnayde
Waa lakala dhabarayaa horjoog, laysku dhici waaye
Dhexfadhiiste Keenyaati iyo, dhawr daloo kale'e
Waxba nama dhexaadshaane way, sii dhambalayaane
Waala kala dhantaalaa midnimo, tii dhabta ahayde
Hadba dawladay noo dhisaan, dhicisay uurkii dhe
Wax dhashaaqsha mooye'e xabbay, dhali taqaanaa dhe
Markaan dhoof idhaahdaba dubbay, sugu dhalaashaa dhe
Intaan dhaxanta joogu wakhtigu, sii dhakhsanayaa dhe
Dhamaanteedba soo maaliwayn, laga dhug roonaaye
Badh diyaarad lagu dheelmiyoo, tigidho loo dhiibo
Iyo qaar hub lagu dhiibiyo dhimasha doondoon ah
Labadaa dhibcood baa heshiis, laysku dhaafsaday dhe
Waa si an dhankeenaba hadeed, uga dhammaanaa dhe
Waa si ay dhulkeenaba, dadkale dhaxal u qaataan dhe
Waa si an maryaa ugu dhaqnaa, qoom dhiggeena'a dhe
Markab dhacay dad wada saaranoo, dheelintaan nahay dhe
Dhengadaanu wada haysanaa, laysla dhacayaa dhe
Dhaxaltooyo qoysbaan rabnaa, dhaadashiyo faan dhe
Kubad baynu wada dheelaynaa, goolku dhalanayn dhe
Waxa laysku dhaarsaday anaa, dhuunigaw hadhi dhe
Dhexdaa laysqabsaday meel cidla ah, dhooqo iyo ceeb dhe
Intuu Dhugadba kii kale ku dhegey, dhoolahays dare dhe
Goortuu Dhurduhu laag yidhaa, Dhoocil kala tuur dhe
Dhudhumada intoo lagu qabsaday, dhumiye xeerkii dhe
Wuxu dhiidha Siidhigu hayoon, dhidika tiixnaaba
Dhexduun baa la keenaa markale, koobki dhagareed dhe
U dhowaanta Eebuu khalqigu, wax isku dhaamaaye
Wax kalooy is dheerdheeryihiin, diintu may dhigine
Habkuu dhuuni qaybsigu u dhacay, dhaciyo xaaraan dhe
Dhibanaha intoo loo tashaday, Dhebiga loo fiiq dhe
La dhaqaaji Dhawrsane qarsoon, iyo Dhiblaawii dhe [4.5]
Nin dhaniyo nin dhiman baynu nahay, dheef wax lagu sii dhe
Dhalwash lagaga sii maarta kulul kii runta u dhow dhe
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeed dhe
Kontonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dawlad dhicisow dhe
Siday Dhirindhir dhay uga liseen, dhaarashada been dhe
Qaran dhawrto lagu raadsadoon, dhab u shaqaynayn dhe
Magac kiish dhexdii lagu ridooy dhabarka saarteen dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydheroob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo caqliga,dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Wadankana dhardhaaraa ku xidhan, kamarad dhuun dheerdhe
Goortaan Dharreeyada gallay, inagu dhuunteendhe
Intaan Walasaqada dheeleyneey, khayrka dhurayeendhe
Dhudda Saylac dhaabadaha bari, taniyo Awdheegle,
Inay dheeman ciidii rarteen, lagu dhig joornaaldhe
Ka dhammeeye xeebaha wixii, dhoorsanaan jiraydhe
Ceebaad hubkii lagu dhuftaad, dhab u ogaydeendhe
Dhawr baac dhulkuu hoos u galay, dherer daraadiidhe
Waa uun dhib laynoo qarshoon, cidina dhaadayndhe
Tukaloo ka sii dhiillo badan, baan dhexgelayaaye
Sunta waxay ka soo dhaamiyaan, dhiillo farawayndhe
Dheecaan ku jira booyad bay, nagu dhex tuuraandhe
Waa waxa caqliga dhuuqay-yee, laysu dhibayaadhe
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhiddig xooleheenii la dhaqay, dhoof-ma-geydadadhe
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhirta iyo ugaadhii badnayd, Dhooli lagu qaad-dhe
