Wednesday, October 10, 2007

Talo Xume Tol Ma Biirsho - Cabdilahi Ibrahim -UK

Aniga oo tixraacaya maqaal aw qorey maxamed jamac dharaar
oo runtii si wanaagsaneyn ugu talax tegey beesha maxamed case

beryahan danbe waxan jirta ina beesha makaahiil is diidsiineyso runta
oo ah in maxamed case foodkii u danbeeyey ku guuleystey doorashadii
7 xubnood halka samaroonka kale oo dhaammi ka heley 6 kursi marka
la isku daro, iyaga oo weliba ay u dheereyd inay soo saaraan ikraam x.
daauud oo iyadu afkeeda ka qirtey maxamed case inay ahaayeen
reerkii soo saaray.

waxana la wada ogyahay cabdi gaagaale inu caawiyey
arintaasina waa la wada ogaa. maxamed dhararna waxan leehaya halka ad
tidhi cabdiraxmaan aw cali taageera waxad ka heli doontaan rayaale waxad ka
weydeene, jawaabteedu waxay tahay magac fooyo kuma baxo oo horaa loo
loo yidhi cabdiraxmaan tolwaa, waxana magacaa aw qirey malintii tolkii
400 kaga dhimatay borama ee dhiigoodii iyo dhiiladoodii kursi aw dhaafsadey
inataa waxa ka daran oo aanan dadku iloobi karin xuukhinta tolkii aw odhan jirey

wallaahi haddii ad is waalwaashaan inan snm tii u yeedhi doonaa iyo ciidamadii
ku meersanaa ee snm ta ahaa ee samaroonka sida ayda aw ugu diri jirey
sharafta iyo wanaagga ina aw cali ad ku sheegtay ma taasaaaa!!!!!!
ta maxamed case nin u dhigma cabdiraxmaan ma laha ad u tidhi ma taasaa!!!!!
damiirxumada iyo damaqasho la'aanta haddii ad sharaf u yaqaan
isku wanaag iyo iyo isku sharf baynaan aheyne horaal loo yidhi tala xume tol
ma biirsho e nafta aniga aw i galinayo adiga ha geliyo dharaarow amma reerkaba
waxanad ogaataa haddii rag sharaf leh oo international figures ah oo aduunkana
laga yaqaan cidi ay leedahay in maxamed case leeyahay;

dharaarow waxa tidhi maxamed case wuxu kala raacay reer xaamud jibriil iyo
reer xaaji daadhir. hadii ad odhan lahayd reer maxamed waan kuu garaabi lahaa
laakiin maxamed case oo dhan ayaa kala raacay markaad tidhaa waxan kuu
arkaa inad tahay kuwi odhan jirey "iyada gadabuursi" waxanad u haystaa
buurta aloogeed in baddii casayd ka danbeyso. Aanan ku saxo kolley
orommo-sanjeex baad tahay;

Maxamed Case waa reerka awdal ugu badan iskana leh,
ismana yaqaano oo haddaan tusale ku siiyo reer maxamed oo
keliya ayaan is aqoon dheegood oo bullaxaar dega iyo reer maxamedka afcas
iyo aayar dega ayaan is aqoon adna maxamed case oo dhan baad sheegeysaa.

dharaarow hadalkaagii waxa kale oo ku jirey cabdiraxmaan aw cali guddida
kulmiye awood buu leeyahay ay isaga ku doortaan oo maxamed case anay
ku lahayn, waxan ahayn timacadee. waxan filayaa filayaa kulmiye wuxu
dooranayaa oo xisbiga anfacaya ninka cod badan u soo kordhin kara
cabdiraxmaan dhawr chance oo hore ayuu dacayey oo aw ku guuldarraystey
xisbigu uma baahna nin dhefadhi ah oo an waxba tarayn, sidaa darteed
waxa jaaniska leh ninka guul keeni kara kaasina waa maxamed case

haddii an ku soo noqdo muna, waxan leehay muna kuraastan rayaale
ku soo saaray gaagaale, iyo afweyne, iyo aare doorashadii, iyo
labadakuris ee abiib iyo ina xaaji daauud eed tidhi cabdiraxmaan aw cali
ayaa baki ka soo saarey, ma sako ayaad u bixiseen. sakadan maxmed
case ad siiseen eed ka madhantiini maxay ahayd. sako adigii ad ka
qatantihiin makaahiil sako maahee la noqda.

waxan hadalkayga ku soo gabagaeynayaa makaahiilow, waxad noqoteen
reer banii israaiil kii ilaahy yidhi qudus tega oo intay dham'aan halkii ay ka
tegeen ku soo noqon jirey ee raadkoodii ka dhamman waayo foodadkii
hore ee dawladii cawaro iyo beebbeentii ayaad madaxiina weli ku jira, markaa
waxad weli garanlaa'dihiin in maxamed case dhulkiisa an laga footeyn jirin
beryihii hore, taas oo lughaya ay ka tirsaneyd hargeysa,
Saylacna ciise faws lagu siin jirey iyadoon looba footayn;
sanaaduuqda foodkana abuqays iyo boqore gunti-xume
iyo qulujeed uun la dhigi jirey, Baki oo kalena hal sanduuq ayuun baa la geyn
jirey.

markaa food dhulka maxamed case gaadha oo dadku fursad u helaan
maanta ayaa ugu horreysa, waana ta ad fahmi laadihiin waxana fiican
xaasidnimada intaad iska deysaan inad walaalihiin u hambaliyeysaan
haddii kale horaa loo yidhi makaahiil amma xin weynaa amm xaar weynaaye
waxan idin odhan doonna waa woxoogii....labadaa sida khayrku ku jiro waa inada
kala miyataan


Cabdille Ibraahin
london

Xisbiga kulmiye meesha ay dani ugu jirto wuu garanaya ee loo sheegi maayo.

Waxaan rabaa inaan ka jawaabo maqaal uu ku soo qoray harowo nin sheegayana
Mustafe Jaamac Dharaar oo jooga South Africa Ocotober 7, 2007
ninkaasi oo u hadlay si aan aqli iyo cilmi midna kamuuqan.Maqaalkaa oo cinwaankiisu ahaa.

Faalo: Dulqaadka Mujaahidka, Damaca Maxamedd Case iyo
Dayacnaanta Xisbiga Kulmiye

marka hore sxb kay mustafe waxan leehay mujaahid kaad sheegaysaa ayuu mujaahid uyahay??? hadiise uu mujaahid yahay ciduu uyahay ayuu uyahay ee beel waynta samaroon dhexdeeda majaahid kama ihin waana ceeb in aad kufaantaa in uu C/raxmaan Aw cali yahay nin mujaahida oo tol kii laayay.

Hadii aan kajawaabo su,aasha ahayd, waxay wakhtigaas ku hungowday inay keesadaan rag uga qayb gala tartanka Madaxaweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, sobabtuna waxay ahayd beesha oo iska dhexweyday rag u dhigma laxaadka iyo miisaanka muj. Cabdiraxmaan Aw Cali ku leeyahay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Horta Mustafow sxb waxaa wax lala xishoodaa inaad ku tilmaanto meel waynta Maxamed Case bilaa aqoon oo aad soo agdhigto Askari iyo wax udhigmaala waayay c/raxman aw cali anigu kaaga warami maayo aqoonta maxamed case iyo taariikh beesha, hadii aan ku noqdo doorashadii Madaxwaynaha ee dhacday sanadkii 2003 waa runtaa oo kulmiye ayaa qaldamay oo C/racxmaan Aw cali ayaa been usheegay kamaysen xumaane meeshu waa udaysay waad ogayd guul daro ayuu ka soo hooyay tii baarlamaanka waad odayd oo gobolka waxaa ka soo baxay xubnihii ugu jiray Maxad case.

Qiyaamada iyo xeelada aad sheegayso ee lagu sadbursaday doorshadii wakiilada dee sxb nindal leh ayaa wax bursada ama wax xeeladeeya ee nin aan meeshaba deganayn muxuu xeeladayn hadiise ay wax isdhaafina jireen somalilanad oo dhan ayaa wax isdama mariyay oo waad ogayd dila iyo quljeed lagama odayn ee waa lagu shubtay.

Markaa sxb kay waxan leehay manta Xisbiga Kulmiye waa ogyahay meesha ay dani ugu jirto ee loo sheegi maayoadigana waxaa laga yaa baa in aadanba kahayn wax badan oo xoga somaliland iyo guud ahaan gobolkaba oo lagaaga waramay uun ee horta dib ugu noqo taariikhda maxamed case iyo G/awdal iyo guud ahaanba Somaliland.

wabilahai towtiiqby
Cumar Maxamuud Qayaad
(cumar xadaari)
Taiz - Yemen

Tuesday, October 09, 2007

Ma Xisbi Awdal, Keensataybaa Jira?. (Qaybta 3aad)

Ma Xisbi Awdal, Keensataybaa Jira?. (Qaybta 3aad)

Annaguna Ciidnee, Idinkuna Ciida: !!!

Waa qaybtii saddexaad ee maqaalkeena taxanaha ah. Qaybtan iyada ahna waxaynu ku gorfayni doonnaa taladii labaad ee aynu Isla maqaalkaas ugu soo jeedinay reer Awdal. Taladaasina waxay ahayd sidatan:

II. Keensada Xisbi, Ka Yimidday Awdal.

Waxaynu wax iska weydiinaynaa isla mar ahaantaana kaga jawaabi doonnnaa, su’aalaha kala ah:

Maxay tahay baahida Loo qabo, xisbi Awdal keensatay.?
Maxaa ka hor taagan inay reer Awdal keensadaan Xisbi?
Muxuu Xisbiga Siyaasadeed ee Awdal, u qaban karaa Awdal?
Maxaynu ugu magac darnaa Xisbiga Awdal Keensatay?

A. Maxay tahay Baahida Loo Qabo in Awdal keensato Xisbi Siyaasadeed?

Waxaynu ku bilaabaynaa baahida loo qabo in la yeesho ururo siyaasadeed oo Awdal keensatay kuna biira kuwa Somaliland iyo xitaa Somaliweynba. Baahidaas (the Need for Awdal’s Political Party) iyada ahna waxaynu kaloo soo dhex bixi doonnaa tusaalooyinka hoos ku xusan:
(i). Xuseen Ceelaabe Faahiye wuxu ka mid ahaa musharixiintii shirkii Carta isku soo taagay jagada Madaxweynimo ee dalka Soomaliya. Aqoon iyo karti uu isku hubo ayuuna isku soo sharaxay. Hase yeeshee qabiil ahaan waa laga tiro badnaa oo cidna ma filaynin inuu guulaysan karo.

Reer Awdal marka laysku wada daro Samaroon iyo Ciise wixii meesha markaa joogay, inyar mooyiye, intii kale qofna uguma ridin. Sida la tuhunsanyahayna waxay is yidhaahdeen: “bilooyoo geedku ila jabo”, oo haddaad u codeeysaan ninkan an guulaysan Karin, hadhoowto idinkuna jagooyin sare laydinka siin waayaa Xukumada dhalan doonta. Waxay iska ilaawaan xukummadda iman doonta inuu isla odaygaasi ku yeelan karo miisaan aad u weyn oo an marnaba cidlo lagaga tagi doonin.

Si kastaba ha ahaatee, Ceelaabe kuma guulaysan xitaa kumana soo dhawaanin tiro ahaan jagada madaxweyne, oo wareegii koowaadba wuu ku hadhay. Hase yeeshee marka laga soo bilaabo ilaa Dawladii Carta ilaa tan maanta, kolba wuxu kartidiisa ku hantaa jagooyin sare. Kuwii u codayn waayayna, cidi ma odhan waa kuwii Ceelaabe u codayn waayaye, iyaga siiya jagooyin sare. Isna sidoo kale cidi ma odhan waa odaygii isku soo sharxay madaxnimadee inaga cadaadiya oo jagaba yaan loo dhibin. Haddii uu maanta jagada ugu sarreeysa Soomaliweyn ka helana ma loogu dudi doonaa muxuu Awdal wax ugu qaban waayay?. Dabcan waa damaceena riqiiska ah, oo HAA waa loogu dudi doonaa. Sidaa iyo si le’eg hadduu jago liidata ku danbeeyo iyo buulkaba la dhigana ma lagu wiirsan doonaa. Dabcan waa dareenka diciifka ah, oo HAA, waa lagu wiirsan doonaa horena way u dhacday.

(ii). Sidaa iyo si le’eg isla shirkaasi Carta waxa sharafta lagaga xayuubiyay halyeeygii kalidii gacantiisa (single handily) ku aasaasay xisbigii SDA ee London lagu sameeyay. Halyeeygaasi waa Idiris Xasan Diiriye. [Rumaysta ama ha rumaysanina isagaa abaabulay, agaasimay, aasaasayna xisbiga SDA, inta xaqa garansan iyo Ilaahayna waxay u yihiin markhaatiye. Qorlaaka buuxa ee xisbigaasina anigaa diyaar idiin la ahe, waxyar iska sugoo, waxad yeeshiin, waxba hasii dacaroonina]. Waa la doogiye yaan la dacaroon.