Dhafaruur macaaniyo Quwaax, malabka dhiiqaaya
Iyo Dhebidhanaan midha dhaloo, dhuguc ku joogjoogo
Dhigridii udgoonayd Cillaan, dhiincaska abuura
Kol ay Dheenta buuraha ku tahay, way dhakhtariyeendhe
Tu kaloo ka sii dhiilo kulul, baan dhex gelayaaye
Dhanka kale Yaxaaskiina dhacan, madaxa dhuubnaadhe
Intoo gacanka lagu dhaadhacuu, wiish ku soo shegeydhe
La dhidhiibi Jeertii dhextiil, dhoobo webiyeed-dhe
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
La dhaqaaji haadii fadhiday, dhiraha waawayndhe
Dhugdhugtii rasaastay carada, dhan uga yaaceendhe
Dhuugiyo Qaniin baa hadhiyo kii Dhilqa ahaadhe
Iyaguna dhankooday jaqaan, dhiigga maytidadhe
Tukaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Bahalihii Dhurwaa baa ka hadhay, dhamal ku noolaadhe
Isaguna dhankiisuu marxuum, dhereg u doontaadhe
Kolla lama dhaqayn oo xabaal, kuma dhextuuraane
Waraabayska dhuunyada nin weyn, oo dhabada yaal dhe.
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiilowerinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhurasho khayraad dhe
Dhulla-helay siduu nacab u dhoco, dhamamixiisiidhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmayadhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa buslshada, looga soo dhacay-ye
Dhabu qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Masalaan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Dhillawyahanku waa geed ku dhega, dheegga geed kale'e
Isuma dhaanto Dhuurtiyo Higladu, labada tii dheere
Dhosoqiyo, dhasaynada, Qansaxu, waw dhiggii kale'e
Dharkaynitiyo Dhalooshiyo yubaha wuu dhexgelayaaye
Dhogorna uma eke'e waa hadana, dhalan ilaahay-ye
Dhirta wuxu isugu maray hadaan, dhab uga faaloodo
Xididaan dhulkaw gelin intuu, dhaabto keligiise
Wax u dhow tusaalahan hadaan, dheeha ka afuufo
Wax ka dhigan ninkaysdhiiba een ceeb ka dhiidhiyine
Dadkeenana dhiggaasoo kalay, dhaqan wadaagaane
Dhammaanteed adduunyada ma jiro, dhimir ka soocaaye
Iyagays dhunkaale'e khalqiga, way dhunkanayaane
Dadkuba dhoofka wuu wada tagaa, dhume kuweeniiye
Dhalinyariyo waayeel la noqoy, Dhaanish iyo Fiine
Dhablin iyo Dhaj baa loo dhigaa, ubadki dhaanteeye
Afsoomaaligii laga dhammaa, dhumucda waynaaye
Xigmadihii laakala dheegan jirey, dhawr gu' maan maqale
Waa la dhalangediyey odayadii, dhaabadda adkaaye
Wuxuunbays dhexdhigayaan sidii, loo dhakaan dhebay-ye
Dhaameelka loo soo ruxay, dhaqanki siisteene
Dhurankuna qabiil buu noqdiyo, Dhoore yaa dilay-ye
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Ninkii dhaanka raray ee laydihi, soo biyaha dhaami
Ee dhiililhii neefku siday, dhado ku sii daayey
Ee toban dharaarood ratiga, dhugasho goobaayey
Dhexda awrki waakaa ku lumay, sida dhiggiisiiye
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Wax la yidhi wadani waw dhalee, layska dhigiwaaye
Murti baan dhexgelayaa haddaad, dhego u leediine
Dhar magaalo sida loo xidhaa, waa dharaaar qudhahe
Dhalse magaalo sida loo noqdaa, waa dhibgooniyahe
Wax u dhow tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Inkastuu dhexrooruu jacayl, dhaanto ugu qaado
Inkastuu sidii Maykal dhilo, dheeha haraggiisa
Nina dhii-en-eey raaci waa, qoom kaloon dhaline
War waa dhagar awawgii ninkii, xoolo dhaafsaday-ye
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos usii dhaadhacdana, dhaqan wareeggii dhe
Dadkii dhadiyo ceeryaan dhexgalay, een dhulla lahayn dhe
Qaxootiga dhaboolaqay carada dhabaqlaguurkii dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhabu qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Kii inuun dhaqaalayn lahaa, hore u soo dhaafye
Dhiigyacab intoo looga tegey, dhaxalki loo daaye
Dhallaan iyo haweenbaysku hadhay, jaahil dhaansado'e
Dhigaanya xunna waa kii tacliin, loogu dhigay looxe
Nimankii iskuulada dhexgalay, dhab u ogaysiiya
Inay dhaxantu geestaa ka timid, dhab u ogaysiiya
Dhegaatina ma soohaan raggii, ciidda loo dhalay-ye
Waxay soo dhigteen maynu arag, dhuray ku keeneene
Qalinyahanku wuu dhoohanyee, dhabu ogaysiiya
Jaamacadda waa lagu dhintee, dhab u ogaysiiya
Dhulla male hadana way dhigtaan, kii dhisma ahaaye
Adoon dhaqanin geel dhiil u culo, dhimani weeyaane
Inay dheelalaabaan qurbaha, dhab u ogaysiiya
Dhallaankoodi waa oomanyee, dhab u ogaysiiya
Inay dhaan u rarayaan dadkale dhab u ogaysiiya
Tobankaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos usii dhaadhacdana, dhoof an soo noqon dhe
Dhaleecaynta buuggii cilmiga, dhigashadiisii dhe
Dhakafaarka Jaamici ku dhacay, dhaxal la'aanti dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Kubaddii wax layskula dhacdhoco, dhinacyadeeniiba
Dharka waxay ku qariyaanba way, dhaaftay sheekaduye
Dhabta waxay u saareen ajnebi, dhabara waawayne
Dhugta reer galbeediyo baraa galay dhexdeeniiye
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, waa dhadhaabkale'e
Bal inay taladu dhoohantooy meel u dhimanayso
Xabashigu dhankeenuu ka helay, dhuliyo maamuuse
Ereterina wuxu noo dhexgalay dhagar siyaaseede,
Waa laba dhankeena u fikiray, dhibiyo maandhaafe
Waysku dhalasho iyo diin hadaad, dhab u taqaanaane
Dhexdana waxa kujiri waa inaga, laysla dhacayaaye
Maxaa loogu soo kala dhegdhegey, wax isma dhaamaane?
Waxba yaanan sii dheehanine, waa dhig soo godane
Dhugdhugiyo rasaas baan maqlaa, inay dhacaysaaye
Abwaanadu ma dhiirdhiiriyaan, xadadkan dhowdhowe
Waa sida dhakhaatiir gurmada, inay u adhaafaane
Hadba gobolka dhiiladu jirtaa, lagu dhaqaaqaaye
Dhexdhexaadinteenaa ka roon, dabadhaslayn jaane
Maxaa dhacay maxay dhawrayaan, ee dhulka u yaale
Nimankii murtida dhaaminjiray, dhab u ogaysiiya
Kuwuu dhiigu diiree fikira, dhab u ogaysiiya
Dhanka xeebta waa ina Cilmiye, dhab u ogaysiiya
Calijawharkii Dhiirran jirey, dhab u ogaysiiya
Dhamaciyo dhiggiisii Bashiir, dhab u ogaysiiya
Dhaqaaleeyihii Ganey ahaa, dhab u ogaysiiya
Dhammow Walanwal yaan dhafinine, dhabu ogaysiiya
Dhanka koonfureed iyo galbeed dhabu ogaysiiya
Cabdigii runtaw dhici ogaa, dhab u ogaysiiya
Mustafihii dhibaatada nebcaa, dhabu ogaysiiya
Dhoodaan ha dhiibte'e murtida, dhabu ogaysiiya