Arrinta Idris waxay kaga duwanayd midda Ceelaabe, waxay ahayd; in kuwii ugu xigay qooys ahaan Idiris (The Founder and the Rock of SDA), yidhaahdeen, ma aha ninkaasu nin heer qabiil iyo qooys jooga oo na matali kara. Sidaa daraadeedna noogama qalmo kursi. Sidaasayna dadka hortiisa ugaga xayuubiyeen sharafta iyagoo adeegsanaya qaar ka mid ah qabqablayaasha dhuuni u dirirka ahaa ee ka socday dhinaca Jabuuti. Hadana Soomaliweyn, sidaas kagama hadhin Idirise, waxay ku qaateen xabadka, waxaynka ka maarmi waayeen xirfadihiisa, xilkasnimada iyo xushmada Ilaah siiayay, oo wuxu ka mid ahaa dadyoowgii ugu horeyay ee jagooyin loo magacaabo.

Kuwii kursiga u diidayna isagay hoos yimaadeen. Haatan oo Idiris iskaga baxay siyaasadda bullaacadda ahna, waa wada ogsoon yihiin gefkay ka galeen oo waa ay ka qoomameeyaan intooda badani. Idris (sheekadan waxan ku dari doonaa qoraalkayga soo socda ee SDA), maalin maalmaha ka mid ah wakhtigii uu u dadaalayay SDA 1989/90, ayaa waxan arkay isagoo kacaa fadhiisana oo aad ugu hawlan hir galinta xisbi siyaasadeed oo Awdal yeelato. Waxanan ku idhi “waan ku arkaa sidani ad u dadaalayso, waxanse ka cabsi qabaa in dadkeenu imika waxba kuu qiri waayaan, ogaana waayaan halgankan ad ugu jirto”, oo markaad gaboowdo ama dhimato kuu qiraan. Wuxuna iigu jawaabay, “God-Forbid, that will be too late”. Idiris waa noolyahay oo ma dhiman, mana gaboobin, oo waa 20 jir, waxanan filayaa inaanay noqon doonin ‘too late’ inaan ka hadalno kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu inagaga jiray. Waxan u baryaynaa cimri dheer iyo Caafimaadqab.

(iii). Intaa ka soo gudub; waxa la soo gaadhay Somaliland iyo doorashadii runta ahayd ee lagu tilaami karayay diimuqraadiyada da’ada yar ee ka dillaacday geeska Afrika. Waxa jagada madaxweynimmo isku soo kala sharxay, Daahir Rayaale, Axmed Silaanyo iyo Faysal Cali Waraabe. Nasiib wanaag doorkaasi inta badan ee reer Awdal waxay codkooda ugu deeqeen Daahir Rayaale, oo reeraha qaarkood (M/Case, ee ceelaabe kasoo jeedo) ma odhanin, anagaba Ceelaabe way nagu taageeri waayeene, anaguna an uga baxno, doorashada Daahir(si kastaba xaaladuhu ha u kala duwanaadeene). Taasi waxay ahayd guul iyo sharaf usoo hoyatay dadka reer Awdal intoodii garatay inay Daahir taageeraan.

[Haddii nin kale reerahaasi kasoo jeedi, isku soo taagi lahaa jagada madaxnimo ee Somaliland, in sidii Ceelaabe laga yeeli lahaana mooyiye, hadana tol waa tolane, weynaaduuna waraabe cunaa, curadna waa kii badiya dulqaade].

Hase yeeshee, maanta oo xitaa an laba hubin inuu Daahir Rayaale iskaba daa doorasho uu ku guulaystee, isa soo sharaxi doonoba. Waxay reer awdal u kala daateen sida hadhuudhka. ama tusabax furtay. Waxay u kala badinayaan Siilaanyo iyo xisbiyada mucaaridka. Ismay odhanin bal an sugno horta in Daahir dib isku soo sharraxo iyo in kale. Hadduu isa soo sharxana, dee ama an ku diidno oo qof kale oo isaga laftarkiisa la loolama kasoo saarno Awdal, ama ku yeelno. Aqoonyahaniinta imika naleh waxbaan badalaynaa, oo xisbiyada mucaaradka ah ayaan galaynaana, taasi way seegtay. Kuwa iyagu markoodii horaba ku jiray xisbiyada mucaaradka ahi waxsaarka maleh, oo awalba waxay ahaayeen mucaarid. Waxayse fari ku godan tahay kuwa markii horaba u nacamlaynayay Daahir Rayaale ee marka dantoodii shaqsiyaad u socon weyday, yidhi waan cararaynaa, oo odaygaba ceelbaan kusoo duminaynaa. Dee yaa ka caqli liita oo sidaas cod ku siin doona.?

Sida qaalibka ah; Daahir Rayaale, uma qaban Awdal wax la taaban karo oo lagu faani karo, waxase la odhan karaa waxa ku faani karta Somaliland caam ahaan oo taariikh uu ku leeyahay. Kuwa soo socda ee ka yimaada Awdal ee isaga badali rabana lagama sugayo inay wax taraan Awdal balse waxa la filayaa inay raad ku yeeshaan dalka ay maamuulka u hayaan Sobabtuna waxay tahay xisbi midaysan oo awel horaba Awdal keenstay oo qof reer Awdal ah ku hayn kara jagada madaxnimo ama wasiirnimo ama jago kaleba, ma jiro. Sidaa daraadeed qof kasta oo masuul qaada oo kasoo jeeda gobolka Awdal wuxu noqon doonaa qof calooshiisa iyo dantiisa ku ilaashada meesha uu joogo. Isla mar ahaantaana rajo iyo maamuus ka suga soomalida kale balse ka quusta oo ka qadh goosta dadka reer Awdal ama samaroonba an nidhaahnee.

Tusaalooyinkaas an soo qaadanay oo dhanna waxay ka marag kacayaan in waxa kala tafaraaruqa ugu wacan reer Awdal, tahay iyaga oo an lahayn; “Bir-ma-Geydo Guud”, Bir-ma-geydo Gaar ah, iyo Bir-ma-Geydo Gooniya, oo midkoodna an la dhaafi karin.

Hadii waxyar halkan aynu sii jilcino; bal kasoo qaad haddii aynu leenahay birmageydo guud, waxay innagu dirqiyi lahayd in marka siyaasi ama aqqonyahan reer Awdal ahi isku soo taago jagada ugu sarreysa ee madaxweyne oo ah dan guud, in dhammaan dadka reer Awdal u codeeyaan. Isku soo wada xooriyoo, Bir-ma-geydadaas dhan walba leh waxa lagu kasban karaa laguna keeni karaayi waxay tahay xisbiyo iyo ururo isku xidha dadka reer Awdal meel kasta oo ay joogaanba oo ku mideeya danta guud/gaar/iyo gooniba.