Inta gabay dhdii kala taqaan, dhabu ogaysiiya
Dhammaanteedba soomaaliweyn, dhabu ogaysiiya
Ninkii dhaayaloow maansadaa, igula soo dhiirro
Geesiga dhulka u hiiliyoow, igula soo dhiirro
Gobanimo halyeyga u dhashow, igula soo dhiirro
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhalasha doondoon dhe
Dhammaanteen midnimo loodhanyahay, dhaawacbixinteed dhe
Dhexdhexaadin Soomaliyeed, dhagaxdhiggeedii dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Aniguna dhankaygii an dhigo, dhagixi koowaade
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Masalaan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Dharlaawiyo Dhegooliyo midaan, Dhaaya kala haynin
Iyo mid an lugaha dhaaban karin, kuna dhaqaaqaynin
Afartaa la dhaama socdaal, dhawr habeen galay-ye
Wax la yidhi dharaaray socdeen, dhixitinkoodiiye
Iyagoo dhibaataysanoo, gelindhexaad jooga
Ninkii dhaayalaawaha ahaa, dhiillo soo weriye
Seddexdii kaluu been ku dhuray, kana dhegaysteene
Wuxu yidhi coldhiiflaan arkaye, dhinac u soo baydha
Shufto soo dhow baa muuqate'e, dhawra hadalkiina
Dhabacdoo is qariyuu ku yidhi, ha ina dhaafaane
Dhegoolana dhawaaq baan maqluu, dhahay markiisiiye
Dharlaawana intuu dhaygag galay, dhuumatada raacye
Wuxu yidhi shuftadu way dhacaan, kii dhalaal badane
Warsaayooy maryaha naga dhuftaan, garan ma dhaafaane
Curyaankina dhankiisii ka raac, tala dhamayntiiye
Wuxu yidhi dhamaysbaan nehee' maan dhan uga yaacno
Wax u dhow tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Weligeen runtaan loo dhowaan, oon ka dhirifnaaye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Dhacdo soojireenoo horaan, dhaabo leeyahay-ye
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Hadduu kibirku dheefleeyohoo, dhoogsan lagu gaadho
Hitler baa dhufays ciidan gala, dhumuc u waynaaye
Goortuu Adduunyada dhibuu, dhagar u soo jeestey
Goortuu xaqii dhaafay uu, dhaadasho u baydhay
Uu yidhi anaa dhalad ahuu, dhoorka koru taagay
Uu yidhi dhulkaan duubayaa, badaha dheegooda
Waakii Ilaahay u dhigay, dabin ma dhaafaane
Waatay dharaar mida qarbigu, wada dhirbaaxeene
Baarliin markii lagu dhuftee, laysku dhacadiidshey
Dhabanacasta waakii dhexdhigay, dhuunta tiisa ahe
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan, lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii haddaan, dhererka raacsiiyo
Boqorkii dhufaamee rag badan, soo dhikilasiibey
Goortay dhanaanaatay-yee, laysku dhibisaydhay
Maahmaah an dhicin buu ka tegey, dhihitinkiisiiye
Wuxu yidhi dhamaystire haddaan dub u dhalaalraacno:
'Ragga hooyadiina u dhisoo huuno wax u dhaama-
Dhankastaba ka eegoo ma arag weli dhawaaqaase-
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane.
Inkastoo dhijaan lagu ridoo, dhoobo lagu aaso
Isagoo dhibiiyuu hadana, dhiif lasoo kiciye
Sida dhuxunkureebkii ilkaha, maru dhag kaa siiyo
Ama uu dhabada kuu dhigdhigo, qodaxyo dhuudhuuban
Waakii wuxuun kugu dhufteen, kaa dhalleexsamine
Mar hadduu ku dhaafana markale, kaa dhabari waaye
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane.
Haddaad dhawr ka guulaysatood, libin ku dheeraato
Middunbaa dharaar kuu fikiri, tu anad dhaadayne
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane
Dhiinsoole kii soo xidhiyo, Dhuu ka halabaystay
Dharkaa kala wannagsane caqliga, wax isma dhaamaane
Inu kaa dhabiiltami ogyaa, dhici karaysaaye
Hays dhihin adaa dheer garaad, waxan dharbaashaysan
Oo wuxu yidhi kadhawrsada rag waa, dhidara shaydaane
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa xumaan haw dhadhabin lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii haddaan dhererka raacsiiyo
Dhababacada Saadaam wuxuu dhagar jeclaystaaba
wuxu qolo dhallaanka u korshuu qaarna dhadhiyaaba
Wuxu geesi dhacadiidiyuu, libin ku dhaataaba
Dhiinsoole naagaha wuxuu, agal u dhiibaaba
Wuxu suuqyo lays dhaafi jirey, dhaxan ka yeelaaba
Raganimo dhammaanteed wuxuu, dhabarka saartaaba
Wuxuu sii dhiyaalaba tu dhigan, dhaafi kari waaye
Waatay dharaar mida Qarbigu, wada dhirbaaxeene
Waatay u dhiibeen habeen, qoomamkuu dhibaye
Waatay kuwuu dhaami jirey, xadhig ku dhuujeene
Waatii dhigdhoxo soo daldalan, dhuunta loo sudhay-ye
Waatay dhaleeciyo afxumo, ugu dhameeyeene
Ashahaada waakii ku dhegey, dhihitinkeediiye
Isagoon dhammayn bay birii, kala dhaqaajeene
Dhabaq waxay ka siiyeen khankuu, dherer u taagnaaye
Ragaysane halkuu dhiibsanaa, dhaafe lugihiiye
Waatii qofkii dhimir lahaa, dhiigu joogsaday-ye
Waatay markuu dhacay hadana, daba dhaqaaqeene
Waatay sidii bahal Dhurwaa, ugu dhowaadeene
Dhawr toban dad dhaafsiisan baa, joogey dhagartaase
Allaylehe dembiga kuu dhexgalay, laga dhallaan maydhye
Mar haddii qisaas lagu dhuwamay, waa siqiir dhabahe
Inay cay kusii dheelmiyaan , waw dhandhaannimo'e
Waana dhaqan cawaannimo in mayd, lagu dul dheelaaye
Dhasalaaluqii jaahilnimo, dhabanahays reebye
Waa xaal dhanaan oo ka yimid ciil dad dhaansamay-ye
Dhirdhirbaaxe maydkii wax badan, tii allaa dhimane
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
macnuhu waa ka dhawrsada dakane lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii hadaan, dhererka raacsiiyo
Horaa loo dhameeyee cilmiga, waynu dhababnaaye
Ninki'i dhalay xigmaduhuu dhigaan, dhaaba leeyahay-ye
Waa midu dhashiisawga tegey, dhaxalgalkiisiiye
Wuxu yidhi dhamaystire hadaan, dubu dhalaalraacno
Dadka kaleba waw dhaarsan yahay dheefiyaay xamare
Dhayalbay la tahay REERWARSAME dhaqashadii geele,
Haddaan dhiirigelintaa macnaha, qun uga soo dheego
Dadka kaleba waw dhaarsanyiin, inay is dhawraane
Dhayal bay la tahay tii midnimo, dhegaha Soomaale
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan lagu dhibaataw-ye
Boqolkaa wax layskuma dhafe'e dhiillo werinteed dhe
Haddaad hoos u sii dhaadhacdana dhibatusaalayn dhe
Dhexdhexaadin Soomaaliyeed dhagax dhiggeedii dhe
Dhammaanteen midnimo loo dhan yahay dhaawac bixinteed dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
haddaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada wabnaa dheeli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
dhab u qaadataa iyo caqliga dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaaane
Marbuu cadawgu kuu dhaamayaa, kaysla dhalateene
Dhogortiihuwane waa ninkii dhibay walaalkiiye
Ku dhufoo dhaqaaq kii is yidhi, dhaaftay taladiiye
Dheg haddii la jaro sow dalool, dheeri hadhi maayo
Gacankaa dhacdoo kugu dhacdaa,dhimasho soow maaha
In dhabtii sidaa xaalku yahay, dhuumata hagoogan
Bal dhegaeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
War ma dhamaado qoomkaan Rabbigu xadadka dhaafsiine
Dhicina mayso reer inu ku dhoco, dhoomo looqaday-ye