Muhiimmaddu waxay tahay, in baahi weyn loo qabo xisbi awdal keensatay si loo helo aragti midaysan oo guud, aragti midaysan oo gaar ah, iyo aragti midaysan oo gooniya. Iyo si loo helo odoros siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, iyo ijtimaaci oo hor leh, iyo aayatiin dhaxal gal ah. Taasi waxay u suurto galin doontaa buslho weynta Awdal inay daryeelaan hal dooradadooda iyo halyeeyadooda dabooli kara baahi kasta oo ay qabaan iyo waxkasta oo ay higsanayaanba. Docda kalana waxay siin doontaa waxgaradka awdal, kalsooni iyo yididiilo ay dadkooda ku qabaan, waxna ugu qabtaan, ogaadaana in ummaddi ka danbayso. Waxan odhan karnaa xaaladaha siyaasadeed ee geeska Afrika, gaar ahaan Somalia/Somaliland , waxay baryhan danbe isku babadalaan sida dabaysha dalkan Ingiriiska oo kale. Diyaar garow iyo tabaabulsho isku xidhan ayaana lagaga dabaalan karaa.

B. Maxaa Ka Hor Taagan inay reer Awdal keensadaan Xisbi?

Waxad is odhan kartaa waxa ka hor taagan reer Awdal inay keensadaan xisbi siyaasadeed oo ka yimiday Awdal, saddex arrimood, oo kala ah:
i). Xal Raadin:

Wali Dadka reer awdal waxad mooddaa inay ku jiraan xaaladdii xal raadinta, oo aanay ugaba gudbin xaaladdii xaq raadiska, mudadaa 16 ka sanadood ee Somaliland jirtayba. Dadka reer Awdal qaarkood waxay isku haystaan inay wali kala celinayaan oo kala horjoogaan waloolahoodii kale ee Somaliland . Hadday sidaasi yeeli waayana malahooda waxa ku jira in Somaliland burburi doonto. Habase noqotee, ma is wediiyeen dadkaasi su’aasha ah inay iyagu keeneen Somaliland markeedii horaba iyo in loo keenay oo waliba lagu dirqiyay?.

Iyagoo reer Awdal xaaladaasi ku jira xal raadinta ah, ayaa hadana waxa sidoo kale muuqata in dadka kale ee walaalahooda ee kula nool soomalilandna uba sii sinqayaan xaaladii xaq raadiska, oo ka gudbeen xal raadin iyo sabasabaalayntii hore. Taasi oo ad arkayso in beel walba ama gobol walba u dadaalayo is balaadhin iyo xaq isa siin. Isla markii xukumada Somaliland hano qaadayba waxa lagu ku tallaabsaday in gobol loo sameeyo Berbera. Gobolkaasi oo tayo iyo tiraba an la barbar dhigi karin Awdal balse hadana saamiga kuraasta baarlamaanka ee la siiyay uba dhigma kuwa Awdal (wax badan isma dheeree).

Waxad arkaysaa Hargeysa oo gaadhay horumar gaadhay ilaa heer ku salaysan kobcin guryayn (Housing Development). Halkaas oo imika hayadaha gargaarku dhisayaan guryo loogu talo galay dadka Danyarta ah. Waxa jirta Burco oo idaylkeeduba ka madax bannaanaatay faro ku haynta Hargeysa oo awood buuxda u leh maamulkooda daakhiliga ah. Gabiley oo is fidisay oo dhul ballaadhsi u tafo xaydatay, cududna ka haysata dawladda Hargeysa. Sool iyo Sanaag oo lugaha kula wada jira S/Land iyo Somali/Weyn labadaba, dantoodana an cidi ku faro galin. Waxa soo hadhay gobolka Awdal oo dhammaantii noday degmada Awdal, oo gacanta ugu jirta gobolka Hargeysa.

Guulaha dawladu u keentay, ee gobolkeena Awdal ku faanina, malaha waxayba tahay Caasimadii Awdal ee Baki oo loo soo raray Boorama, iskaba daa degmooyin kale oo la kordhiyee?!. Waa guulaha Awdal ka gaadhay Somaliland . Reer Booramana qaarkoodbaaba u haysta inay tahay guul in Boorma oo an u baahnayn in caasimad lagu magacaabo oo Ilaahayba ka dhigay caasimadda Samarroon, loo magacaabo caasimada Awdal, oo u sacab tumay. ‘Bahdayada Bah Caylaba waa wada caynkaasi’!. Toloow ma og yihiin kuwaasi in ujeedada laga lahaayi ay tahay mid u muuqata in lagu guulaystay ama lagu guulaysan doono. Taasi oo ah in Berbera iyo Gabiley loo sameeyo dal ballaadhsi, Awdalna lagu soo koobo degmada Awdal, ee Boorama u tahay degaan iyo magaalaba.?

Jaamicada Cammuud iyo Dugsiyada kale ee waxbarasho ee Awdal ka jirana ma aha kuwo dawladi shaqo ku leedahay oo la odhan karo waa guulaha laga helay dawlada Somaliland . Si kastaba ha ahaatee reer Awdal oo wali u haysta in lagu jiro xaaladii xal raadiska iskana dhaadhiciyay in wali Somaliland tahay curdin imika indho barraqsaday waa sobabta koowaad ee loo aanayn karo inay uba diyaar garoobin inay soo abuubalaan xisbi ballaadhan oo siyaasadeed oo Awdal ka hano qaada kuna faafa dalka intiisa kale

(ii) Is tix galin iyo aaminaad la’aan.

Tani laftarkeedu waxay la qoob wadaagtaa xaaladii hore ee ahayd xal raadinta. Waxana la odhan karaa, reer Awdal inay iyagu is bahaystaan oo xisbi yeeshaanba waxay u rakaan inaanay ku jirin maslaxada iyo xalka dhexdoodu. Haddii tii hore ahayd inay isku haystaan inay iyagu kala hor joogaan oo xal iyo waanwaan u yihiin walaalahooda kale ee Somaliland , tanina taas ayay ka soo hor jeedaa (Opposite). Waxayna tahay inay malaha iyagu dhexdooda is tuhun iyo kala shaki qabaan oo ay is leeyihiin ku food qarsada xisbiyada kale iyo reeraha kale ee Somaliland oo haba idiin noqdaan dhufays ad ku kala gabatiin ama isugu soo gabatiin.