Dhallaankeena uun baa hantiyi, dhaxal nacaybeede
Dhitayada waxaan uga tagnay dhurani doonaane
Hadba qaar dhibiibyaa markale, dhiif la soo kiciye
Iyagoo dhilmaayaysanbay, dhaanto soo celine
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan lagu dhibaataw-ye
Mid u dhow qiyaastii haddaan, dhererka raacsiiyo
War caanaha dhan iyo soo dhanbaa la isu dhiibaaye
Mid hadduu dhamaystuu qudhqudho dhiilka wada laaco
Dhaqankeena ceebay ahyd , dhegaha Soomaale
Inaan dhuuni kala jiidanaa, waa dhegxumo wayne
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada waxboob kuma dhergeysaane
Mid u dhow qiyaastii haddaan dhereka raacsiiyo
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa dheellisharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada looga soo dhacay-ye
Dhab i qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Baldhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaanne
war seddexdii dhardhaaree mid dhacay dheri maqaadaane
Dantuna waa dhigaasoo kaloo, la isla dhawraaye
Dhinacyada haddaan laysla qaban, fool la dhiqi waaye
Dhufays qudha inaan wada galaa waa gob dhaqankeede
Dhawaaq mida inaan yeelanaa, waa gob dhaqankeede
Dhammaan waynu wada toosannahay dhigiyo loolkeene
Dhalawdhalawda biibiisidaad, kala dhirfaysaane
Intood geedo dhacadiidsataan dhalayga soo maala
Dhawrtada shisheeyuhu waxbay sii dhabqinaysaaye
Gool dhaysinaayiyo wan weyn dheri ku moofaysta
Idinkoon dhubqaaliyin murtida dhego u sii daaya
Isku soo dhowaadoo gacmaha keen! isugu dhiiba
Dhunkashana ku dara waa si'aad dhagar u daysaane
In cadaalad layskula dhaqmay dhuri ku joogtaaye
Allaw soo dhowee waa waxaan dhawrayee maqane
Kontonkaa wax layskuma dhafe'e dhiilo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana dhalasha doon doon dhe
Dhex dhexaadin soomaaliyeed dhagaxdhiggeedii dhe
Dhamaanteen midnimo loo dhanyahay, soo dhakhtarinteed dhe
Dhextaalgabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhcay dhuganna maysaane
dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
war hadaan gabayga dheeree idhaa waad ku dhama'daane
Dhamal buu noqdaa lagu ambado, dhexiyo daaftiiye
Sida dhaanwidhwidhistoo kaluu, wada dhalaalaaye
Dhugmo fiican ruuxaan lahayn wuu dhexmarayaaye
Dhayal laguma soo helo macnaha dhudaha qaarkoode
Dhibicdiyo ujeedada ragbaa, dhaafa oon arage
Ninkii dhaayagaabani ma helo meel an raad dhigay-ye
Dhankaan ka hadlo wiil dhaartay baa hoos u dhaadhaca'e
Bal an soo dhoweeyee tixdaa, dhab uga faalooda
Bal dhudhumiya maansada halkaan dhaabada u saaray
Dhugta ereyadaydoo markale dhinac walbaw eega
Farta dhabanka saaroo macnaha igula dheeraada
Runta lama dhabcaale'e xaqaa lagu dhowaadaaye
Bal dhammeeya xaajada wixii dhimanna noo sheega.
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
4:16 PM
2
comments
Labels: Suugaan
Friday, September 07, 2007
Ayaa mudan inaa latahniyadeeyo - Abdifatax Cige
waxaan aad iyo ad ugufaraxsanahay inay jiraan hablo soomaaliyeed oo awood uleh hal abuurka inkastooy badan yihiin dadka yaraysta awoodooda hal abuurnimo aniga laftaydu waxaan aaminsanaa inayna karti ulahayn hal abuurka waxaanan odhan jiray
tarabuunka maansada marka loo tartamo gabay haween laguma tala galo hadanna waxaa waajib igu noqotay inaan noqdo midka ugu baaqa inaa haweeenka lagu dhiiri galiyo looguna sacabiyo waxyabaha ay kusoo dareen bulshada hada waxaan uga socda hadalkan oo igu dhaliyay qoraalka maqaalkan waxay ahayd laba maanso oonka akhristay lughayanews oo ay kala lahaayeen oumalkhayr robleh cilmi oo joogta Dakar siniingal iyo rooda miisaan oo joogta maraykanka.
mansooyinka ayaa ahaa kuwo aad loola dhacay oo runtii soojeeediyay indhah dadka markaas waxaan aad iyo aad uga xumahay inaan lahabsaamay inaan tahniyadeeyo haweenkaas inta aaminsan inayna haweenku awood ulahayn hal abuurkana waxaan rajaynayaa inay kawaantooban aragtidoodaaa sida mr.sakariye xuseen oo katirsan bahda lughayaba uga soonoqday aragtidaa waa sida uu kubayaamiyay maqaal uu kaqoray gabaygii gabadhaas rooda hadaba anoona kusii dheeraanayn ayaan jeclaaday inaan kusoo xidho maansadan yar oo ahayd mid ay sabab u ahaayeen maansooyinka haweenkaas waxaanan idhi
tira badan dadka jecel
talaabada allaa qora
tuse macalinbaa umudan
tacliin barashadeedana
haka taginadaa roon
taariikhda dunidana
inlataabacaa roon
todobaad dhawaydbaan
tixdan rooda helayoo
tankis iyo alaylehe
taree boo ayay hayd
midla tiigsaday hayd
sida loo texee hadal
lootiriyo maansana
laga tuugsaday hayd
tixda gabay wanaageed
murti taaba galinteed
gabadh toosisay hayd
kutiiq tiqsatay hayd
tilmaan bixisay bay hayd
tolka kaca tidhay hayd
tosha marada baylahan
farta ugu tilmaantood
isku taga tidhay hayd
alaylehe talaabada
tiriig soco yidhay hayd
bulsha loo tar tama iyo
kuwa taagta aan hayn
wax utara tidhay hayd
aan kuutuura hadalkee
cida taarka aan diri
aan utabi isleeyahay
tagsan rooda weeyaan
sootabi murtida oo
talan taali sheekada
hakatagin sargoyantiyo
tafa tirida weedhaha
sidoo kale maansada ay kuqortay umalkhayr robleh lughaya ayaa taabanaysay bulshada dhaqankeeda iyo qaabka loodhisi karo reer. taasina waxay mudan tahay amaan kuwaasoo kalena waa kuwa loobaahanyahay markas waxaan jeclaan lahayn inaan aragno haweeenkaloo soomaaliyeed oo iyaguna kaqayb qaadanaya nolosha bulshada iyo hal abuurnimada waxaanan leehay labada gabdhoodba mabruuk halkaana kasii wada
c/fatax daahir cige
mudane_22@hotmail.com
Cairo
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
11:01 PM
0
comments
Labels: Suugaan
Thursday, June 21, 2007
Taariikhdu waa madal - Roda Mizan
21 June 2007 - Awdal Convention;
Gabaygan oo lagu xidhay maalintii labaad ee shirka umada ku dhaqan Gobolka Awdal iyo dibadiisaba ee ka socday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota bishan juun 15 ilaa 17 keedii 2007. Roda Ahmed Mizan oo ah abwaanada cusub ee gobolka Awdal dhinaca sugaan casriga ah ka haqab tiraya ayaa markii ay gabaygan ka akhriday golohii lagu shiraayey ayaa dadka intoodii badnayd aad iyo aad ay ugu qushuuceen micnaha uu gabaygu xanbaarsan yahay iyo arinta waaqiciga ah ee uu dabaqaayo ee dadka gobolka Awdal ku nool ku habsatay mudada aan kala go'lahayn.gabaygu wuxuu taabanayaa dhinacyo badan;
dhinaca horumarinta, isku calool fayoobaanshaha ay umadu u baahan tahay, caafimaadka, jahliga iyo dhibka uu umada ku hayo. abwaanadu waxay tidhi, "Teenuna sokeeyow waxay saaran tahay tuur; todobaatan mayloo taakulo u baahane ayaa looga tagayaa?" bal wax kaleba ha joogee; todobaatankaa "mile" ee Borama iyo Dila u dhexeeya ayaa la rabaa inuu dhiso? jawaabtu reer Awdal ayey u taalaa. dhinaca kale gabagabada; midnimadu inay qaali tahay ayey muujisay abwaanadu oo waxay tidhi " Tashi iyo Rag bays muddan - U fiirsada tilmaantaa Tusmo wadajir noo suga; Ha la dhiggo tummaatida; Tafwareen ha joogsado; Toobiye midnimmo iyo ha la maro tub mahadeed."