Dad badanbaa laga yaabaa inay ka biyo diidi karaan hadalkaasi, waxase tusaale inoogu filan sidii markiiba loola kal booday xisbigii SDA isagoo curdin ah ee aakhirkiina inta labo garaba loo kala jabiyay, garab ka mid ah gacanta loogu galiyay mid ka mid ah caadawihii loo aasaasay inuu ka hor tago, oo ahaa SNM. Halkaas oo ninkii SDA hoos geeyay SNM, hadana markii SNM guulaysatay isaga loo bixiyay LABA TOLE, oo caleemo qoyan lagu soo dhaweeyay. Ninkii aasaasay SDA, isna cidlo lagaga tagay oo la odhan karaba wuxu noqday Geesiga runta ah ee Tol waayay. Waa lakala garanayaa ayaan filayaa labadaas nin, iyaguna waa iska keen yaqaanaan oo waa rag isku fac iyo asxaab ahe. Intaasna u dhaafin mayno hadalka qaybtan.

Is tuhunka iyo tashuushka noocaas ee tacdiibka badana, waxan is leenahay waa loogaga bixi karaayi waxay tahay in beel –beel iyo qooys-qoys iyo xeerkii iyo dhaqankii qadiimigii ee aynu lahayn dib logu noqdo. Geedna layskugu yimaado oo si calool fayoow oo furan loo wada hadlo, deg-degna xal loogu helo wixii mustaqbalkeena danbe u keeni doona murugo iyo ciil ubadkeenuna la madluumi doonaan.

(iii). Cabsi reer Awdal ka qabaan inuu xisbigoodu aqlabiyad heli Karin.

Dadka qaarkood ayaa waxay ku doodaan in hadii xisbi siyaasadeed laga soo sameeyo Awdal uuna xisbigaasi ku guulaysan doonin doorashooyinka. Tani waa dood iyo cabsi riqiis ah oo an loo baahnayn in laysku khuukhiyo. Haddii xisbiyada hargeysa iyo Burco laga keenay ka heleen cod gobolka Awdal, maxaa ka hor taagan in xisbi ka yimiday Boorama uu ka helo cod Hargeysa, Burco, Berbera, Sool iyo Sanaag. Haddii cabsidiinu run tahay oo walaalaheena kale ee Somaliland rabin xisbi Awdal ka yimiday balse kaliya rabaan uun shaqsiyaad ay awdal kasoo xushaan. Taasi maxay ka dhigan tahay?. Taasi waxay ka dhigan tahay; “jacayl an lagula wadin wakhtigaaga yuu lumin”. Sidaan u jecelnahay Somaliland hadaanay noo jeclayn dee ma jeebaa iskugu keen jira, jaaaaaw nabad galyo, jaaw Hargeysa Jaaw…..

C. Muxuu Xisbi Siyaasadeed u qaban karaa Awdal?

Horumarkasta oo gobolka Awdal ku faano ama higsanaayo inuu hanto ee ku lug leh xag waxbarsho, Caafimaad, Ciyaaro (sports), dariiqyo, dikado, badaha , buuraha iyo beeraha. Waxa xaqiiqo ah inuuna marnaba hano qaadi doonin oo heerka la rabo gaadhi doonin iyadoon la helin hadaf siyaasadeed oo lagu midaysan yahay oo kuwaas hir galiya. Sobabtuna waxay tahay kolba hufada xisbiyada siyaasadeed ee Hargeysa iyo Burco ka yimiday ayaa kolba dhinac u hafini doonta himiladaas horumarineed ee gobolku tiigsanayo.

Si taasi looga hor tagana waxa lagu kasban karaa hadaf siyaasadeed oo la hano qaada hadafka horumarineed ee gobolka. Wuxu gobolku yeelan doonaa mawqif cad oo an la
muqiinin Karin lana miidhi Karin, dadaalka dadkiisu ugu jiraan daryeelkiisuna wuxu noqon doonaa mid lagu najaxo oo laga midho dhaliyo.


D. Maxaynu ugu magac darnaa Xisbiyada Siyaasadeed ee Awdal?

Doorashadii dalka dib ayaa loo dhigay, taasina waxay siin doontaa fursad ay dadka reer awdal ee guri jooga iyo qurba jooga kala ahiba ugu diyaar garoobaan inay ka tashadaan samaynta xisbiyadooda. Horey waxayn u bixinay dhawr magac oo u yaala reer Awdal inay qaataan ama kuwo kalaba ku badalaan. Magacadaasi waxay kala ahaayeen:

Ø USTAAD – Ururka Sinnaanta Tobabarka Aqoonta iyo Abaabulka Dadweynaha

Ø UMMAD – Ururka Maaraynta Midnimada iyo Agaasinka Dadweynaha

Ø XIDID - Xisbiga Daacadda iyo Dadaalka.!!!.

Magacda saddexdaas xisbi midkii ay ka doortaanba waa mid an u hannaynay dadka reer Awdal. Aqoonyahaniinta joogta Awdal iyo waxgaradka imika u kala tartamaya xisbiyada Somalilandna waxaban ku guubaabin lahayn inay mid ka mid ah xisbiyada aynu halkan magacdooda ku sheegnay hir galiyaan una kala tartamaan midkooda noqon lahaa guddoomiye iyo guddoomiye xigeen iwm. Siyaasiga halkaas kasoo dhalaala ayaana saamayn weyn ku yeelan doona siyaasadda geeska Afrika, taasna iga gunta.


Nabad iyo Caano Aynu Ku Ciidno.!!!

Abdiqani Ateyeh

London UK

hiildan@yahoo.com

Jawaab: Maxadwayne ku xigeenka Maxamed Case ayaa iska leh - Muna Cali

Waxan akhriyey maqaal ay qortay gabar la yiraa Najma kaasoo ay cinwaan uga dhigtay madaxweyne ku xigeenka Maxamed Case ayaa iska leh. Runtii ma xuma laakiin maqaalka waxa ka muuqatay caadifad qabiil,Najma waxba ma taransan tolkeedna ceeb uunbay usoo jiiday.Haddii xaqiiqda laga hadlo arintu sidaa ay sheegtay uma dhawa aadbay uga fogtahay qoraalkeeduna waa mid aan xaqaa'iqa ka turjumayn dhankastaba.Ha noqoto xaga degaanka,xaga dadka ama mujtamaca,xaga miisaanka iyo xaga martabada intaba iyo waliba xubanaha baarlamanka ee ay xustay.Waxan orankaraa way ku degdegtay waayo beesha Makaahiil waa lafdhabarta beelaha Samaroon.