Gabaygii oo dhan waa kan:
Taariikhdu waa madal
Tagto iyo Timaadaba
laga helo tusaalaha
Turjumaada waayuhu
Waa qof iyo Taagtii,
Tusaale iyo beeggii
Hal abuurka toogtii
Maansada Tikraarkeed
Himilada Tusmaynteed
Tilmaantiisa waayaha
ku salaysan tuducyada
Aqoonyahan Taseecii
Tilmaantiisa waayaha
Ku salaysan Tuducyada
Tawanaha wixii maqan
Tawaadda iyo qalinkiyo
ku cabbire Tiraabkood
Bulsho Taabo galideed
Tolnimo iyo ururkeed
Tiigsi iyo ismaqalkeed
Qofkastaaba Tamartii
Tiska wada habaynteed
Taagyare Gargaarkeed
Turxaan iyo Dawaynteed
Tudhid iyo hilowgeed
Teenuna sokeeyoow
Waxay saarantahay tuur
toddobaatan mayloo
Taakulo u baahane
yaa looga tagayaa?.
Kun Tabaale caydheed
Tamco iyo la dhigay qonof
Kun abaar ku talaxtegey
Oon neefta taabayn
Haddii tiisa lagu xidho
Yaa looga Tegeyaa?
Inta aan tisqaadine
Tawsta iyo gaajadu
Wali toban ku gaadh tahay
Yaa looga Tagayaa?
Inta cudur tammootiyay
Tarab tarab u dilayeen
Laga reebin tiiftii
Yaa looga tegeyaa?
Tafan toof aqoon xumo
Inta wali la taahdee
Aan tiriigga loo shidin
Yaa looga tegeyaa?
Tiigaalka waayahu
Inta uu ku taagsaday
Tusbax go,ay sidiisii
Inta daadsan tiirida
Maxaa howl inoo taal!!!!!!
La tilmaan dhibaatada
Lagumana Talaabsado,
Tusmo iyo ka gudubkii
Taladii is maandhaaf
Ku danbaysay taagtaag
Moramaha la tuur tuur
Ninba tuuji meeloo
ku adkaysay tiisii
Toox iyo xan mooyee
Soorsooran laba tuur
Talo wada jir laga carar
La takoor wanaagii
La siyaasadee talo
Tubtii socodka laga baydh
Tiix noqoy adeegii
Tayyo beel waxqabadkii
Teneg madhan sidisii
U dhawaaq tarkeenii
Tudhid beeshay dooddii
La tumaati sheekada
Tartankii qofnimo iyo
U carawnay teel teel
Nin tusaaledege ihi
Ka tallaabsay sharaftii
Toolmoone odaygii
Tafta xayday oo carar
Tuulamaha laga arag
Tarmo seega maatida
Tows oyday hooyadu
Timihii basaas go'e
Tiiraanyo awgeed
Hablihii Tix iyo fadal,
tawaawece itaalkood
Nin qurbahan ku turuq go,
ay La bid inu wax tarri karo
Dhowr goor wax tuur tuur
Walina ceelku waa tabis
Ma tubbana la eeguhu
Tuhunkiina sii badayBaahidiina way taal
Markan waa rag iyo tallo!!
Tashi iyo Rag bays muddan
U fiirsada tilaantaa
tusmo wadajir noo suga
Ha la dhiggo tummaatida
Tafwareen ha joogsado
Toobiye midnimmo iyo
ha la maro tub mahadeed
Allahayoow tolnimadiyo
Noo kori is tiirsiga
Kuwii taabba gala ee
Naga yeel waxtari kara
AAMIIN.
Roda Ahmed Mizan
U.S.A.
rodamizan@hotmail.com
Posted by
Bahwaynta Saylici
at
11:04 AM
0
comments
Labels: Suugaan