Waxan shaki ku jirin in qoraalka najma yahay mid kasoo shidaal qaatay sheekada ama haasaawaha baryahan danbe ay dad dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beesha maxamed case isku maaweeliyaan.Kaasoo odhanaya maxamed case waa beesha ugu balaadhan mujtamaca ku nool Awdal,waa beesha kaliya ee iyadu meteli karta awdal sidaas darteedna wax laga waydiin karo iyadoo beelaha kale u aragta soo galooti.Ma jecli inaan hoos ugu dhaadhaco arimaha qaar laakiin waxgaradka beeshu wuu ogyahay xaqiiqada,laakiin waxa jirta dhalinyaro baryahan danbe meelahaa kaga sheekeeysa arimahaa iyo kuwo kale oo badan

Hadaba beeshu marka ay arimahaa iyo kuwa kalaba saxeexayso waxay tusaale usoo qaataan tartankii xisbiyada iyo xubnihii golaha baarlamanka usoo gudbay.Waxay ka dhigaan tartan dhexmaray beesha maxamed case iyo beelaha kale ee Samaroon taasina waa wax aan jirin.Hadii xaqiiqda laga hadlo todbada xubnood ee beesha maxamed case kasoo galay baarlamanka afar ka mid ah waxa soo saaray Makaahiil.Taana xaqiiqdeeda waxad ku ogaan doontaan xaga hoose.

Waxa xusid mudan tartankii golaha degaanka kii madaxweynah iyo kii barlamaanka inay intuba ahaayeen qaar dhexmarayey axsaab ee aanay ahayn kuwa udhexeeyey beelaha Samaroon ama Makaahiil iyo Maxamed case.

Anigu waxbadan baan ka ogaa sida ay arintu udhacday xiligii doorashada wakiilada somaliland iyo xataa tii golaha degaanka khaasatan degmada Boorama.
Horta beesha maxamed case waxay cayaartay shax,waxay ogaadeen in sadex nin uu madaxwaynuhu wato sidaas darteedna ay gar iyo gardaraba ku soo baxayaan,sadexdaa nin waxay ka sharaxnaayeen xisbiga talada haya ee UDUB waa Afwayne,Gaagale iyo alla ha unaxariistee Aare.
Sadex xubnood beesha waxay uga soo baxeen mucaaradka sadexna muxaafadka hadda waa gobolka awdal uun.xubina gobolka hargeysa cali gabiley,xubinta gobolka hargeysa waa cali gabiley'e codbuu ku soo baxay xubinta gobolka awdal ee kulmiyana waa Mahdi gees'e codbuu kusoo baxay laakiin shanta xubnood ee kale waxa saaran calaamatu su'aal sidey kusoo baxeena waa la ogaa.waatii loo bixiyey Sunaami.

Waxan halkan ku faah faahin doonaa siday xaajadu udhacday. Sadexda muxaafidka ah waxay kala ahaayeen Aare (Bahabar Celi), Axmed Maxamud Maxamed - Afwayne(Reer Maxamed) iyo Cabdi Jamac Maxamud - Gaagaale (Bahabar Muse).

sadexda mucaaradka ah waxay kala ahaayeen Abubakar Cabdiraxman Maxamud (Reer Maxamed), Mahdi Cabdilaahi Maxamud (Reer Maxamed) iyo Mahdi Xuseen Cadar - Gees(Bahabar Celi). Halka Cali Obsiye (Cali Gabiley) isagu ka ahaa Bahabar Aadan.

Bal hadda aan labadan kooxood kolba mid isdul taagno:Sadexdan xubnood ee xisbul xaakimka ah iyo ninkale oo kale oo kasoo jeeday beesha Ciise waxay ahaayeen isku doon.Afartaa nin waxa awood loo siiyey inay iyagu isku codeeyaan, sidiibay udhacday! Afarta xubnood waxay sii raaceen baabuurkii sanaaduuqda iyo waraaqaha waday. Xaqiiqda biya kama dhibcaanka ahi waxay ahayd inay iyagu isku ahaayeen xukuumadii, booliskii, komishankii, goobjoogayaashii, shacabkii codaynayey iyo kuwii loo codaynayey intaba.

Sanaaduuqdii waxay la tageen banka giriyaad inta geed hoostii lala fadhiistay ayaa halkaa lagaga shaqeeyey dhalinyartii goobjoogayaasha ahayd intii amarkooda qaadatay waxay ka dhigteen shaqaale intii ka hortimidna way caydhiyeen iyagoo ugu hanjabay inaanan dib loo arkeyn oo ay dooxa ku xabaali doonaan hadii ay iska tegi waayaan.Cid arintaa wax ka qabatayna ma jirin waayo cidii wax ka qabanlahayd waa ta awooda usiisay inay iyagu gacantooda isku soo saaraan.


Waxa laga yaabaa in ay akhristayaashu goorahanba is waydiinayaan odayaasha maxaa arinkaa ku kalifey sow kuwii ahaa rag magac leh mee beelihii ay kasoo jeedeen iyo taageerayaashii xisbigii ay ka tirsanaayeen?Su'aashaa jawaabteedu waa tan Nimankani waxay ahaayeen niman in badan xukuumdihii kala danbeeyey kasoo tirsanaa Aare iyo Gaagale waxay ahaayen xildhibaano, Afwaynana wuxu soo qabtay xilal ay ka mid ahaayeen Badhasaabnimo.

Sida aan ka warqabno ragani waxy ahaayeen niman dantooda uun meesha ku ilaashada sida illaa imikaba ay yihiin oo aanan haba yaraatee dheg uraaricin tabashooyinka beelaha ay kasoo jeedaan.Inkastoo ayna kaligood ahayn ee ay ka simanyihiin/sinaayeen dhamaan masúuliyiinta gobolka ku abtirsadaa.Sidaas darteed wax ay dadka gashadeeni majirin beel kastina waxay utashatay dhankeeda ka dib markii ay ogaadeen in uu xisbiga talada haya ee Udub nimankii caynkaa ahaa soo sharaxay.Waxa iyadna xusid mudnayd beelaha maxamed case oo macaaradad qaawan kala horyimid maamulka Dahir rayaale,taasina waxay sii laba jibaartay nacaybka loo qabo xubnaha ka sharaxan xisbiga talada haya.

Maxay samaysay beeshu? Beesha maxamed case waxay cayaartay shax,Waxay ku tashadeen in xisbiga udub iyo sadexdan xubnood ee uu wato la isku daayo, maxamed casana xubnaha macaaradka ka sharaxan uu u codeeyo.Sidiibay udhacday waxa loo codeeyey xubnihii mucaaradka ka sharaxnaa hal cod lama siin xubnihii udub marka laga reebo xildhibaan Gaagaale oo ay bahabar muuse ucodeysay laakiin tirada ku buuxsaday qaybtii uu share-ka uhelay ama intii kasoo hadhay Afweyne iyo ala ha unaxariistee Aare.

Imikana bal aan idiin kexeeyo xagaa iyo xubnihii mucaaradka ka sharaxnaa.Sadexda xubnood ee mucaaradka kasoo baxay sida aan soo sheegnay waxa cod kusoo baxay Mahdi gees halka Abubakar iyo Mahdi cabdilaahi oo isku jufo ahi farsamo kusoo baxeen.Xubnaha mucaaradka ee xisbiga kulmiye waxa Aabo u ahaa C/raxmaan awcali isaguu ahaa ninkii Baki tegay ee ku dagaalamay in Abubakar Good iyo Ikraan X.daauud lasoo saaro gar iyo gardaraba.

Halkaa waxa inooga cadaatay in beesha Makaahiil ee ay Najma eedaynayso ahayd tii keentay guusha ay ku faanayso iyo inay xubnahani xisbi ahaan kusoo baxeen ee aanay beesha maxamed case soo saarin.Waxa iyadna xusid mudan oo qaabkaasoo kale ku yimid xubnaha beesha maxamedcase ee xisbiga udub kasoo galay golaha degaanka ee Boorama.Ugu danbeyntii waxan odhanlahaa dadka been yaan loo sheegin,beeshuna yaanay been isku sheegin ee ha ogaato inay raso uqaldantay.

Ta madaxwyne xigeenka hadaynu usoo noqono xaqbay uleedahay beeshu inay ku tartanto. Laakiin anigu hadaan adiga ku ahaan lahaa( if i were you i would say that) waxan odhanlahaa Madaxweynaha Maxamedcase ayaa iska leh,waana midaa ta aan kulahaa tolkaa ama tolkay ayaad ceeb usoo jiiday.

Muna cali
muna.cali@yahoo.com

Sidee Bay Dadwaynuhu U Arkaan Dib Udhigista Doorashooyinka Golaha Deegaanka Iyo Madaxwaynaha

Gudiga doorashooyinka Dalka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray Go’aan ah in doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo madaxtooyada ee la filayay inay dhacaan bisha December ayaa dib loo dhigay ilaa SanadkaBisha December 2008.


Waxaa ay dad badani aragtiyo kala duwan ka bixiyeen Dib u dhigista doorashooyinkaa loo sameeyey taasi oo dadka intooda badani ay hadal hayaan in ujeedadu tahay in Diyaar garow badan la sameeyo si aanay doorashooyinkaasi u noqon sidii doorashooyinkii hore loo soo qabtay oo dadka intooda badani ay iskaga noqnoqonayeen Sadex jeer Afar jeer taasi oo la odhan karo inaanay doorashooyinkii hore loo qabtay aanay anayn mid munaasib ah balse imika la damacsan yahay in doorasho qorshaysan oo si xalaal ah u dhacda oo dadkoo dhani ku wada qancaan isla markaasina laga ilaaliyo habacsanaantii hore ee la sameeyey.


Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo 2 bilood ka hore ka hadlay doorashooyinkan ayaa isagu tibaaxay inaanuu xisbigiisu ka qayb galaynin doorashooyin dambe ilaa Tirakoob lagu sameeyo codbixiye yaasha inkasta oo doorashooyinkii hore uga dhacay dalkana ay ahaayeen kuwo aan xalaan u dhicin waa sida uu hadalka u dhigaye.


Laakiinse Xisbiga Udub ayaa iyaguna waxay aamin sanaayeen in doorashada wakhtigii loogu talo galay ee sanadkani dabayaaqadiisa ahayd in la qabto iyadoo doorashooyinkii hore uga dhacay dalkana ay ku tilmaameen kuwo dimuqraadi ah oo dalka u horseeday horumar iyo waxqabad.


Xisbiga Kulmiye Masuuliyiintiisa sar sare oo iyaguna ka hadlayay arimaha doorashooyinka waxay ku rajo waynaayeen inaan doorashooyinka dib loo dhigin taasi oo ay ku tilmaameen in laga heli doono fursado badan oo lagaga faa’iidaysto hadii dib u dhca uu ku yimaado .


Axamed C/laahi Caafi oo ka mid ah dadwaynaha ku nool magaalada Borama ayaa isaguna farta ku fiiqay in sib u dhigista lagu sameyey doorashooyinka ay tahay mid ay isla jaan qaadayaan mucaarid iyo muxaafidba loona arkayo wax badan oo markii hore qabyo ahaa inuu mudadaasi lagu hir galin doono .


Halka Faadumo Siciid Cumar ay ka walaacsan tahay doorashooyinkan dib loo dhigay iyadoo sabobta ku tilmaantay in mar hadii Golayaashii degaanku ay sanad dambe sii joogayaan in wax qabad la’aan ay ku habsan doonto bulshadii soo dooratay waxaanay intaa sii raacisay intii horeba waxba may qaban imika hadii sanad loogu darayna waxba soo kordhin maayaan laakiinse faa’iidadu waxay ku jirtay in wakhtigeedii la qabto oo aan dib loo dhigin.


Dadka kale ayaa iyagu waxa ay aaminsan yihiin in arintani gudiga doorashooyinka iyagu ay gaadheen ay tahay mid ay qiil ku raadsanayaan isla markaana ay aanay rabin dadkii wax dooranayay oo tooduun ka fikirayaan waxaanay intaa sii raaciyay in Todoba xubnood ee Gudiga Komisahanka aragtidooda iyo talo soo jeedintooda ay ka dambeeyaan xisbiyada Mucaaridka sabobtoo ah Xisbiga Kulmiye wali waxuu ku heshiin la’ayahay inay isla meel dhigaan Xubnihii Xisbigooda uga qayb gali lahaa tartanka doorashooyhinka iyo cidii hogaaminta yeelan lahayd.


Halka Xisbiga Uucidna uu ka warwar san yahay sidii uu dhaqaale badan oo uu doorashayada kaga qayb galo iuu u diyaarsan lahaa walise waxaan cadayn moqifka xibsiga UDUC oo aan ilaa iyo imika waku qavsab shirwaynahoodii ay ugu diyaargaroobayaan doorashooyinka soo socda, taasi oo aan la cadayn Karin ujeedada uu u qabsoomi waayay.


Gudiga doorashooyinku oo aan mudo Sadexbilood aan gaadhinba xilkaasi hayay waxay dadbadani aamin san yihiin waxyaabahan ay soo ban dhigeen danta ay ka leeyihin iyo ujeedada ay u jahwareerinayaan siyaasadii qaranka Somaliland .



Abokor Hasan Afi
Saylicipress-Borama

Monday, October 08, 2007

Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Iyo Madax-weynaha oo Dib Loo Dhigay

Waxa goordhawayd gudida doorashooyinka ee Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in doorashooyinkii ka qabsoomi lahaa dalka dib loo dhigay, siiba doorashooyinka golaha deegaanka iyo ta madaxweynaha, arintaasi oo ka soo go'day wada tashiyo is tusaalayn ay gaadheen dhamaan xisbiyada qaranka ee Somaliland, isla markaasna ay wada tashi buuxda la qaateen gudida doorashooyinka ee Somaliland, oo iyagu mudeeyay hada wakhtiyada cusub ee ay qabsoomi doonaan, taasi oo ay xisbiyada qaranka ee Somalilandna ku taageereen ama ay ku raaceen dib u dhigistaasi ay soo saareen maanta gudida doorashooyinku.

Dib u dhigstan doorashooyinka ayaa ah wax ay sadexda xisbiba isla waafaqeen ama isla ogolaadeen mana jirto cid ka soo horjeeda wakhtigaas dib loo dhigay, haday noqoto xisbiyada UDUB,KULMIYE iyo UICD, toona.

Heshiiskan oo aan si rasmi ah weli daboolka looga qaadin, warar aanu ka hellay ilo ku dhowdhow Komishanka Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka, waxa dhinacyada oo dhami ku heshiiyeen in doorashada Deegaanka dib loo dhigo muddo 7 Bilood ku dhow, halka doorashada Madaxtooyada dib loo riixey muddo 3 bilood ah.

Waana Sidan Hoos Ku Xusan Sida Loo Kala Badalay Doorashooyinka:

Doorashooyinka golaha deegaana oo qabsoomi lahaa December 15, 2007, waxa loo cayimay in ay qabsoomaan ama ay dhacaan July 01, 2008

Ta madaxweyanaha oo qabsoomilahayd bisha 14 April 2008 - waxa loo badalay August 31, 2008, taas oo sida la sheegaayo loo sababeeya in la sameeyo diwaan galin buuxda oo laga hirgaliyo dalka doorashooninka ka hor inta ayna qabsoomin taasi oo ay sheegeen gudiga doorashooyinku in aan wakhtiga aan laga gaadhsiin karin diwaan galin isla markaasna ay tahay in la sameeyo diwaan galinta marka hore oo ay tahay in wakhti la siiyo.

Talaabadan ayaa ah tii ugu horaysay ee ay qaadaan gudiga doorashooyinka qaranka oo ah gudi cusub oo iyagu ka kooban dhamaan golayaasha kala gadisan ee Somaliland, kuwaasi oo badalay gudidii hore oo lgu tilmami jiray gudi aad u adkayd oo aad isugu kalsoonaa. Hadaba arintan dib u dhigsta ee ay maanta ku dhawaaqeen ayaa ah talaabo aad u wanaagsan maadaama oo ayna jirin wax cabasho ama buuq ah oo ay kala kulmayaan talaabadani ay maanta ku dhawaaqeen, taasi oo bixinaysa ififaale wanaagsan oo ay hawshooda ku gudan karaan iyo doorashooyinka oo inoogu qabsoomi doona buuq laan iyo si loogu wada qanacsanyahay.


Source Qarannews and Somalind.org

Sunday, October 07, 2007

One killed as Somali Islamists bring in Afghan-trained commander


NAIROBI, Kenya (AFP) — A Somali security official was killed in Mogadishu, witnesses said Sunday, as Islamists insurgents brought into their ranks an battle-tested Afghan-trained commander.


Gunmen shot dead Ahmed Hareed, a district official for Somali National Security Agency, overnight in the south of the lawless capital, the latest in a string of attacks targeting government employees and sympathisers.


"Hareed was targeted because of his services to the government, just like many other officials who have faced the same fate," said Mohamed Ibrahim, a friend.


On Sunday, four civilians were wounded in the capital's Suqaholaha district after Ethiopian troops opened fire in response to a grenade attack, a witness said.


"Of the four, one of them was seriously wounded," said resident Abdullahi Abdi Mohamud.
Daily insurgent-led attacks have convulsed Mogadishu since January when the government, backed by Ethiopian forces ousted an Islamist movement that controlled much of southern and central Somalia.


Last month, leaders of a new Islamist-dominated opposition group formed in neighbouring Eritrea vowed to drive off the Ethiopian troops, accusing them of occupying their country.
Islamist fighters (also known as Al-Shabab) named Sheikh Mukhtar Robow Ali "Abu-Mansoor", the former deputy commander of Islamic Courts Union (ICU) that was ousted from Somalia early this year, as their spokesman in Mogadishu.


A spokesman is usually a commander among Islamist fighters.
Abu-Mansoor, 38, who was trained in Afghanistan in 2001-2002, gained fame when he commanded militiamen against Ethiopian forces who had invaded the country's Gedo region in 1996, according to Islamist website heegan.net.


In addition, he also set up a militia training in Somalia in the 1990s at the height factional wars.
Somalia has lacked an effective government since the 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre touched off a deadly clan-based power struggle that has defied numerous efforts to restore stability.


Suspected Islamist rebels kill Somali army general

By Aweys Yusuf
MOGADISHU (Reuters) - Suspected Islamist insurgents killed a Somali army general in an ambush in the capital Mogadishu, witnesses said on Saturday.

Five men armed with pistols killed General Ahmed Jilaow Adow, his bodyguard and his driver late on Friday after he left his office in north Mogadishu.

"His car was blocked by a van and then a car parked next to his. Five men armed with pistols came out, shooting my uncle, his driver and his bodyguard dead," the general's nephew, Abdihakin Omar Jimale, told Reuters.

"He was a peace advocate and a member of Interpol...He was internationally and locally known," Jimale said.

Mogadishu has been rocked by violence since Somali government forces backed by Ethiopian troops early this year ousted Islamist sharia courts movement that had ruled Mogadishu and much of southern Somalia for six months in 2006.

An insurgency has raged since then, with hardline members of the Islamist group now blamed for an Iraq-style campaign of roadside bombs, suicide blasts and assassinations.

In a separate incident, two women in their twenties were killed on Friday night after being held hostage for hours in the Suq Holaha vicinity in north Mogadishu, witnesses said.

"The insurgents were asking them whether they had relationships with the Ethiopian troops, and at around 10.20 p.m. we heard gun shots," said a resident, who asked not to be named. "This morning their bodies were found dumped."

Police spokesman Abdiwahid Hussein told local radio that Somali troops would launch a 20-day campaign on Sunday to collect arms from residents in the gun-infested city.

Somalia has been without central rule since warlords toppled former dictator Mohamed Siad Barre in 1991.

Source: Reuters